Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in caalamku ogyahay xaqiiqda ah in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal jira oo madaxbannaan, balse aan weli haddana lagu dhiirran aqoonsi buuxa oo la siiyo.
Wasiir Sacad oo saxaafadda la hadlay, ayaa waxa uu yidhi; “Somaliland waxa loo ictiraafsan yahay inuu yahay waddan jira oo buuxiyey shuruudihii lagu aqoonsan lahaa waddan, weli dabcan maynu helin ictiraaf buuxa oo wuu innaga maqan yahay, waynanu ku hawlanahay sidii arrintaas looga hawlgeli lahaa ee adduunka looga sheekayn lahaa taariikhda Somaliland iyo xaqa ay u leedahay in la aqoonsado.”
“Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska iyo Maraykankuba waxay soo saaraan talo ay u jeedinayaan shicibkooda ugu sheegaan marba sida ay tahay xaaladda guud caalamka oo dhan oo Somaliland ka mid tahay. Talada ay imminka bixiyeen runtii mid cusub maaha, waana mid beryahaasba jirtay oo waa la isku qaadaa waddankii la isku odhan jiray Soomaaliya oo hadda kala ah Somaliland iyo Soomaaliya xaaladdiisa oo waa xaalad adag ayaa la yidhaa, waana looga digaa dadka doonaya inay u safraan, waxana laga reebaa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo qudha.”
Wasiirku waxa sheegay in talada xaaladaha digniinaha nabadgelyo ee dalalka reer galbeedku soo saaraan aanay ahayn qaar ku habboon Jamhuuriyadda Somaliland oo uu xusay inuu yahay waddan amni iyo xasillooni buuxda haysta.
“Runtii taladaas maaha mid innaga innagu habboon, waayo xaaladda nabadgelyada ee ka taagan Somaliland way ka duwan tahay xaaladda nabadgelyo ee ka taagan Soomaaliya, halkaasna waxa ka jirta caddaalad-darro, horena waannu ugala wadahadalnay, waxaanan rajaynayaa in arrinkaas la saxo oo dadka loo sheego warka saxda ee ah in Somaliland tahay meel nabad ah oo la iman karo, imminkaba waa la joogaa oo lagalama kulmayo wax argagixiso amma dhibaato ah,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.
Dhinaca kale, Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu markale ka hadlay saamiga dawladda Itoobiya ku yeelanayso maalgashiga dekedda Berbera, “Arrinkaas hore waan uga hadlay, xaqiiqduna waxa weeye ilaa imminka shirkadda maamusha dekedda Berbera waa shirkad aynu wada leenahay inaga iyo DP World, haseyeeshee waxa la isla gartay si dawladda Itoobiya ay u isticmaasho dekedda in iyada lafteedu dano ku yeelato oo ay maalgashato, waxaanna la isla gartay iyadoo weli uu wadahadalkii socdo oo aannu dhammaan in saamiga Itoobiya uu noqdo ilaa 19%, taasoo ka imanaysa 14% ay siinayso Shirkadda DP World iyo 5% aynu innagu siinayno.”
Sidoo kale, waxa uu ka warbixiyey natiijada safar uu ku maray dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka, isagoo xusay inuu kulano la yeeshay masuuliyiin dawladahaas ka tirsan, kalana hadlay qaddiyadda Somaliland.
“Waxa aan la kulmay madax ka tirsan dawladda Maraykanka, xubno ka mid ah Congress-ka Maraykanka iyo khubaro kale. Si wanaagsan ayuu runtii noogu dhacay kulamada aannu la yeelanay dadkaas kala duwan oo dhan, markii dambena waxa aan magaalada Washington uga gudbay dhinaca New York, halkaas oo aan kula kulmay madax ka mid ah Qarammada Midoobay, ujeeddada socdaalkuna waxa ay ahayd in aan marka hore bulshadeenna kala qaybgalo xuska xafladihii 18 May, isla markaana u xoojin lahayd xidhiidhka innaga dhexeeya innaga (Somaliland) iyo waddamadaas (Ingiriiska iyo Maraykanka) aan soo marnay, dhinac walba, haddii ay tahay dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo iskaashiga intaba sidii aynu u xoojin lahayn.”
“Runtii waxa aannu halkaas kala kulanay soo dhawayn ballaadhan iyo guul, rajo badana waannu ka qabnaa,” ayuu yidhi Wasiir Sacad.