Putin iyo Biden

Taageero Millateri Iyo Gargaar Maraykanku Sheegay Inuu Gaadhsiiyay Ukraine

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Dagaalka saamaynta weyn dunida ku yeeshay ee Ruushku ku qaaday Ukraine, ayaa galay toddobaadkii saddexaad, iyadoo Madaxweyne Valadamir Putin farriin uu kula hadlay qoysaska Askarta dagaalka ku jira iyo shacboga Ruushka.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray shacbiga Ukraine, isagoo ku tilmaamay duullaanka ciidamadda Ruushku in aannay ahayn ujeedo dagaal, balse ay tahay hawlgal koobban oo ay samaynayaan.

Madaxweyne Putin, ayaa si adag ugu hanjabay dalalka reer galbeedka, isagoo si gaar ah fartaugu fiiqay Maraykanka oo ah qab-qablaha NATO, wuxuu ugu bushaareeyay in dagaalka dhaqaale ee lagu qaaday dalkiisa aannay ilaabi doonnnin, balse aannay taasi ahayn in laga guulaysanayo.

Ciidamada Ruushka ayaa xoojiyay duqaymaha ay ku hayaan caasimadda Ukraine ee Kyiv, sida uu sheegay Maraykanka. Joojinta ganacsiga ee suuqa saamiyada Ruushka ayaa la kordhinaya si loo ilaaliyo qiimaha hoos u dhaca kaddib cunaqabateynta ballaadhan ee caalamiga ah.

Awoodaha millateri ee Ruushka ayaa lagu dhisay indhaha reer galbeedka, gaar ahaan kaddib barnaamijkeeda casriyaynta ee ka dhashay iskahorimaadkii Georgia ee 2008, waxaana xilligaa oo Ruushku kasoo kabanayay bur-burkii awooddii Midawgii Soofiyeeti ee uu mayalka u hayay ku dhowaad hal qarni ee Warso oo ahayd quwad si weyn looga danbeeyo.

Millateriga Ruushka, ayaa Georgia oo ay isku maandhaafeen NATO, waxay sababtay in  Qalab cusub iyo casriyayn lagu sameeyo Millateriga Ruushka, iyadoo  tabbabaro casri ah diiradda lagu saarayay xaqiiqada, iyadoo sidoo kale ciidamada qalabka sida ee Ruushka la saaray saldhig xirfadeed oo dheeraad ah, isla markaana lagu jiheeyay Caqiido cusub, oo loogu talagalay in lagu siiyo millateriga dabacsanaan weyn si ay uga jawaabaan xaaladdo kala duwan marka loo baahdo.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biden, ayaa khudbad uu kaga hadlay saacadihii u danbeeyay xaaladda Ukraine iyo Ruushka, wuxuu farriimo ugu kala diray dadka reer Ukraine, Midawga Yurub, Shacbiga Maraykanka iyo Madaxweynaha Ruushka.

Bilowgii khudbadiisa, Mr Biden wuxuu u yeedhay danjiraha Ukraine u fadhiya Mareykanka Oksana Markarova, taas oo fadhiday Jill Biden dhinaceeda oo ahayd meel aan ka foggayn, wuxuu jeediyay haddalo niyada loogu dhisayo.

Mareykanka ayaa hore ugu diray Ukraine gargaar millitari, mid dhaqaale iyo mid bini’aadantinimo. Habeenimadii Salaasada, wuxuuna Mr Biden diray fariin ah in Maraykanku uu danaynayo masiirka Ukraine oo uu garab taagan yahay.

“Laga bilaabo madaxweyne Zelensky ilaa qof kasta oo Ukraine ah, cabsi la’aantooda, geesinimadooda, go’aankooda ayaa dhiirigeliya adduunka,” ayuu yidhi.

Inkasta Kyiv ay ku hareeraysan yihiin taangiyada Ruushka, farriintiisu waxay ahayd in caawimooyin baddan oo Maraykanku soo dirayo ay soo socdaan.

Hase yeeshee dagaalka Ukraine ayaa u muuqda mid aan la saadaalin karin xilliga uu dhamaanayo sidaa awgeed waxaa jira su’aal cabsideeda leh oo dalalka reer galbeedku isku weydiinayan Putin ilaa xaggee ayuu ku istaagayaa, dalalka  bariga Yurub  intee ayuu ku qaadi doonaa dagaal?

Guddaha Ukraine,waxa magaalooyinka qaar baddan gacanta u galeen Millateriga Ruushka, iyadoo kuwo ay Caasimaddu ka mid tahayna la goddoomiyay, isla markaana weli  dalalka NATO u muuqdaan kuwo gamcaha ka laabtay arrinta, waxayna tamartoodu noqotay cunaqabatayn dhanka dhaqaalaha ah, taas oo iyaga laftooda saamayn ku yeelatay, wallow wer-werkii maceeshada iyo saliida ee maalmihii lasoo dhaafay hoos u noqday suuqyada sayladdaha aduunka.

Hase yeeshee dalalka reer galbeedka waxa ay shaki weyn xilligan ka qabaan in Madaxweyne Putin Ukraine kaddib ku socdo gobollada Baltic, ee  Poland, Slovakia, Romania iyo  Hungary, iyadoo Madaxweyne Putin si gaar ah ugu hanjabay dalalka Bariga Yurub.

Diblamaasiyiinta, dalalka reer galbeedka, ayaa sheegaya in ay jiraan astaamo walaac ah  oo muujinaya in hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin uu diyaar u yahay inuu qaato khamaarka ugu dambeynta, taas oo u muuqata halis sababi karta in iskahorimaadka tooska ah ee NATO iyo Ruushku si dhab ah u bilaabmo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com