Araweelo News Network.   Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qabatay Shirweyne lagaga hadlayay Maamul Daadajinta Waxbarashadda Aasaasiga Ah, kaas oo ay ka qaybgaleen Masuuloyinta Wasaaradda iyo Guddiyada ka socda hay’addaha dawladda ee doorka  ku leh hawshaa. Kulankan oo ay ka soo qayb galeen guddoomiyeyaasha 23-ka degmo doorasho oo ay weheliyaan guddoomiyayaasha waxbarashadda ee gobollada dalka iyo sidoo kale, Maayarada dawladdaha hoose ee dalka.

Laxidhiidha: Qodobada Kasoo Baxay Shirka Falanqaynta Tayaynta Waxbarashadda Oo Lagu Muujiyay Qorshayaal Cusub

Shirka  oo daba socday shirar hore oo lagaga hadlayay tayaynta Waxbarashadda, waxa ugu  horayn warbixin ka jeediyay Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Cabdirisaaq Naakhuude), oo ka waramay ahmiyada kulanka iyo ujeedada laga leeyahay.

Laxidhiidha: “Haddii Cidi Caddaalad Samysay Waxa Sameeyay Wasiirka Waxbarashadda, Waana Inaynu Abaalmarin Siinaa” Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland

Sidoo kale, Maayarka Caasimadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo  Dr. Adna Aadan Ismaaciil, ayaa hadalo ka jeediyay, kuwaas oo dhammaantood ku bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Wasaaradda Waxbarashadda, ka qaybqaadatay bixinta adeegyada waxbarashadda iyo dedaalka ay ugu jirto sidii waxbarashadda dalka loo tayayn lahaa, isla markaana loo gaadhsiin lahaa dalka oo dhan.

Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed oo hadalo ka jeediyay kulankaa gebagebadii, ayaa ku dheeraaday ahmiyada kulanka, waxayna labada masuul si qoto dheer uga hadleen maamul daadejinta waxbarashadda iyo tayaynteedu doorka ay ku leedahay horumarka dalka. Wasaaradda, ayaa shirar hore oo sidan oo kale kusoo bandhigtay qorshe ay doonayso in lagu hirgeliyo tayaynta iyo maamul daadejinta waxbarashadda dalka, iyadoo doodo iyo falanqayn kaddib laga soo saaray qorshe istiraatiijiyadeed oo la doonayo in lagu horumariyo waxbarashadda dalka, isla markaana la gaadhsiiyo degmo kasta iyo Tuulo kalsta oo dalka ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com