Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumaddii Siilaanyo Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa digniin aad u adag u diray dawladda taagta daran Muqdisho oo uu ku eedeeyey inay farogelin qaawan iyo colaad ka dhex hurinayso degaannada gobollada bariga Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhow xuduudka dalka Soomaaliya.

Mr. Warancadde oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu tilmaamay in maamulka Muqdisho ee Madaxweyne Farmaajo ku hawlan yahay muddooyinkan dambe duullaan dhinacyo kala duwan leh oo uu ku hayo nabadgelyada iyo madaxbannaanida Somaliland, waxaannu falalkaas ku tilmaamay qaar aan loo dulqaadin karin.

“Waxaan jeclahay halkan in aan uga mahadnaqo ummadda reer Somaliland meel ay joogaan gudo iyo dibedba oo runtii ah ummad ku ammaanan dariiqa dheer ee ay ku soo qaadeen xaqiijinta gobonnimadooda iyo dib-ula-soo-noqoshada xorriyaddii ka luntay lixdankii.

Waxaan jeclahay markaa in aan bayaamiyo dhacdooyin beryahan dambe ka socday Geeska Afrika, Soomaaliya iyo Somaliland intaba. Beryahan dambe waxaynu la soconnay maamulka Muqdisho ee uu horjoogaha ka yahay Mr. Farmaajo inuu ku hawlan yahay duullaan ballaadhan oo ku wajahan qaranka Somaliland, haddii ay tahay hawadiisa oo inoo madaxbannaan, haddii ay tahay madaxbannaanida aynu caalamka ka rajaynayno, hadday tahay nabadgelyada aynu ku naaloonayno iyo dalalka dariska aynu nahay, gaar ahaan Soomaaliya oo aynu ku wada nool nahay nabadgelyo muddo dheer socotay,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

Md. Warancadde waxa uu sheegay inay Madaxweynaha Soomaaliya soo wajaheen culaysyo nabadgelyo iyo siyaasadeed oo aad u adag, maamulkiisuna qarka u saaran yahay inuu burburo, sidaa daraadeedna goostay inuu dhibaatooyinka la soo darsay kaga galgasho colaad uu ka huriyo xuduudka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

“Waxa kaloo aynu la soconnaa culeyska siyaasadeed ee kala darsay maamulka uu madaxda ka yahay, hadday tahay maamul-goboleedyada Soomaaliya oo ay aad u kala fogaadeen, qaarkoodna inay farihiisaba ka baxaan in yar ula jiraan. Haddii ay tahay nabadgelyo-xumida ka taagan Muqdisho gudaheeda iyo haddii ay tahay mucaarad adag oo ku bilowday ninkaas odayga ah ee maamulka Soomaaliya madaxda ka ah.

Dhammaan arrimahaas oo la soo darsay Madaxweynaha Soomaaliya, waxa muuqata inuu Mr. Farmaajo go’aansaday inuu ololka ku baxaya maamulkiisa kula soo galgasho xuduudaha Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya, si uu badbaado iyo cimri dherer uga dhigto dagaallo ka dhex qarxa ummadda Somaliland iyo dadka reer Soomaaliya ee runtii dariska ah ee walaalaha ah.”

“Sidaa awgeed, waxaan ugu baaqayaa ummadda reer Soomaaliya inay ka digtoonaadaan dhagaraha uu maleegayo Madaxweynaha Xamar uu xafiiskiisa qiiqu ka baxayo maanta, ee qoriga dabka leh kula wareegaya xuduudaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo kaga xuubsiibanaya, kuna burburinaya wadahadalladii nabadeed ee dunidu ku talisay inay dhexmaraan Somaliland iyo Soomaaliya, si nabad ahna ugu dhammaystaan arrimaha yar ee isugu keen hadhay, sidii aynu laba dawladood oo walaalo ah u noqon lahayn.”

Waxa uu intaa sii raaciyey, “Somaliland iyadoo ka shidaal-qaadanaysa soo-jeedintii bulshada caalamka, waxay diyaar u tahay in wadahadalladii u dhexeeyey labada dal si dhakhso ah loo bilaabo, waxase aad mooddaa inuu arrintaas uu ka dhuumanayo Farmaajo, oo uu doonayo sidii horeba Soomaaliya ugu jabtay dagaalladii ka bilowday waddankii Soomaaliya la isku odhan jiray afar sanno amma dhawr iyo soddon sanno ka hor inuu halkeedii ku soo celiyo.”
“Waxaan soo qaadanayaa maahmaah Soomaaliyeed, inkasta oo aanay wax rag loogu maahmaaho ahayn, waxa la yidhi, ‘Inan yar oo hooyadii la joogaya ayaa soo ag-fadhiistay hooyadii, markaasuu inta uu buuryada la soo baxay ku yidhi, hooyo khuukh!’ Markaasay tidhi, hooyo kii aabbahaa ayaannu ka baqan waynay ee halkaas iska fadhiiso!’

