Araweelo News Network

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Muj. Maxamed Kaahin oo la Hadlaya Ciidanka Booliska

Hargaysa(ANN)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Saaka Kormeer ku kala bixiyay xarumaha Talisyada Ciidamada Booliska ee Qaranka Somaliland, kormeerkaa oo ujeedadiisu ahayd si loo dardar geliyo  Hawlaha Amaanka Iyo Xogogaal u noqoshada baahiyaha Ciidanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Muj. Maxamed Kaahin oo kormeeray Ciidanka Booliska Kormeerka Wasiirka waxa ku weheliyay Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, waxayna Wasiirka Iyo Taliyuhu kormeer ku mareen Xarunta Taliska Ciidanka Birmadka, Turba-Taariyada  Iyo Taliska Guud Ee Dhawaan Ciidanka loo dhsiay, waxayna kulamo la qaateen Saraakiisha Ciidamada Booliska .

Wasiirka Iyo Taliyaha Ayaa Kormeerkooda Ka Bilaabay Xarunta Ex- Turba Taariyada Ee CID-Da Halkaasi Oo Wasiirku Uu Xog Waran Kaga Dhagaystay Masuuliyiinta Iyo Ciidan CPU Ee Xaruntaasi Ka Hawl Gala, Iyaga Oo Ka Xog Waramay hawlaha dhinaca amniga ee heeganka u yihiin.

 

Dhinaca Kale Taliyaha Ciidanka Iyo Wasiirka, ayaa markaa kadib Xarunta Taliska Ciidanka Birmadka, Halkaas oo ay Salaan kaga qaateen Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Qaranka.

Taliyaha Ciidamada Booiiska  S/Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo warbixin siinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Muj. Maxamed Kaahin, ayaa yidhi, “ Wasiir Ciidanka Hortaada Taagan Waxa Uu Ka Kooban Yahay Ciidanka RRU Iyo Ciidan SPU Oo Loogu Talo Galay Ilaalinta Haayadaha Caalamiga Ah Iyo Madaxda Qaranka Iyo Nabadgalyada Guud Ee Qaranka Waxaa Kaloo Ku Dhexjira Ciidan U Tobobaran Ka Hortaga Rabshadaha Waana Ciidanka Qaranka Somaliland Ku Dhaato Ee La Arki Jiray Waana Ciidan Aad U Tabo Tabaran Markaa Sacaadatul Wasiir Kusoo Dhawoow.”

Hadalka Taliyaha Kadib Waxaa Ciidanka Halkaasi Kala Hadlay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Oo Hadalo Dhiiri Galin Iyo Dardaar U Badan Halkaasi Ka Soo Jeediyey Waxaana Hadaladiisii Kamid Ahaa :-

“Ciidankan Inaan Soo Maro Oo Soo Kormeero waa waajib Maadaama aad Wasaarada Arrimaha Gudaha ka tirsan tihiin, waana Ognahay Hawlaha baaxada leh ee ay Qaranka u hayaan , Waxaan Idiin Sheegayaa Dawladnimada Nimaadkeeda Oo Dhami Waa Ilaalintiisa Nidaanka Waxaana Inoo Qaabilsan Ciidanka Boliska, Somaalidu Waxa Ay Ku Maahmaahdaa “Waxa Umusha U Dana Ayaa Hooyadana U Dan Ah” Haday Ummushu Gaajooto Ilmuhuna Wuu Gaajoonaysaa, Marka Imika Nidaam Jiro , Ayuu Qofkuna Qof Noqonayaa , Hadii Kale Lama Kala Sareeyo Lamana Kala Xoog Badna

 

Xayawaanka Duurjoogta Ah Sharcigeedu Waxa Weeyey In Midwaliga Ka Uu Ka Xooga Wayn Yahay Cuno Markaa Waxaynu U Baaha Nahay Hawsheena Boliska Inaynu Kordhigo Dadka Nidaamkaynu Ku Hagaynaa Marna Danbigaynu Ka Qabanaynaa Marna Danbigaynu Ku Qabanaynaa”

Hawlahan Kor Meerka Ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Ayaa Kuwo Bilow Isla Markaasina Lagu Dar-Dar Galinayo Laamaha Amaanka Iyo Amniga Qaranka.

Jamal Abdi Muhomed
Spokesman Somaliland Ministry Of Interior,