Jihooyinka Dagaalka Iyo Ujeeddada Duulaanka

Araweelo News Network.

Kyiv (ANN)-Tiirka saddexaad ee ciidamadda Ruushka oo sddex mile ah, isla markaana ku gaashaaman taangiyada casriga ah, gaadiidka gaashaaman, ayaa la arkayay, iyagoo usoo dhaqaaqay dhanka caasimadda Ukraine Kyiv maalmihii lasoo dhaafay, kuwaas oo ugu danbayntii hareereeyay xalay.

Dagaalka, ayaa galay toddobaadkii saddexaad, iyadoo ciiimadamada Ruushku sidaa si la mid ah u hareereeyeen inta baddan magaalooyinka Ukraine oo ay inta baddan si rasmi ah gacanta ugu dhigeen, kuwo kalena ay go’doomiyeen.

Dalalka reer galbeedka ayaa si weyn uag werwersan xaaladda kasoo cusboonatay Kyiv, iyadoo Maraykanku ka digay in Ruushku isticmaalo hub kiimiko ah oo uu hore ugu adeesaday Syria iyo meelo kale, sidoo kale Maadxweyne Biden, ayaa dalalka Yurub ku wargeliyay in gebi ahaanba aan wax ganacsi ah lala yeelan Moscow si loogu ciqaabo dalkaa Ukraine.

Saraakiisha reer galbeedka waxay su’aal ka keenayaan in ciidamadda Ruushka ee ku xeeran Kyiv ay tahay mdi hakinaysa qayb ka mid ah dadaalka lagu doonayo in dib loogu dhigo ciidamadda . Wasaaradda Difaaca ee UK ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay in Ruushku uu isku dayayo in uu dib u bilaabo weerarrada soo cusboonaaday ee maalmaha soo socda, oo uu ku jiro weerar ka dhan ah Kyiv.

Sida uu muujiyay sawir dayax-gacmeed oo la qaaday Axaddii toddobaadkan Sawirrada ay soo bandhigtay Maxar Technologies oo ah shirkad tignoolajiyadda hawadda sare ka shaqeysa, waxa la arkayay ciidamo badan oo ah kuwa Millateriga rasmiga ah ee Ruushka oo ku sii jeeda dhanka caasimadda Ukraine oo u jiray qiyaastii 40 mayl (64 km).

Laxidhiidha: Putin: Ruushka Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Joojinta Dagaalka Ukraine

Howlgalka ayaa ka koobnaa boqollaal baabuur oo kuwa dagaalka ah, waxaana lagu kordhiyay in ka badan 3.25 mayl (5 km), oo lagu qiyaasay kolanyada sida laga soo xigtay xarunta Maxar.

Kolanyada ayaa ku sugnaa meel dhanka waqooyi Bari kaga beegan magaalada Ivankiv ee dalka Ukrain, waxaana ku jiray shidaal, saadka iyo gawaadhida gaashaaman oo ay ku jiraan taangiyada casriga ah, gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ciidamadda lugta iyo Hubka is wada iyo madaafiicda iskood u socda, kuwaas oo ugu danbayntii Khamiistii si dhab ah u hareereeyay Caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Maxar Technologies oo ah shirkad tignoolajiyadda hawadda sare ka shaqeysa, ayaa daba socday ururinta macluumaadka ciidamada Ruushka muddo todobaadyo ah.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa, iyadoo Maraykanku lacag Balaayiin dollar ah u qoondeeyay dagaalka Ukraine, isla markanaa uu Madaxweyne Biden sheegay in ay Hub iyo saanad Millateri iyo weliba gargaar bini’aadanimo gaadhsiiyeen Ukraine Salaasadii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Midowga Yurub, ayaa qaaday tallaabo aan horay loo arag oo ahayd inay hub u geeyaan dalka Ukraine, taasoo ahayd markii ugu horraysay oo Midowga Yurub uu dhaqaale ku bixiyo soo iibinta iyo gaadhsiinta hubka ee dalka Ukraine, laakiin dedaalada taageerada Maraykanka iyo Midawga Yurub waxa kama beddelin xaaladda mana ay noqon mid dhibic yar ka bedesha duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Ciidamadda Cirka eeUkraine

Maalmihii u danbeeyay Ciidamadda Cirka ee Ukraine oo muujiyay wax-xooggay rajo yar ah oo iska cabin ah, waxay u dhaqmaan sidii geel-toosiye-waqtiga dhabta ah ee madaafiicda riddada dheer ee Ukraine, taasoo u oggolaanaysay millateriga Ukraine inay burburiyaan tiirarka hubka, gaadiidka xamuulka ah iyo urrurrinta ciidamadda ka hor aannay gaadhin goobta dagaalka, taasoo oo ugu yaraan hakisay horumarka Ruushka.

Unugyada difaaca cirka ee Ukraine ayaa si guul leh u soo riday dhowr diyaaradood oo Ruushku leeyahay, wallow aannay ahayn mid u muuqatay in ay niyad jabinayso ciidammada cirka ee Ruushka, isla markaana ku keenaysa inay duullaan noocyo baddan ah oo ay maamulaan hawada bartilmaameedka ah.

Dhinaca kale, heshiis la doonayay in dalka Ukraine lagu siiyo diyaarado dhaxal-gal ah oo ka yimaada dalalkii ay ku wada jireen bah-wadaagtii Soofiyeedka ee deriska la ah, ayaa burburay, waxaana Ukraine ay baahi weyn u qabtaa diyaarado beddela, haddii ay taasi sidaa ku rumawdo waxay noqonaysaa in Ruushka uu ugu dambayn cirka ka xukumo goobaha dagaalka iyo hawadda dalka Ukraine oo dhanka Badda ay hore ula wareegeen dekeddaha dhinaca Koonfurta ee Istiraatiiga ah.

Wallow ay suurta gal tahay in ay ku tiirsanaato diyaaraddaheeda hubaysan haddii ay doonayso in ay joojiso weerrarada Ruushka, ama ugu yaraan hakiso, balse taas ayaa u muuqata mid aan sinaba suurtagal u ahayn.

Diyaaraddaha Ukraine, ayaa awoodday in ay fuliyaan howlgalo dagaal maalmihii u danbeeyay, wixii ka horeeyay Khamiistii toddobaadkan, iyaga oo inta baddan ku duulaya joog hoose oo ay ku socdaan magaalooyinka si ay sare ugu qaadaan niyadda dadka.

 Inkasta oo khasaare hore la gaadhsiiyay oo ay Ciidamadda Cirka ee Ruushku fullaacadii hore ee weerrarka cagta mariyeen diyaaraddaha Ukraine, welise waxaa jirtay in caqabad weyn oo ciidamada cirka ee Ruushka ka hor imanay ay taagnayd.

Ukrain waxa ay si hufan u isticmaashay dhamaystirkeeda yar ee UAV-yada hubaysan ama gaadiidka cirka ee aan cidi wadin oo dantu ku khasabtay.

Diyaarada ay leedahay Turkiga ee TB2 ee hubaysan ayaa duulaan ku qaadayay duullaano dagaal, taas oo aan hayn oo keliya in ay duqaymo ku qaaday baabuurta Ruushka iyo xarumaha taliska, balse waxa ay fulinayeen hawlgalo sirdoon, dabagal iyo sahan (ISR). Laakiin diyaaraddahaa ayaan saamayn la tilmaami karo ku yeelan dagaalka.

Diyaaraddaha Dagaalka Ruushka oo hawadda ka garaacayay Caasimadda iyo Magaalooyin kale, waxa weheliyay madaafiicda riddada dheer ee Ukraine sida roobka ugu hoobanayay iyo gantaalo ka imanayay Maraakiibta ku sugan Badda Madaw ee Ruushka taasoo u u diiday millateriga Ukraine inay madaxa qaadaan, ama isku dayaan in ay waajahaan tiirarka hubka, gawaadhida xamuulka ah iyo urrurinta ciidamadda ka hor inta aannay xitaa gaadhin goobta dagaalka, taas oo meesha ka saartay in ugu yaraan aannay jirin tallaabo lagu hakin karo horumarka Ciidamadda Ruushka.

Wallow Ukraine ay si hufan u muujisay shaqada yar ee ay hayaan diyaaraddaha UAV-yada, rasaasta ama tareenka ee aan ciddi wadin. Diyaaraddan TB2 ee weerarka ayaa duulaan ku qaadayay duullaano dagaal, keliya maaha in ay duqaymo ku qabteen sawirka iyo safka hore ee dagaalka, iyadoo ay fulinayeen hawlgalo sirdoon, ilaalin iyo sahan (ISR). Laakiin dhammaan dedaalada ay samaynayeen ma noqon kuwa ka baayiciya in Millateriga Ruushku soo kulaalaan caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, taas oo khasab ka dhigtay in kumanaan qof ay ka cararaan Magaalada.

Jihooyinka Dagaalka

Weerarka cirka, dhulka iyo badda ee uu amray madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ahaa mid leh saddex waji oo ballaadhan.

Mid ka mid ah safafka ayaa ka imanyay koonfurta Ukraine, iyada oo la sii marayo Crimea, oo Ruushku ku hore ula wareegay 2014.

 Midka labaad wuxuu ka kaga yimi Ukraine dhanka Bariga isagoo sii maraya gobollada Luhansk iyo Donetsk ee gobolka Donbas, kuwaas oo ahaa dawladdihii gooni-goosadka ahaa ee Putin uu aqoonsaday 22-kii Feberuary, laba maalmood ka hor intii aannau amrin duulaanka Ukraine.

Jihada saddexaad waa dhanka waqooyi ee Ukraine oo ah jihada ugu ballaadhan, waxayna ciidamadda jihadaasi bartilmaameedsanayeen magaalooyinka Kharkiv, Sumy iyo caasimadda Kyiv.

Khuburada milliteriga ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee Ruushku ay tahay hareeraynta caasimadda Ukraine ee Kyiv, taas oo xilligan u muuqata mid si dhab ah ugu suurtagashay Madaxweyne Putin oo hadda ku doodaya in waxyaabo khatar ku ah dunida uu Maraykanku ku bacriminayay Magaaladda Kyiv oo ka samaysatay shaybaadho uu ku samaynay fayrisyo uu doonayay inuu ku faafiyo aduunka oo loo ekaysiinayay fayriska COVID-19, waxayna arrintan soo shaac baxday intii socday duulaanka Ruushka ee Ukraine oo galay toddobaadkii saddexaad.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com