>UAE Oo Balanqaaday In La Kordhiyo Saliida Lasoo saaro si loo Xakameeyo kor u kaca

>Ganacsatada Soomaalida Oo Dadkooda Ku Ciqaabaya Qalalaasaha Dagaalka Ukraine

Araweelo News Network.

Washington(ANN)-Suuqyada caalamiga ah ee baddeecadaha iyo Saliida ayaa hoos u dhacay 24kii saacadood ee u danbeeyay, kaddib markii xiisadda dagaalka Ukraine oo cabsi geliyay aduunka iyo naxdinta uu keenay lagu kiciyay qiimaha Shidaalka iyo Badeecaddaha labadii toddobaad ee u danbeeyay.

Alt: Araweelo News Network.
Raashin bakhaar yaal Image file, Araweelo News Network, 23 August 2021.

sicir-bararka caalamiga ah ee ka imanayay isu soo baxa qiimaha badeecaddaha, ayaa sidoo kale sabab looga dhigay in ay hurisay go’doominta Ruushka, halka carqaladaynta sahaydu ay khatar ku tahay in ay keento xilli kobac caalami ah oo gaabis ah uu iman karo.

Hase yeeshee dareenka wallaaca ee ka dhashay arrintaa, ayaa kor loo qaaday Arbacadii shalay kaddib markii kaaliyaha ugu sarreeya ee siyaasadda arrimaha dibedda ee madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy uu sheegay in waddanku u furan yahay inuu ka hadlo baahida Ruushka ee dhexdhexaadnimada ilaa inta la siinayo dammaanad amni oo buuxda.

Laxidhiidha: Somaliland: Dhawaaqyada Isa Soo Taraya Ee Dareenka Xaaladda Nolosha Sii Adkaaanay

“Suuqyada khatarta ah ayaa maanta sare u kacaya, taas oo soo jeedinaysa in ganacsatadu aannay hadda ku jirin qaabka duulaanka, waxayna bilaabeen inay ka fikiraan qiimaha mar kale,” sidaa waxa shaaciyay Telefishanka Al Jazira oo soo xiganaya, Chris Low, oo ah madaxa dhaqaalaha ee FHN Financial.

Wuxuu sheegay in taas macnaheedu aannay ahayn in isbeddelku dhammaaday, balse cawaaqib xumada dhaqaale oo ah mid aan macno lahayn ay weli sii sicoto, iyadoo dalalka reer Galbeedku weli ka shaqaynayaan cunaqabataynta tamarta Ruushka, “muddada iyo natiijada dagaalku wali waa mid aan la garanaynin.”ayuu raaciyay, Chris Low.

Laxidhiidha: “Dhibaatada ugu weyni waa shirkadda Trafigura oo shidaalkii Haamaha diiday,,,,”Xildhibaan Maxamed Abiib

Qiimaha Saliida ayaa hoos u dhacday tan 24 March markii uu sida weyn kor ugu kacay, waxaana xilligan hoos u riday, iyadoo dalalka Imaraadka Carabta ee U.A.E. iyo Ciraaq ay u calaamadisay OPEC inay yeelan karaan rabitaan weyn si kor loogu qaaddo wax soo saarka.

Waxaana lasoo dhejiyay saamiyada suuqayada waaweyn ee Saliida in saliida ceedhiin (Crude Oil)  ayaa soo dhejiyay isbedbedelo aad u weyn maalmihii la soo dhaafay iyadoo duulaanka Ruushka ee Ukraine uu halis gelinayo naxdin weyn oo sahayda caalamiga ah.

Laxidhiidha: Qiimaha Shidaalka Oo Kor Kacay Iyo Xildhibaan Ku Tilmaamay Qorshe Shacabka Lagu Baadhanayo

Hoos u dhaca ku yimi saliida Ceydhiin iyo gaasta maalintii Arbacada ayaa dib u rogaya qaar ka mid ah ganacsiyadii ugu waaweynaa ee la arkay tan iyo markii dagaalku qarxay.

“Waxa aan aragno maanta ayaa ah diiradda wax badan oo ku saabsan qiimaha badeecadaha,” sidaa waxa yidhi, Michelle Cluver, oo ka mid ah istaraatiijiyadda faylalka ee Global X, wuxuuna sidaa ku sheegtay wareysi telefoon, sida uu baahiyay Al Jazira.

Laxidhiidha: Somaliland: Qiimaha Maceeshada Oo Si Weyn U Kordhay Labadii Billood Ee U Danbeeyay

 “Waxaan sidoo kale aragnaa, gaar ahaan waxa ku dhacay mamnuucidda tamarta laga soo dhoofiyo Ruushka, su’aasha ku saabsan kobaca dhaqaalaha ayaa si isa soo taraysa u soo baxaysa safka hore.

Badeecaddaha ayaa si ballaadhan dib uga soo noqday meelihii sare, iyadoo dahabku hoos uga dhacay 19-bilood markii u horaysay, taas lagu tilmaamay mid abuuray dareeb sare oo khatarta ah.

