Araweelo News Network

Qaar ka mid ah muslimiinta ah ee Rohingya oo ka gudbaya webi ku yaal xadka ay la leeyihiin dalka Bangladesh

 

 

New York (ANN)- Waxaa aad u kordhay dadka muslimiinta Rohingya ee ka qaxaya dalka Myamar, kuwaas oo tiradoode gaadhay illaa 270,000 qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay

 

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay,  ayaa sheegtay in korpdhka badan ay ugu wacantahay in la ogaaday dad cusub oo meelo kale ka qaxaya, kuwaas oo nafohooda la baxsanaya.

 

Qoysas Rohengya ah oo ka qaxay dalkoda

Rabshadaha iyo xasuuqa ay Dawladda Burma, loona yaqaan Myanmar oo ku yaal Koonfur-bari ee qaaradda Eeshiya (Assia), ka wado halkaa, ayaa ah dhibaatooyin xooggan oo isugu jira isir-tir iyo xasuuq, kuwaas oo ay ku hayso bulshada muslimiinta ah ee Rohingya, oo ka mid ah qoomiyadaha laga tirda badan yahay ee ku nool dalkaa.

Qoys Rahingaya

 

Dadka Myamar kasoo qaxaya ayaa sheegay in ciidamada militariga,  ay gubayaan guryaha, islamarkaasina ay dhibaataynayaan dadka, balse Dowladda Myamar,  ayaa beenisey eedeymaha laxidhidha  in ay ku xad gudbayso dadka Rohingya, waxayna sheegtay in ciidamada ay la dagaalamayaan kooxo falaago ah.

Toddobaadyadii u dambeeyey, waxa si xoogan u soo jiitay indhaha saxaafadda dunida , xasuuqa joogtada ah ee lagu hayo muslimiinta dalka Burma, waxayna hay’addaha xuquuqal-insaanku tilmaameen in muslimiin tiradoodu ka badan tahay ilaa 800 (sideed boqol) oo qof lagu xasuuqay waddankooda laga soo bilaabo 25 August 2017,  iyadoo ay muddadaas kooban lafahooda ugu yaraan ay qaxeen bulsho tiradooda lagu qiyaasay 270. 000 kun oo qoomiyadda Rohingya ah, kuwaasoo u tallaabay dhinaca waddanka ay dariska yihiin ee Bangladesh.

 

Dadka Qaxaya, ayaa ku safraya Doonyo yar yar, waxayna buuxiyen Xerooyinkii horay u jiray ee qaxootiga oo ku yaal Bangladesh, waxayna taas sababtay in dadka cusub ee halkaasi gaadhayaa ay dagayaan meelo cusub.

 

 

 

Dadka oo u badan kuwo maato ah, ayaa qaarkood masaafo dheer lugeynaya, qaar kalena waxay ku safrayaan Doonyo, iyagoo lafohooda la baxsanaya, waxaana ka mid ah illaa 300 qof oo doon ku gaadhay Bangaladesh maalintii Arbacada ee Todobaadkan.

 

Dhibaatada lagu hayo dadka Rohingya,  ayaa walwal ka abuurtay meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah, waxaana hoggaamiyaha dalkaasi Haweeynayda lagu magacaabo Aug San Suu Kyi loogu baaqay in ay wax ka qabato.

Dhinaca kale waxa lagu soo bandhigay social media sawirro argagax xambaarsan oo laga qaaday dad maati ah oo ku jira safar halis badan oo ay kaga qaxayaan dalkoodii ay u dhasheen ee lagu xasuuqayo, sawirradaas oo ruxeen shucuurta iyo dareenka muslimiinta dunida.

 

 

Qoomiyadda muslimka ah ee Rohingya oo tiradooda lagu qiyaaso ilaa 1.1 milyan oo qof, waxa ay ku nool yihiin degaanno ka mid ah dalka Burma (Myanmar), gaar ahaan gobolka Rakhine oo ay aqlabiyadoodu ku nooshay, kuwaasoo aan wax xuquuq iyo qadarin ah ku lahayn waddankooda ay ku noolaayeen ilaa horaanta qarnigii 12aad, waxaana ay marar badan la kulmeen xasuuq daran, iyadoo ay mujtamaca aduunku daawanayaan dhibaatada lagu hayo dadkaa muslimiinta ah.