MABA LULATEE MAXAY LEEFTAA!

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xildhibaan Axmed Dayib oo loo yaqaan (Ku-caddeeye), isla markaana ka mid ah mudanayaasha gollaha wakiillada Somaliland uga soo baxay gobolka Maroodi-jeex xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ayaa dhaliilo u jeediyay xukuumadda iyo Axsaabta mucaaradka.

Alt: Araweelo News Network
Xildhibaan Axmed Dayib (Ku-Caddeeye) oo ka mid ah gollaha wakiillada Somaliland Image file, Araweelo News Network. Oct 2021.

Xildhibaanka, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay eeddaymaha ay siyaasiyiinta xisbiyada mucaaradka iyo xukuumaddu isugu jeedinayaan qorshaha ku saabsan masuuliyadda dhismaha Suuqa Waaheen iyo gurmadka loo fidinayo ganacsatada xoollahaoodu ku gubteen.

Wuxuu sheegay in hab-dhaqanka siyaasiyiinta arrintan ka hadlayaa ay caqabad iyo hagar-daamo noqonayaan gurmadka iyo taakulaynta loogu jiro Ganacsada ku caydhoobay suuqa Waaaheen, sidaa awgeed wuxuu soo jeediyey in meesha laga saaro ka-hadalka iyo aragtiyaha iska soo horjeeda ee laga bixinayo qorshaha dhismaha suuqa Waaheen.

Sheekh Axmed Dayib oo arrimahan kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada, wuxuu ku bilaabay sidan- MABA LULATEE MAXAY LEEFTAA!

Samato-bixinta dadka tabaalaysan iyo dib udhiska Suuqa Waaheen iyamaa horreeya?!

Waxaan aad uga xumahay eedaymaha iyo jawaabaha ay warbaahinta isu marinayaan masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbigayga WADDANI, taas oo xagal daacin, turaanturro, caqabad, hagardaamo, niyad-jabin iyo gaagixinba ku ah dadaalka, gurmadka iyo taakulaynta ay ugu jiraan bulshada Somaliland, ta Soomaaliyeed iyo bulshada Muslimka ahba aafadii ka dhalatey dabkii ku habsaday Suuqa Waaheen, 01-04-2022.

Sidaa daraadeed, waxaan leeyahay cidkasta oo ku lugleh ka hadalka dib u dhiska Suuqa Waaheen wey kaa hoostee fikirkaaga iyo taladaadaba la sug amminta iyo goorta la soo gaadho dib-u-dhiska Suuqa, hana carqaladayn gurmadka loogu jiro sabata bixinta dadkii ku caydhoobay ama ay saameysay musiibadii Waaheen oo isugu jira:

1- Dadkii maxaysatada ahaa sida hooyooyinkii muuska, tamaandhada, hilibka, iwm masaariifta kala soo bixi jiray.

2- Dadkii shaqaalaha iyo muruqmaalka ahaa.

3- Dadkii kala duwanaa ee hantidoodii ku waayay dabkaasi.

Waxa aan cod dheer ku sheegayaa cidda maanta ka hadlaysa dib-u-dhiska lagu samayn doono mustaqbalka Suuqa Waaheen in ay tahay cid aan u damqanayn dadka tabaalaysan ee gurmadka degdegga ah u baahan, isla markaana ka carqaladaynaysa gurmadka taakuleynta ah ee gudo iyo dibadba loogu jiro in lagu sabata bixiyo dadkaas tabaalaysan oo ka horreeya dhismaha Suuqaas.

Ugu dambayn, waxaan leeyahay dadkeyga tabaalaysan maanta maaha maalin siyaasadeed ee waa maalintii loo midoobi lahaa gurmadkiina iyo qaadhaan ururinta samatabixintiinna.

NINKA KAA DULGUURIYO

DADKA KII WAX KUGU TARA

MARKEY DANI KU HAYSAAD

DADKA KALA OGAATAA.

اللهم أجرنا في مصيبتنا وأخلف لنا خيرا منها

ALLAA MAHAD LEH

XILDHIBAAN SH. AXMED DAYIB KUCADDEEYE oo ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland