Araweelo News Network.

#Eisenhower @Mkaka, wuxuu iska difaacay eedaymo la xidhiidha socdaalkisa #Somaliland iyo Ujeedada Booqashadiisa

 

Hargeysa(ANN)-Wasiirka arimaha dibedda ee dalka Malawi, Eisenhower Mkaka oo booqasho ku jooga Somaliland maalmihii u danbeeyay, ayaa ka hadlay sababta dhabta ah ee socdaalkisa xilligan Somaliland.

Eisenhower Mkaka oo kulamo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, 19 December, kaddib markii uu booqasho ku yimi Somaliland, ayaa iska fogeeyay warar lagaga faafiyay baraha bulshada dalka Malawi oo qaarkood sheegayeen inuu diyaarad madaxtooyadda Malawi leedahay oo nooca Jet loo yaqaan ku tegey Somaliland, isagoo wada hawlo gaar hawlo ganacsi oo u gaar ah.

Hase yeeshee Mkaka oo iska difaacaya eedahaa, ayaa sheegay in booqashada uu ku joogo Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay mid rasmi ah, isla markaana wuxuu meesha ka saaray inuu socdaalkiisa u adeegsaday diyaaradda Madaxtooyadda Malawi.

AKHRI: Madaxweynaha Somaliland Iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Malawi Oo Yeeshay Kulan Albaabada Loo Xidhay

“Waxaan ku joogaa Somaliland socdaal rasmi ah, waxaana ku safray diyaarad ganacsi oo tigidhkayga aan la wadaagay” ayuu yidhi, Mkaka oo u waramay warbaahinta dalka Malawi oo arrimahaa iska difaacaya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Malawi, oo waramayay nyasatimes, wuxuu sharaxaad ka bixiyay ujeedada safarkiisa, isagoo sheegay in Somaliland ay u dhawaatay Malawi si ay u taageerto qaddiyada madax-banaanideeda, maadaama ay Somaliland tahay dal halgan iyo dagaal adag ugu jiri sidii ay aqoonsi uga heli lahaayeen dunida.

“Waxaan ku suganahay Somaliland, waxaan u kuur gelaynaa hawlo xaqiiqo raadin ah. Sida taariikhdu sheegeysona, Somaliland marwalba waxay ahayd qaran gooni ah. Waxay xornimadeeda  ka qaadatay 26 June 1960, Boqortooyadii Midawday ee United Kingdom.” Sidaa waxa yidhi, Wasiirka Arrimaha Dibedda Malawi oo tilmaamaya sababta socdaalkiisa Hargeysa.

Balse, wuxuu sheegay in Somaliland maalmo kaddib Baarlamaankeedii u coddeeyay inay ku biirto qeybtii Soomaaliya ee Talyaanigu xukumi jiray xilliyadii gumeystaha, taasoo ay ku midoobeen Jamhuuriyadii Dumuqraadiga ee Soomaaliya 1dii Luulyo 1960.

“Laakiin markii ay Soomaaliya noqotay dowlad aan la xukumi karin, gaar ahaan markii uu dhacay xukunkii Jeneraal Maxamed Siyaad, Somaliland waxay ku dhawaaqday inuu dhammaaday midowgii ay la gashay Soomaaliya 18-kii May 1991-kii,” ayuu yidhi.

Sidaa oo ay tahay wuxuu sheegay in aannay weli jirin dal Aduunka ka mid ah oo si rasmi ah u aqoonsaday tan iyo waqtigaas Somaliland, wuxuuna raaciyay intaa, “in kasta oo qaska iyo fowdada ay Soomaaliya soo martay, tani “Somaliland”waxay ay tahay geeska kaliya ee dalka ee sii waday inuu u shaqeeyo sidii qaran caadi ah oo weli ku naaloonaya xasiloonida deganaanshaha iyo horumarka.

READ: AU High Representative, Riala Odinga said that it is impossible to reunite Somalia and Somaliland

“Toddobaadkan, wakiillada xisbiga talada haya ee dalka Koonfur Afrika sidoo kale waxay raadinayaan sidii ay u ogaan lahaayeen haddii ay jirto waddo lagu taageerayo baaqa aqoonsiga Somaliland, maadaama 30 sannadood hadda laga soo gudbay, walina ay tahay qaybta kaliya ee xasilloon

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Malawi, wuxuu sheegay in  Dowladda Kenya todobaadyadii u danbeeyay ay qab ka ahayd qadiyada Somaliland, isagoo xusay in dalka  Isutagga Imaaraatka Carabta hore heshiis ula galay Somaliland, iyagoo mashruuc malaayiin dollar ah ku maalgeliyay dhismaha dekedda Berbera ee Caalamiga ah Shirkadda DP World.

READ: Somaliland President Muse Bihi and Delegation Arrives In Nairobi for Talks with President Uhuru Kenyatta

Sidoo kale, ay dawladdo badan oo caalamka ah ay xilligan doonayaan in baadhitaan dhab ah lagu sameeyo qadiyadda Aqoonsi ee Somaliland, kuwaas oo sida uu sheegay wada daraasado baadhitaan oo la xidhiidha qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Balse wuxuu wasiirku u sheegay warbaahinta dalkiisa in dowlada Malawi aannay weli qaadan mowqif rasmi ah, maadaama oo ay doonnayso inay wax badan ka ogaato xaqiiqda dhabta ah ee qadiyada aqoonsiga Somaliland iyo sababha kalifaya, taasina ay tahay sababta joogintaankiisa Somaliland.