“Haddii Cidi Caddaalad Samysay Waxa Sameeyay Wasiirka Waxbarashadda, Waana Inaynu Abaalmarin Siinaa” Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Waxbrashadda iyo Saynisa Somaliland, ayaa daah-furtay shir lagu faaqidayo sidii waxbarashada loogu samayn lahaa maamul daadejin ee degmo walba iyo tuulo walba loo gaadhsiin lahaa.

ALt: Araweelo News

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, iyo wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Image Araweelo News Network, shirka waxbarashadda, 6 September 2022.

Shirkaa oo saaka ka qabsoomay Huteelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa, waxa ka qaybagaly Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, Wasiirka Waxbarashadda iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, Masuuliyiinta kale ee wasaaradda Waxbarashada, Maayarada Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland guddoomiyayaasha iyo guddiyada waxbarashada gobollada dalka.

ALt: Araweelo News

Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, Image Araweelo News Network, 6 Sep 2022.

Sidoo kale, waxa ka qaybgalay Khuburo ka socotay bahda waxbarashada, aqoonyahano iyo marti sharaf kale, waxaana muddo laba maalmood ah oo shirku soconayo lagu gorfayn doonaa sidii waxbarashadda degmooyinka dalka loogu daadejin laaha ee loo tayayn lahaa, taas oo ah qorshaha iyo istiraatiijiyada waxbarashadda ee wasaaradda sida uu sheegay Wasiirku.

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, ayaa daah-furay Shirka sanadlaha ah ee guddiyada horumarinta waxbarashadda ee Degmooyinka dalka, ayaa Wasaaradda Waxbarashadda ku bogaadiyay sida ay uga midho dhalisay Maamul Daadejinta Waxbarashadda, wuxuuna ka waramay marxaladihii uu soo maray barnaamijka tayaynta waxbarashadda oo sida uu sheegay soo bilaabmay xilligii xukuumaddii hore ee KULMIYE, ee Axmed Siilaanyo, wuxuuna tilmaamay dadkii rukunada u ahaa hirgelinta barnaajimka iyo halka uu maanta marayo oo sida uu sheegay ah meel wanaagsan.

Cabdiraxmaan Saylici, wuxuu tilmaamay in haddii cid caddaalad samaysay ay jirto uu yahay wasiirka waxbarashadda, sidaa awgeed lagu abaalmariyo, wuxuuna amaanay doorka ay hawsha maamul daadejinta ku leeyihiin Maayarka Berbera, Cabdishakuur Ciddin, Maayarkii hore ee Hargeysa Eng. Xuseen Jiciir oo barnaamijka loo qaatay iyo Agaasimaha maamulka iyo lacagta wasaaradda Cabduqaadir Cabdullaahi Jaamac (Cabduqaadir  Jeex),  oo  mar walba muujinayay dedaal hirgelinta barnaamijkan, sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenku, wuxuuna xuay sida ay lagama maarmaanka u tahay maamul daadejinta waxbarashadda iyo sidii loo xoojin lahaa qorshahaa, isagoo xusay in shirka guddiyada horumarinta Waxbarashadda ee degmooyinka dalkauu rajaynayo in ay kasoo baxaan go’aamo iyo qorshe wax weyn u tara qaranka.

Cabdishakuur Ciddin Maayarka Berbera, Image file Araweelo News Network, 6 November 2022. Ambassador Hotel Hargeysa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland, Cabdixakiim Siciid Muuse (Cabdixakiim Bustaale) iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Cabdirisaaq Naakhuude), ayaa faah-faahin ka bixiyay ahmiyada iyo ujeedada shirka loo qabtay iyo waxyaabaha laga filayo in ay kasoo baxaan, iyadoo muddada labada maalmood ee uu soconayo la doonayo in lagu lafa-guro arrimaha waxbarashada ee maamul daadejinta iyo sidii loo tayayn lahaa.

Mayaarka Magaalada Berbera, Cabdishakuur Ciddin, oo barnaamijka maamul daadejinta waxbarashadda degmo ahaan lagu amaanay doorka ay ka qaateen, ayaa ka sheegay maddasha sida ay uga diyaar yihiin hirgelinta qorshaha maamul daadejinta waxbarashadda, maadaama ay Berbera ahayd degmooyinkii lagu bilaabay dhawr sannadood ka hor, wuxuuna ku amaanay wasaaradda qorshahaa maamul daadejinta ee tacliinta oo sida uu sheegay Maayar Ciddin baahi weyn loo qabay, xilligana ah mid midha dhal ah.

