Share this:

" /> Smiley faceSmiley faceSmiley faceSmiley face
Published On: Sat, Feb 16th, 2019

Xukuumadda Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadal kasoo Yeedhay Soomaaliya

Share This
Tags

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay dhawaaq shalay ka soo yeedhay dawladda taabka gaaban ee Soomaaliya, oo shaacisay inay diwaan gelinayso hantida Ma Guurtadda ah ee dalkeeda oo sheegtay inay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ay faafisay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) oo uu soo saaray maanta Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta , ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), waxaanu u dhignaa sidan:-

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland wax qiime ah agteeda kama laha, hadallada afka baarkiisa ah ee Dawladda Magac u yaalka ah ee Soomaaliya ku marin habaabinayso Ummaddeeda tabaaleysan, waxana dhaqan ka noqotay inay sheegato Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madaxbannaan oo ay kala baxeen rubuc qarni ka hor.

Dawladda Muqdisho ee ka dul talisa Tiknikada AMISOM, waxa la yaab noqotay inay shalay ku dhawaaqday inay diiwaan-gelinayso hantida Ma Guurtada ah ee dalkeeda oo ay sheegtay inay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland. Taasi oo ay uga dan leedahay inay iskaga dejiso culaysyada iyo cadhada shacbiga Soomaaliya kaga soo horjeesteen xaraashkii Toddobaadkii hore ay ku faasaxday Xukuumaddaasi Qaybo ka mid ah shiidaalka ku jira dalkaas qalalaasuhu hadheeyey. Iyadoo horena ay u jirtay inay hadyad u bixisay soohdin biyoodka dalkooda iyo khayraadkii ku jiray.

Sidaas darteed, waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda Soomaaliya inay u soo noqoto runta ka jirta Gobolka Geeska Afrika oo ay ka waantowdo lab-la-kaca ay ku hawaysanayso inay farogeliso dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay shan madaxweyne si dimuqraadi ah oo nabdoon xilka iskugu wareejiyeen.”

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

#8Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp