Qodobada Kasoo Baxay Shirka Falanqaynta Tayaynta Waxbarashadda Oo Lagu Muujiyay Qorshayaal Cusub

 

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Shir muddo saddex maalmood ah uga socday Guddiyada Waxbarashadda dalka oo ay hormood u ahayd Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, isla markaana ujeeddadiisu ahayd sidii loo maamulka waxbarashadda loo daadejin lahaa, ayaa laga soo saaray qodobo ay ka qaybgalayaashu isla qaateen, kuwaas oo fulintooda wasaaraddu balan qaaday.

ALt:Araweelo News Network

Ka qaybgalayaasha shirka,6- 9 November 2022, Image Araweelo News Network.

Qodobada kasoo baxay shirka, ayaa ahaa kuwo laysla qaatay kaddib dooddo iyo falanqayn ay ka qayb galayaashu ku faaqideen caqabadaha jira iyo sidii loo helo lahaa xalka loo baahnayahay ee tayaynta, fidinta iyo maamul daadejinta waxbarashadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda iyo Sayniska Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay fulinayaan go’aamada kasoo baxay shirka Guddiyada Horumarinta Waxbarashada Degmooyinka Dalka.

 

Maadaama ujeeddada koowaad ay tahay in go’aamadda shirkani ay ka mid noqdaan Himiladda Maamul Wanaagga Waxbarashadda ee Qorshaha Horumarinta Waxbarashadda (ESSP) Shanta Sano (2022-2026), wuxuu sheegay in laysla qaatay qodobada kasoo baxay shirka.

ALt: Araweelo News

Ka qaybgalayaasha shirka,6- 9 November 2022, Image Araweelo News Network.

Qodobada Ka soo baxay Shirka Sanadlaha ah ee Guddiyada Horumarinta Waxbarashada Degmooyinka Dalka, ayaa ahaa kuwan hoos ku qoran.

 

⦁Abuurista Guddida Manaahijta Qaranka oo daadihiya cusboonaysiinta Manhajka iyo Dib-u-eegista manhajkaas oo lagu salaynayo maabaadii’da iyo ujeedooyinka guud waxbarashadda ee ku xusan:

⦁Dastuurka Somaliland

⦁Siyaasada Waxbarashadda

⦁Xeerka Waxbarashada

⦁Hiraarka Somaliland ee 2030, sidaa darteed maado gaara ha noqdo Quraanka Kariimka ah.

⦁In la abuuro oo la meel-mariyo Sanduuqa Horumarinta Waxbarashadda ee heer qaran, degmo iyo dugsi si macalimiinta loo siiyo gunno ku filan oo ay ugu hoosayso (USD 500), ama gunnadda lagu saleeyo tiradda xiisaddaha ee macalinku dhigo maalintii, tobaadkii, bishii ama sanadkii. Qaadhaan kasta oo la ururiyaa waa in uu wax ku biiriyaa horumarinta himilooyinka waxbarashadda?

⦁Guddida Waxbarashadda Qaranku waa in ay u ololeeyaan kordhinta miisaaniyadda iyo maalgelinta waxbarashadda

⦁Abuurista sanduuqa daryeelka macalimiinta iyo caafimaadka Ardayda

⦁Shaqaalaysiinta barayaasha cusub ee dugsiyadda dawladda waa in lagu saleeyo qodobadda soo socda:

⦁Sida ay dugsiyadda dawladdu u kala baahi badan yihiin, sida ku cad weel-xogeedka waxbarashadda.

⦁Mudnaanta in la siinayo barayaasha KMG ee dugsiyadda dawladda wax ka dhiga ee buuxiya shuruudaha liisanka macaliminimadda

⦁Waa in Lagala tashado Guddoomiyayaasha Waxbarashadda ee Degmooyinka iyo Gobolada.

⦁Midaynta dugsiyadda iyo madarasadaha, iyadoo dugsiyadda lagu kordhinayo taxfiidka qur’aanka iyo xoojinta barashadda Diinta Islaamka, isla markaana madaarista lagu waajibinayo inay raacaan nidaamka waxbarashadda qaranka oo ay dhigaan maadooyinka muhiimka ah (core courses)

⦁Waa in dugsi walba loo qoondeeyo tiro macalimiin ah oo ku filan, isla markaana la helo liiska macalimiinta iyo shaqaalaha dugsi kasta ka hawl gala dalka.

⦁Imtixaanka fasaladda 8aad iyo 12aad inay qaadaan dugsiyadda iyo Xafiiska Imtixaanaadka labaduba, iyadoo imtixaanka uu Xafiiska Imtixaanaadku qaado ilaalintiisa loo xilsaaro jaamacadaha dalka.

⦁Kaltirsiga dugsiyaddu waa inuu noqdo 45- daqiiqo xiisadiiba, 6 xiisadood maalintii, iyo 6 maalmood todobaadkiiba. Ujeedku waa in meel loo helo xiisado dheeraada oo quraanka Kariimka ah lagu dhigo.

⦁Intii shirku socday waxaa laysku waafaqay qeexida, liisaska goobaha degsiimooyinka, degalada, aagaga iyo degmooyinka waxbarashadda.

⦁Waa in Wasaaradda Waxbarashaddu addeega waxbarashadda u daadejiso gobolada, degmooyinka ilaa heer degsiimo.

 

⦁Laga bilaabo 2023 shirweynaha sanadlaha ah ee Guddiyadda Waxbarashada waxaa diyaarinaya oo maamulaya Guddida Waxbarashadda Qaranka oo farsamo ahaan adeegsanaya Waaxda Gobolladda iyo Degmooyinka ee WW&S.

Laxidhiidha: Shir Lagu Faaqidyo Sidii Maamul Daadejin Loogu Samayn Lahaa Waxbarashadda Dalka

 

⦁Iyada oo laga duulayo siyaasada maamul daadejinta, waa in la isku xidho qorshaha horumarineed ee guddida degmada iyo qorshaha mashaariicda haayadaha.

⦁Hawl gelinta guddida waxbarashaddu waa inay noqoto qayb ka mid ah miisaaniyada iyo maalgelinta waxbarashadda.

Allaa Mahad Leh

Guddoonka Guddida Horumarinta Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com