Araweelo News Network.

Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika waxaa hehsiis ku gaadhay Jabhadda TPLF iyo Xukuumadda Abiy Ahmed. Maadaama labadoodu isku ilka beeleen micneheedu maaha way is jeclaan doonnaan , oo dowlad Ethiopia la yidhaado ayay wada dhisan doonaan.

Balse arrintan micneheedu kama foga inay isku soo nasanayaan labadaa kooxood, iyagoo ku jira Hubka iyo saanada dagaalka oo ay isku sii urursanayaan.

 

Axmaaro oo wadata Abiy Ahmed iyo Eritrea, iyo Tigre oo dadkooda la xasuuqay oo dhibaato weyn loo geystay maaha kuwo si fudud iskugu Calool fiyoobaan doona.

 

Siyaasadda kale ee TPLF ciyaaryso ayaa ah inay kasbato saaxiibo badan oo caalamka ah, kuwaas oo si la siman dowladda Ethiopia oo kale ula macaamila iyaga, oo siiya dhaqaalahooda iyo Taageerada dhan walba ah ee ay u baahan yihiin. Xukuumadda Abiy Ahmed way ku fashilantay inay arrintaa Iska hortaagto Jabhadda TPLF.

 

TPLF hadda ma rabto inay xukunka Ethiopia qabsato waayo way ogtahay in aannay arrintaasi u suurat gelayn, balse ugu yaraan waxay rabtaa inay Gobolkooda Tigray ku fara adaygaan, sidoo kale waxay rabaan inay gacanta kuwada dhigaan dhulka ay Axmaarada isku haystaan.

 

Ugu dambayn waxa si cad u muuqata in aannay soo dhammaan collaaddii Ethiopia ka aloosnayd ee socotay muddada labada sannadood ee ay xilligan madaxa la gashay, heshiiskaasi maaha mid soo af jari kara colaaddaasi.

Waxaana halkiisa ka sii socon doonaa daagallada tooska iyo loolanka siyaasaddeed ee u dhexeeya qawmiyaddaha Axmaarada iyo Tigre, kuwaas oo ku hardamaya sidii ay u guumaysan lahaayeen qawmiyaddaha kale ee la daciifsado ee dalka Ethiopia.  Sida Soomaalida, Oromada, ummaddaha Shucuubta Koonfureed, iyo Hererida.  Wallow Soomaalidu tahay Qawmiyadda ugu liidata Guud ahaan dalka Ethiopia.

Writing by Dr. Ahmed Hassan Salah and first published this article on Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published on the Araweelo News Network.