Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Murrshaxa Doorashada Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa si kulul uga hadlay dhawaaq Madaxweyne Biixi mar kale ku celiyay in doorashadda Ururadda iyo axsaabta siyaasada laga hor marinayo doorashada Madaxtooyadda.

ALT: Araweelo News
Murrashaxa Xisbiga WADDANI ee Doorashada Madaxtooyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), Image Aaweelo News Network, 8 March 2022

Murrashaxa Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in aannay jirin cid xaq u leh in doorashada xilligeeda laga bedelo, sidaa awgeed wuxuu sheegay in aannay jirin xisbiyo noqonaya Ururro, sidoo kale, ma jirto Ururro ka qaybgelaya doorashadda Madaxtooyadda..

“Xisbiyadu qaranku sida uu tilmaamayo xeer 14 2011, waxay leeyihiin jiritaan qaannuuni ah, mana jirto cid awood u leh in ay maalin ka dhinto, sida aan maalin looga dhimi karin mudda xileedka Madaxweynaha oo ah shan sannadood.” ayuu yidhi.

Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu sidaa  ku sheegey Shirjaraa’id oo xalay ku qabtay Hargeysa, isagoo daba socda  hadal uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka sheegay munaasibad tababar loogu xidhayay saraakiil ciidanka ka tirsan oo lagu qabtayDugsiga Tababarka Dararweyne ee Muj Cabdullaahi Askar maalintii Isniintii.

Cirro oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa, ayaa yidhi; “Shacbiga Somaliland waxaan u sheegaya in doorashadii Madaxtooyaddu ku muddaysan tahay 13 November, 2022, cid ku muransani ma jirto, cid ku murmi kartaana ma jirto, waxa gelaya oo sharci ah saddexda xisbi qaran ee hadda jira.”

Murrshax Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in hadda doorashada Madaxtooyada oo keliya ay diyaar tahay oo xeerkeedii iyo iinkaaniyaadkeedii diyaar yahay, balse doorashada guurtida iyo Ururrada aannay weli jirin xaararkii loo raaci lahaa.

 “Doorashada Madaxtooyada Somaliland, waa doorashada keliya ee ay u dhan yihiin, xeerkii lagu maamuli lahaa, farsamadii iyo Miisaaniyaddii lagu hirgalin lahaa, sidaa darteed labada doorasho ee kale, doorashada axsaabta qaranka iyo gollaha guurtidu way ka dambaynayaan doorashada Madaxtooyada”.

Cirro waxa kale oo uu ka hadlay diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland, isagoo ugu baaqay shacbiga in ay u diyaar garoobaan, isla markaana si gaar ah ugu baaqay taageerayaasha WADDANI in ay si weyn ugu diyaar garoobaan diiwaangelinta iyo xilliga ay ku muddaysan tahay doorashadda Madaxtooyadda 13 November 2022.

 “Diwaangelinta ururrada waxa loo raacayaa Xeer Lr 14/2011, Ururrada buuxiya Liisan ku meel-gaadh ah ayaa la tartami doona Axsaabta Qaranka doorashada Madaxtooyada ka dib, marka loo diyaariyo Xeer lagu Maamulo doorashadaas oo aan hadda jirin, kala horraynta doorashooyinku maaha arrin u taalla Madaxweynaha, arrin Aniga u taallana maaha, Arrin Cid kale u taallana maaha, Xeerarka iyo Dastuurka Qaranka ayaa loo raacayaa dhammaan doorashooyinkaas. Maamulka Doorashooyinka waxa isla leh Guddiga doorashooyinka Qaranka, ma jiraan Xisbiyo noqonaya Ururro, mana jiraan Ururro ka qayb-galaya doorashada Madaxtooyada, Xisbiyada Qaranku waxay leeyihiin muddo jiritaan oo Qaanuuniya taasi oo ah 10 sanadood, Cid awood u leh inay Hal Maalin ka dhinto ma jirto, sida aan looga dhimi karin Maalmo muddo-xileedka Madaxweynaha oo ah shan sanadood..”

Murrshax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu tusaale usoo qaatay mar uu ka hadlayay tartanka Urururada doorashadii uu Xisbigiisa WADDANI kusoo gudbay, isagoo yidhi, “Maaha markii ugu horraysay ee dalka laga qabto Tartanka Axsaabta iyo Ururrada siyaasadda, sannadkii 2012 Anigu waxaan ka mid ahaa Ururradii is-diwaangeliyey, waxaana is-diwaangeliyey 15 Urur, waxa xilligaa Shuruudihii buuxiyey 5 urur, Axsaabta Qaranka ee jirtay ma noqonin Ururro , waxayna kala ahaayeen KULMIYE, UCID iyo UDUB, Xeerkuna wuxuu tilmaamayaa inay tartamayaan Axsaab iyo Ururro.”

Dhinaca kale, Murrashax Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI, ayaa si weyn ugu dhaliilay Madaxwene Biixi khuddbad uu ka jeediyay Dugsiga Tabbabarka ee Layliga Saraakiisha, wuxuuna Madaxweynaha ku eedeeyay inuu awooddii qabashada doorashada iyo Maamulkeedii ku wareejiyey Ciidamamda, taasoo uu ku tilmaamay mid muujinaysa in nidaamkii dimuqraadiyadda cawda loo laabayo, isagoo ka digay Ciidamadda Qaranka ee kala duwan ay ku mimaan siyaasadda, sida uu dhigayo dastuurka qaranka.

“Waxa layaab leh in Madaxweynuhu uu Shalay Awooddii doorashada iyo Maamulkeeda ku wareejiyey Ciidammada Qaranka, isagoo sidaas ka hor sheegay Saraakiil oo uu u soo xidhayay Tabbabar, taasi waxay u muuqataa Tallaabadii u horraysay ee Xukuumadda Muuse kaga guuraysay Hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta iyo Xalaasha ah.” ayuu yidhi.

Madaxweynuhu wuxuu ku tiraabay Saraakiisha hortooda in Ciidanku maamulayaan Ololaha Xisbiyada, in Ciidanku Maamulayaan Doorashooyinka, in Ciidanku Maamulayaan Cadaaladda Sanaaduuqda doorashada iyo doorashada kaddib, hawsha doorashada maamulkeeda iyo Cadaaladda sanaaduuqda waxa uu xeerku siiyay Guddida doorashooyinka, Ciidammada Qaranka doorkoodu waa ilaalinta amaanka doorashooyinka iyo Sannaaduuqda Doorashooyinka. Xeerarka iyo Dastuurku dalka, ayaa Ciidammadda ka reebayaan inay ku milmaan siyaasadda.” Ayuu yidhi Murrashaxa Cabdiraxmaan Cirro.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com