Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Taliyaha Guud ee Ciidamada Wadajirka ah ee  Geeska Afrika,  haweenayda Major General Jami C.Shawley, oo booqasho ku timi jamhuuriyadda Somaliland, ayaa carisay dareenka shacbiga Somaliland.

Related: The words in the AFRICOM statement are contemptuous and disrespectful to the cause of the Republic of Somaliland

Waxa si weyn xaasaasiyad u kiciyay weedho ay ku qortay barteeda Twiter, kaddib booqasho ay ku timi Somaliland toddobaadkan, iyadoo kasoo kicitintay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Djibouti.

“Waxaan dhawaan booqasho aad u wanaagsan ku tagay gobolka Somaliland ee Soomaaliya, halkaas oo aniga iyo kooxdayda aanu qiimaynay awoodda dekedda Berbera ee mustaqbalka bixinta gargaarka bini’aadantinimo.” Sidaa ayay ku qortay bateeda Twitter, iyadoo ka hadlaysa booqashaeeda  Somaliland ee Dekedda Caalamiga ah ee Berbera.

Haseyeeshee, waxa si weyn uga cadhooday inay Sarkaaladaa oo sidoo kale  ah isku-duwaha iyo sarkaalka siyaasadda ee diiradda saaraya La-dagaalanka argagixisada iyo siyaasadda amniga qaranka Maraykanka ee aagga hawlgallada Afrika weedhaha sidaas ah ay kaga hadashay booqashadeeda,  kas iyo ulakac, ama badheedh  iyo garashadeeda midkay doonto ha ahaatee inay Somaliland ku tilmaanto gobol ka mid ah Soomaaliya kumanaan qof shacbiga Somaliland ah, kuwaas oo jawaabo degdeg ah ka bixiyay weedhaha oo loo arkay kuwo damqay nabaradii hore sababay inay shacbiga Somaliland lasoo noqdaan qaranimadoodii dhawr iyo soddon sannadood ka hor, iyadoo weliba ay in baddan oo shacbiga Somaliland ah xusuusan yihiin doorkii ay dawladda Maraykanku ku lahayd xasuuqiii loo geystay shacbiga sideetanaadkii ee Taliskii Millateriga ee dawladdii Soomaaliya oo xilligaa uu socday Xasuuqu dawladda Marayanku taageero Millateri iyo saanad ku caawinaysay Taliskii Maxamed Siyaad Bare ee xasuuqa geystay.

Weedhaha ka cadhaysiiyay shacbiga Somaliland, waxa sidoo kale ka cadhooday dadyow kale oo qaarkood yihiin siyaasiyiin iyo khuburo, dublamaasiyiin iyo qorayaal u dhashay Maraykanka, kuwaas oo tilmaamay in aannay habonayn in sarkaal ka socda Maraykanka, derejadaa leh, ay kasoo baxaan ereyo duudsiyaya qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee qaangaadhay iyo weliba nidaamka dimuqraadiyadeed ee ka jira iyo xasiloonida, sidoo kale, aan loo baahnayn sida ay tilmaameen in weliba ay weedho xaasaasiyad ku kicinaya shacbiga Somaliland ay kasoo baxaan Saraal sare oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Wadajirka ah ee Wadajirka ah Geeska Afrika oo xilligan dawladdiisu ku hawlan tahay sidii ay Somaliland u xod-xodan lahayd, oo ay danaynay  inay saaxiib dhow la noqoto Somaliland, iyadoo ku xisaabtamay Ahmiyadeeda Istiraatiiyadeed, amnigeeda iyo xiloonideeda.

Major General Jami C.Shawley, oo in ka baddan 28 sannadood ka tirsanayd Millateriga Maraykanka, waxay ka mid ahayd kooxdii ugu haraysay ee Haween ah Ciidamada Maraykanka ee diyaaraddaha dagaalka ee qumaatiga u kaca adeegsada, sida lagu sheegay warbixino lagu qoray Boggaga degeladda kaydka ciidamada Maraykanka.

Sidoo kale, waxay xirfad weyn u leedahay arrimaha Millateriga, iyadoo kasoo shaqaysay dalalka, Ciraaq, Afganistan, Bariga dhexe iyo kuwo kale, sida Puerto Rico. Major General Jami C.Shawley, ayaa soo qabatay xilal kala duwan, iyadoo mar hogaamisay hawlgalada duulimaadyada ee Maraykanka, Pacific iyo Bariga Dhexe.

Sidoo kale, waxay mar ahayd, Taliyaha Qaybta Diyaargarowga 81aad ee ku taal Fort Jackson ee Columbia, South Carolina, iyo Taliyaha Sare ee Fort Buchanan, Puerto Rico, waxayna ka qalin jabiyay Akademiyada Milateriga ee Maraykanka ee West Point 1992

Major General Jami, ayaa xilligan ah Taliyaha guud ee siyaasadda diiradda lagu saarayo La-dagaalanka argagixisada iyo siyaasadda amniga qaranka Maraykanka ee aagga hawlgallada Afrika ee taliskoodu yahay Djibouti.

Wa booqashadii labaad ee saraalka u sareeya Taliska Ciidamada Maraykanka ee Djibouti ku yimaado Jamhuuriyadda Somaliland, balse sidan oo kale, Taliyihii hore General Stephen Townsend, oo ahaa Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee Afrika, oo uu weheliyo Mudane Larry E. André, Jr., Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kaddib booqasho ay ku yimaadeen  Somaliland, 12  April, 2022. Laakiin waxa sidan oo kale booqashadiisa kaddib war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM. Ka cadhaysiiyay shabiga Somaliland, kaddib mariii Somaliland ku tilmaamay gobol ka mid ah Soomaaliya, waana markii labaad ee madaxda Taliska Maraykanka ee fadhigoodu yahay Djibouti ka cadhaysiiyan shacbiga Somaliland, iyagoo adeegsanaya weedho xaqiraad iyo duudsi ku ah qaranimadooda iyo jiritaankooda loo adeegsaday.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com