Araweelo News Network,.

Hargeysa(ANN)-Wefdi ka socda Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo wakiillada, ayaa safar ugu baxay dalka Belgium maanta.

Alt: Araweelo News Network
Ka bilaw Middig Marwo Faadumo Siciid, Lataliyaha Guurtida ee Arrimaha Dibedda, Guddoomiyaha Guddada Joogtada ee Gollaha Guurtida Siciid Yaasir dhexda iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha wakiillada Somaliland , Xildhibaan Cali Xaamud.

Wefdigaa oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee gollaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil, waxa xubno ka ah Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Gollaha Guurtida Siciid Yaasir iyo Marwo Faadumo Siciid oo ah Lataliyaha Arrimaha Dibedda ee Gollaha Guurtida Somaliland.

ujeeddada safarkooda, ayaa ah in ay kaga qaybgalaan kulanka Baarlamaanka Midawga Yurub oo ka dhacaya Magaalada Brussels ee dalka Belgium, iyagoo casuumad ka helay Baarlamaanka Midawga Yurub.

Muddada ay ku sugan yihiin dalka Belgium,, waxay kulamo guud iyo kuwo gaar ah la yeelanaayan Baarlamaanka Midawga Yurub iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Midawga Yurub. ,

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com