 

Dr. Adna Aadan Ismaaciil oo madasha ka hadashay, ayaa ka warantay ahmiyada ay maamul daadejinta waxbarashadu u leedahay dalka iyo dhammaan deegaamada, waxayna soo jeedisay tallooyin ku waajahan sidii tacliinta loo tayayn lahaa iyo sidii akhlaaqiyaadka Ardayda loo dhisi lahaa, si loo helo bulsho aqoona ahaan iyo akhlaaq ahaan dhisan oo wax qabsata, waxayna ku amaantay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada dedaalka ay muujiyeen.

 

Wasiirka arrimaha guddaha Maxamed Kaahin Ahmed, oo wasaarad ahaan qayb ka ah barnaamijka oo doorkeedu lagama maarmaan yahay, ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay lamaga maarmaanka u tahay in waxbarashada la tayeeyo, isla markaana la gaadhsiiyo degmo walba iyo Tuulo walba.

 

Wasiir Kaahin, wuxuu ka hadlay sida ay lagama maarmaanka u tahay in Manhajka lagu daro Taariikhda dadka iyo dalka, isagoo tusaale usoo qaatay halyeeyadii naftooda usoo huray dalka, sida Muj, Lixle, Maxamed Cali iyo dad baddan oo kale oo dalka iyo dadka taariikh ku lahaa, kuwaas oo sida uu sheegay loo baahanyahay in dhalinyaradeena ay u noqdaan higsi oo ay ku daydaan.

 

Sidoo kale, wuxuu Wasiir Maxamed Kaahin soo jeediyay in la helo barnaamij la xidhiidha akhlaaqiyaadka Ardayda, sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in wasaaraddu ku darsato qorshaha barnaamijkeeda iyo siyaasadeeda ku waajahan waxbarashadda dalka, isagoo dhinaca kale usoo jeediyay wasaaradda in maamul daadejinta waxbarashada aannay ku koobnaan degmooyinka waaweyn ee derejada (A), balse la gaadhsiiyo 70 degmo doorasho oo dalka ah, kuwaas oo ah derejada (D), wuxuuna ku amaanay dedeealka iyo juhdiga wasaaradda waxbarashadu gelinayso tayaynta waxbarashadda iyo maamul daadejinta oo sida uu sheegay wax weyn ka taray horrumarinta Tacliinta, isagoo xusay in wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin wixii qorshe iyo nidaam ah ee ay u baahdaan wasaaradda waxbarashaddu.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sharaxaad ka bixiyay ujeeddada laga leeyahay shirka iyo qorshaha ay doonayaan wasaarad ahaan in ay kasoo baxaan shirka guddiyada horumarinta Waxbarashadda ee degmooyinka dalka.

 

Wuxuu sheegay in wasaarad ahaan ay dedaal iyo juhdi geliyeen sidii qaranka meel walba dalka Tuulo iyo degmo loo gaadhsiin lahaa waxbarashada, isagoo tilmaamay qorshayaal ay durba wasaarad ahaan ku guulaysteen oo ay doonayaan in ay sii horumariyaan, wuxuuna tilmaamay in qorshahan ay ku hoos jiraan tayaynta waxbarashadda iyo deeqaha.

 

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay go’aansadeen in miisaaniyadda wasaaradda 70%, u qorsheeyeen in ay ku baxdo gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo loo eegayo sida ay u kala arday baddan yihiin, gaar ahaan dugsiyada dawladda, taas oo sida uu sheegay wax weyn ka tartay ujeeddadii ay ka lahaayeen qorshahaa oo durba abuurtay tartan in dugsiyadu badiyaan Ardayda si ay qayb libaax uga helaan dhaqaalaha ay wasaaraddu u qoondaysay ee miisaaniyad sanadeedka.

 

 

Sidaa awgeed, wuxuu ku booriyay wasiirka waxbarashadu in ka qaybgalayaashu ay shirkan kasoo saaraan waxyaabo qaranka wax tar u noqda mustaqbalka, isla markaana muddada labada maalmood ah ay ahmiyad weyn siiyaan ka midha dhalinta ujeeddada shirka, wuxuuna tilmaamay in uu rajaynayo in ay kasoo baxaan go’aamo iyo qorshe wax weyn u tara qaranka.

 

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com