Sidoo kale, Bullion ayaa weli kor u kacaya 9% sannadkan iyada oo maalgashadayaasha ay raadinayaan xayndaab ka dhan ah khatarta jahawareerka sicir-bararka, si ay lacagtooda u geliyaan.

Lacagaha loo yaqaan ‘cryptocurrencies’, Bitcoin ayaa ka booday in ka badan $42,000 iyada oo ay jirto isu soo bax fiiqan oo calaamado dhijitaal ah, oo ay dhiirigelisay yididiilo ku saabsan dib u habaynta Mareykanka ee soo socota ee kormeerka crypto ee Xoghayaha Maaliyadda Janet Yellen, taas oo uu ugu yeedhay mid taariikhi ah.

Qiimaha saliidda ayaa kor u kacay Khamiistii hoos u dhac weyn oo ku yimid kalfadhigii hore kaddib markii Imaaraadka Carabta uu ka laabtay hadal uu sheegayay in OPEC iyo xulafadeeda laga yaabo inay kordhiyaan wax soo saarka si ay u caawiyaan inay xidhaan farqiga u dhexeeya dhoofinta Ruushka ee cunaqabatayntu sababtay.

Laxidhiidha: “Foostada Shidaalka Iyo Maceeshadu Awaare oo Ethiopia ah ayay kaga jaban yihiin Somaliland oo leh Deked Caalami ah” Xisbiga UCID

Suuq aan degganayn ee Saliida Ceedhiin, ayaa toddobaadkii gaadhay oo si weyn kor u kacay $4.90, ama 4.4%, $116.04, ayay gaadhay halkii foosto, balse wuxuu hadda hoos u dhacay 13% fadhigii hore, kaas oo noqonaya hoos u dhaca maalinlaha ah ee ugu weyn marka loo eego labadii sannadood ee u danbeeyay.

Dadka Falanqeeya suuqa saliida ee PVM Tamas Varga ayaa ku tilmaamay hoos u dhaca Arbacadii sixitaanka ku meel gaadhka ah.

Wallow ay falanqeeyayaashu sheegayaan in ay jirto hubanti la’aanta halka sahaydu ka iman doonto si loogu beddelo doorkii saliida ceydhiin ee Ruushka, ayaa keentay saadaasha ballaadhan ee qiimaha saliidda inuu gaadho $200 halkii foosto, balse hoos u dhaca ayaa noqday kii ugu weynaa tan iyo November 2020.

Shidaalka ka imanayay dalka labaad ee ugu dhoofinta badan caalamka oo ahaa Ruushka, ayaa laga dayrinayaa, kaddib duulaanka uu ku qaaday dalka Ukrain, balse hadalka kasoo yeedhay masuuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa muujinaya digniino iska soo horjeeda.

Wasiirka Tamarta ee Imaaraadka, Suhail al-Mazrouei ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Imaaraadka ay ka go’an tahay in ay heshiiska u dhexeeya Ururka Waddamada Shidaalka dhoofiya ee (OPEC) iyo xulafada uu Ruushka ka mid yahay  la meel mariyo, isla markaana kor loo qaado wax-soo-saarka saliidda 400,000 oo fuusto maalintii (bpd) bil kasta ka dib markii si weyn loo dhimay. Sannadkii hore 2020.

Arrinta hoos u dhaca saliida ee suuqyada caalamka oo si weyn looga dareemay dunida, isla markaana hoos u riixay qiimaha Masheecashada ee korodhkooda sabab kooga dhigay werwerka caalamka iyo cabsida dagaalka Ukraine, ayaa dhinaca Soomalaalida si khaldan looga isticmaalay, waxaana xilliga qiimaha shidaalka iyo maceesahda adduunku hoos us oscdeen 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay si weyn loo sii kiciyay qiimaha shidaalka, gaasta iyo masheeshada, taas oo si weyn bulshadu uga murrugootay, isla markaana aan la socon suuqyada aduunka iyo sayladdaha caalamka.

Sidoo kale, waxa dhawrkii bilood ee u danbeeyay tan iyo August 2020, si weyn kor ugu socday qiimaha shidaalka iyo Maceeshada suuqyada Somaliland, iyadoo aannay xilligaa jirin sababo caalami ah iyo isbedelo ku yimi suuuqyada caalamka oo sidaa u weyn, isla markaana waxay todoodbaadyadii u danbeeyay intii ay jirtay xaaladda dagaalka Ukraine si maaalinle ah u kordhinayeen qiimaha Shidaalka iyo Maceeshada, iyadoo bulshada Soomaalidu la dalaa-dhacay diifta abaarta iyo dhibaatooyinka cunta la’aanta iyo biyo la’aanta oo xilligan si weyn looga dareemayo deegaamada inta baddan Somaliland iyo Soomaaliya..

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com