xujaajta2
Meca(ANN)Xukuumadda Dalka Boqortooyada Sucuudiga, aya wada qorshe si dhab ah loogu shaacinayo tirada dhabta ah ee dadkii Khamiistii shalay ku nafwaayay gudashada waajibaadka Xajka iyo kuwii ku dhaawacmay.

Tirada dhimashada Xujaajta, ayaa korodhay, iyadoo ay jiraan dad la raadinayo oo aan la hayn raq iyo ruux, waxaana la xaqiiyay baadhitaanada hordhaca ah in mushkiladu ka dhalatay iska hor imaad xujaaj laba dariiq markii qayb ka mid ah kasoo leexatay dariiqii kale, taas oo sababtay khasaaraha oo noqday kii ugu badnaa ee ka dhacay 25 sanadood ee u danbeeyay.

Dadka xujaajta ah ee dhintay iyo kuwa dhaawacmay, ayaa u baddan kuwo ka kala Yimi dalalka Pakistan, Masar iyo Iran, iyadoo 236 xujaaj u dhashay dalka Pakistan noqdeen dhimasho iyo kuwo la waayay. sida ay dawlada Pakistan sheegtay, taas oo ka dhigay tirada ugu baddan dal ahaan ilaa hadda.
Dalka labaad ee dhimashada ugu baddan Xujaajta ayaa noqday Iran oo 131 noqdeen dhimasho, Xukuumadda Masar ayaa sheegtay in 14 Xujaajta ka yimi dalkeedu dhinteen, isla markaana la waayay 30 Xujaaj ah, iyadoo dawlda India dhankeeda sheegtay in 14 Xujaaj ah ay ku dhinteen shilkaa, dallaka Indonesia, Kenya iyo wadamo kale oo Afrikan ah, ayaa dadka dhintay ku jira, bale weli waxa la sugaya natiijada rasmiga ah ee baadhitaanka dawlda Sucuudiga, iyadoo tirada dhaawaca ilaa hadda la hayo gaadhay 860, halka dhimashada lagu sheegayo tiradii u danbaysay 719.
Xukuumadda Iran ayaa canbaaraysay dawlada Sucuudiga, iyadoo tirada dhimashada Xujaajta ee Iran oo noqotay dalka labaad ee ay ugu badan yihiin dadkii ku dhintay shilkaa sii kordhisay xiisada u dhaxaysa labada dal ee Iran iyo Sucuudiga oo dagaalka dalka Yemen mudooyinkan xiisadooda sii xoojiyay.

Mudaharaadyo lagu canbaaraynayo Xukuumadda Sucuudiga ayaa ka dhacay maanta Tehran, iyadoo lagu dhaleecaynayo dhacdadaa, isla markaana xukuumadda Sucuudiga lagu tilmaamay in qaabka ay u maamushay Xujaajta sababay shilkaa.

Khasaaraha u danbeeyay ayaa ah kii ugu xumaa ee ka dhaca 25-kii sanadood ee u danbeeyay, iyadoo 1990, shil dhacay ay ku dhinteen 1,426, halka sanadkii 1994, waxa ku dhintay 270, sidoo kale 1987, waxa ku dhintay 402, halka sanadkii 2006, ay ku dhinteen Xujaaj gaadhaysa 364.

1921-kii tirada xujaajta ayaa ahayd 57, 000. sida ay sheegtay xarunta macluumaadka Sucuudigu (Saudi Central Department of Statistics and Information) isla markaana si weyn loo dareemay muslimiinta sanad walba soo kordhaya, iyadoo saddex sannadood ka hor gaadhay 3.2 milyan, taas oo muujinay korodh xad dhaaf ah, marka loo eego tirada xujaajta sanadkii 1921.

Korodhka Xujaajta ee sannadii u danbeeyay, ayaa khasab ka dhigtay in balaadhin lagu sameeyo Masjidka Maca Almukarama, waxaana Sanadkii u danbeeyay dawlada Sucuudigu qorshaysay in lasii balaadhiyo Masjidka oo lagu daray 400,000 square metres, taas oo u dhiganta (4.3 million square feet), iyadoo qorshuhu yahay inay hal mar waajibaadka Xajka ku gudan karaan muslimiin lagu qiyaasay dhawr million oo ka kala imanaya daafaha dunida. sidoo kale waxa la kordhiyay sannadkan 2015, dhinaca amaanka 100,000, kuwaas oo sugaya maanka, 25,000 hawlwadeenada Caafimaadka lagu kordhiyay iyo 100,000 air-condition si xararada kulaylka ee Cimilada aanay wax u yeelin xujaajta.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252  63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252  63 442 5380