Araweelo News Network.

Fedorov oo weli la taliye u ah Kremlin-ka ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in Putin aannu ka laaban doonin mawqifkiisa

Andrei Fedorov

Kyiv(ANN)-Canbaaraynta dalalka reer galbeedka ayaa sii kordhay xaallada Ukraine, iyadoo Madaxweyne Putin dhegaha ka furaysatay wax kasta oo ay sameeyaan Maraykanka iyo xulufadiisa Midawga Yurub oo ay weheliso Britain.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa sheegay in ay jiraan eeddaymo badan oo isugu jira kufsi, jidh-dil iyo dil aan loo meel dayin oo laga soo sheegayo Ukraine, waxayna arrimahan soo baxayaan, iyadoo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu dib u dejin u sameeyay ciidamadiisa ku sugan Ukraine.

Hoggaamiyayaasha Midawga Yurub iyo Uk, ayaa booqday saacadihii lasoo dhaafay magaalada Kyiv oo Millateriga Ruushku ka qaadeen culayskii ay ku hayeen iyo garaacistii ugu yaraan shan todobaad ku socotay.

Laxidhiidha: Ukraine:Maraykanka Oo Ka Digay Balanqaadka Ruushka

Midawga Yurub iyo Britain, ayaa balanqaadyo u sameeyay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, iyadoo lacag shan boqol oo miyan ah loo qoondeeyay in ay ku iibsadaan Hub casri ah, isla markaana wixii hada ka danbeeya ay xubin ka yihiin naadiga Miidawga Yurub ee EU.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, wuxuu Midowga Yurub weydiiyay in uu sheego, ama uu tuso caddayn ah in waxa Ukraine ka dhacay aan la soo bandhigin.

Dhinaca kale, wasiir ku xigeenkii hore ee arrimaha dibadda ee Ruushka Andrei Fedorov, ayaa la weydiiyay bal in madaxweyne Vladimir Putin la yimaado dagaal cadho kasta oo cusub.

Fedorov oo weli la taliye u ah Kremlin-ka ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in Putin aannu ka laaban doonin mawqifkiisa ilaa uu ka gaadhayo hadafkiisa ah in Ukraine ay dhexdhexaad ka noqoto arrimaha siyaasada iyo isbedel lagu smeeyo maamulka Kyiv.

Laxidhiidha: Ukraine Dhacdooyinka Salka U Ah Xiisadda Ka Alloosan Ee Ruushka Iyo NATO

Fedorov ayaa sidoo kale sheegay  in sababta Moscow  qaar ka mid ah Kremlin-ka ay si khaldan u xisaabiyeen waxa ka dhacaya Ukraine,  gaar ahaan sida uu tilmaamay dhibaatada laga sheegayo  Bucha iyo magaalooyinka ay burburiyeen ciidamada Ruushka musiibo dagaal.

Dublamaasiga, ayaa sheegay in Gollaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay u codeeyay in Ruushka laga joojiyo xubinnimada Gollaha Xuquuqul Insaanka , taas oo uu sheegay in ay ka timid hay’ad aannay Moscow dan ka lahayn.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com