Markaa Farmaajo waxaan leeyahay intaad khuukhda innaga dayso, kuwii ka waaweynaa iyo dhibaatadii innaga soo martay waad garanaysaa afartan sanno iyo shan iyo soddon sanno ka hor, haddii dagaal wax lagu kala qaadayo, kaas ayaad wax ku soo dhicin lahayd.
Dhib ayaa ina kala gaadhay, waynu ku kala baxnay, maantana waxaan kaaga digayaa inaad dib isugu daydo inaad mar labaad wixii afartan sanno ka hor ka dhacay dalkan oo weli qiiqiisii ka sii baxayo xafiiskaaga Xamar inaad ummadda Soomaaliya iyo ummadda reer Somaliland dib ugu soo celiso ayaa kaaga digayaa,” ayuu yidhi Cali Maxamed Warancadde oo digniintii ugu adkayd u diray Madaxweyne Farmaajo iyo maamulkiisa Muqdisho.

Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Daakhiliga, waxa uu si adag uga qayliyey ficillo iyo hadallo khatar ku ah midnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland oo uu sheegay inay caadaysteen qaar ka mid ah madax-dhaqameedyada dalka, balse aannu magacyooda xusin.
“Ta labaad, beryahan dambe waxa iyana soo shaac-baxay in qaar ka mid ah salaadiinta reer Somaliland caadaysteen inay bulshada reer Somaliland ee halganka dheer ugu jirta inay ka rumeeyaan himiladooda qaaliga ah ee ay u soo mareen jidhka dheer.

Salaadiintaas oo ummadda reer Somaliland kula dhex wareegaya ficillo iyo hadallo naxdin leh oo ku salaysan kala fogeynta, kala-qeybinta, kala-qoqobidda bulshada reer Somaliland ee walaalaha ah. Bulshada reer Somaliland uma baahna suldaan u abtiraya ee waxay u baahan tahay suldaan isu ururiya. Somaliland uma baahna suldaan cadowga Somaliland u shaqeeya, isagoon garanayn cidda uu u adeegayo.

Sidaa awgeed, waxaan ugu baaqayaa salaadiinta iyo siyaasiyiinta reer Somaliland ee caadeystay inay ka shaqeeyaan falal ku liddi ah wadajirka ummadda reer Somaliland, waa inay ka waantoobaan ficillada iyo hadallada foosha xun ee hawada ay isu marinayaan ee maqashiinayaan dhagaha nadiifta ah ee ummadda reer Somaliland, quluubtooda iyo wadajirkoodana inay wax ku yeelaan doonayaan,” ayuu yidhi Cali Warancadde oo uga digay siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka dalka ficillada iyo hadallada lagu kala qaybinayo bulshada Somaliland.

“Sidoo kale, waxaan ku boorrinayaa hay’adaha sharciga iyo ciidammada amniga, in sharciga la horgeeyo cid kasta oo ka waantoobi weyda ficillada iyo hadallada xun-xun ee bulshada reer Somalilad lagu kala dilayo ee hawada la isu-marinayo, haddii uu bariga Somaliland joogo iyo hadduu galbeedka joogaba.”

“Aniga oo aad ugu ammaanaya shacabka reer Somaliland inay ka soo gudbeen marxalado adag oo runtii aad iyo aad u fara badnaa, kagana soo gudbeen wadajir iyo iyagoo arrinkoodu ahaa geeddigu ha socdo, eyduna ha ci’do. Bulshada reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in aanay dheg u dhigin ragga aan soo sheegay amma siyaasi ha ahaado amma suldaan siyaasad-barad ah ha ahaadee, in aanay hadalladooda dheg u dhigin.

Markaa waxa weeye arrimahaasi waa arrimo runtii aynu u baahannahay in shacab ahaan iyo dawlad ahaanba laga digtoonaado, ash-khaasta waxaas ku kacayana aynu la talinno, haddii ay waantoobi waayaanna ay masiirkoodu halkii uu dhigo galaan,” ayuu yidhi Warancadde oo ugu baaqay shacabka iyo dawladda Somaliland in si wadajir ah wax looga qabto shaqsiyaadka uu farta ku fiiqay.