Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddida Diiwaangelinta Doorashopyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Lixda gobol ee dalka u kala diray maanta shixnaddaha agabka diiwaangelinta.

Guddida, ayaa sheegay in Agabka diiwaangelinta oo ay la socdaan tababarayaal ku tababaraya hawlwadeenada goobaha loo qorseeyay si ay uga bilaabaan diiwaangelinta ay ka anbabaxeen xarunta guud ee Hargeysa.

Laxidhiidha: Guddida  Doorashooyinka Qaranka Oo Bayaan Kasoo Saaray Diiwaangelinta

Gaadiidka oo ay saaran yihiin agabka goobaha, isla markaana ay la socdaan tababarayaasha, ayaa loo diray gobollada Awdal, Sanaag, Sool, Togdheer iyo Saaxil ee ka baxsan xarunta guud ee gobolka Maroodi-jeex.

Saraakiisha Guddida diiwaangelinta doorashooyinka, ayaa sheegay in 28 Desember 2022, si isku mid ah ay diiwaangelintu uga bilaabmay dhammaan gobollada dalka oo dhan.

Laxidhiidha: Madaxweyne Biixi Oo Xeer Kusoo Saaray Maalinta La Bilaabayo Diiwaangelinta

Diiwaangelinta, waxa ka faa’idaysanaya dadkii qaangaadhay ee aannay da’doodu u suurta gelin diiwaangelintii hore, kuwa aan hore isu diiwaangelin ee gaadhay xaqa diiwaangelinta iyo cod-boxonta doorashada iyo sidoo kale, kuwa aan fursadaa hore u helin, taas oo ah xaq dastuuri ah oo ay muwaadiniintu u siman yihiin.

Guddida diiwaangelintu waxay usoo jeediyeen Bulshada inay si nabad ah isu diiwaangeliyaan oo ay la shaqeeyaan hawlwadeenada guddida doorashooyinka qaranka.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com