Hargeysa(ANN)-Wasiirka Gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) iyo wasiirka qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahin Shirwac oo safar kooban oo ay ku tageen dalka jamuuriyada Djibouti kadib maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Labada Wasiir, waxaa magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey Afhayeenka wasaarada Gaashaandhiga JSL Cumar Cabdirisaaq Cali, waxayna faahfaahin ka bixiyeen safarka iyo kulamada ay la qaateen madaxda ugu saraysa dalka Djibouti.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo waftiga hogaaminayey, ayaa sheegay in safarkani uu ahaa marti qaad ay ka heleen dawladda Djibouti, kaasi oo sida uu sheegay si meeqaam sare ah loo soo dhaweeyey, isla markaana ay la kulmeen wasiiro kala duwan oo ka tirsan dawladda Djibouti, Raysal wasaaraha dawlada Jabuuti iyo madaxwaynaha jamuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Waxaana uu sheegay in ay ka xukuumad ahaan ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta labada dal ee walaalaha ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahin Shirwac waxaanu sheegay in ay si siifacan loogu soo dhaweeyey dalka Djibouti safarkanina uu ahaa mid lagu xoojinayo xidhiidhka Somaliland Iyo Djibouti ka wasiir ahaana uu la kulmay wasiirada dhanka horumarinta si looga wada shaqeeyo kor u qaadida dhanka horumarka.