Araweelo News Network

Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre

Muqdisho (ANN)- Ra’iisal-wasaaraha xukuumadda taagta Daran ee Soomaaliya Mr. Xasan Cali Kheyre, ayaa caddeeyey in aanay kelidood waxba ka qaban karin dhibaatooyinka iyo caqabadaha radaadiyey dalkooda.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Muqdisho shalay, Ra’iisal-wasaaraha oo ka qaybgalay bannaan-bax lagu taageerayay 100-kii maalmood ee ay talada haysay dawladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxa uu tilmaamay in waajib ay tahay in bisha Ramadaan laga wada shaqeeyo danta guud ee dalka iyo dadka Soomaalida, gaar ahaan sugidda amniga, horumarinta caddaaladda, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo gargaarka danyarta.
“Caqabadaha iyo dhibaatooyinka ina horyaal waa kuwa ragaaday, dawladda oo kaliyana wax kama qaban karto. Waxa loo baahan yahay in dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada doorkooda ka qaataan, gaar ahaan aqoonyahanka, culimada, oday-dhaqameeyada, ururada samofalka, ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada, taas oo lagaga gudbi karo marka la helo midnimo, waddannino, wada-shaqeyn iyo iskaashi dhex-mara dawladda iyo shacabkeeda,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaraha dawladda aan iskeed isku maamulin ee Soomaaliya.
Waxa kaloo uu ku dooday in xukuumaddiisu guulo muhiim ah ka gaadhay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, hase ahaatee waxa uu afka ka xidhay inuu ka hadlay qaraxyada iyo dilalka qorshaysan oo muddooyinkii u dambeeyey aadka ugu sii badanaya magaalada Muqdisho.