Share this:

" />
Telesom Dahabshiil

Xaallada Deegaanka Xaysimo Ee Bariga Somaliland Oo Laga Dayriyay Iyo Guddoomiyaha Gobolkaa Oo Baaq U Diray Hay’addaha Gargaarka

araweelonews-300x168Talleex(ANN)Xaalada deegaanka Xaysimo ee bariga Somaliland, ayaa laga dayriyay, iyadoo dadka deegaanka oo kaliishu ku daba dheeraatay ka cabanayaan Cunto, la’aan biyo la’aan iyo xoolaha oo xaaladoodu liidato.
Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed ( Xiir), ayaa u sheegay shebekada wararka ee Araweelonews in xaalada deegaanka ee dadka iyo xooluhuba ay liitaan, isla markaana ay biyuhu gabaabsi noqdeen. Sidoo kalena ay xooluhu liitaan. Kadib markii sida uu sheegay roobabka ee horaanta gu’aga aanay ku tiixin deegaankaa.
abdirashid xiirGuddoomiye Cabdirashiid Xiir, wuxuu sidaa ku sheegay mar uu khadka isgaadhsiinta kula soo xidhiidhay shebakada Araweelonews isagoo ku sugan deegaankaa, wuxuuna xusay in xukuumadda Somaliland ka warqabto xaalada oo uu la socodsiiyay, balse waxa uu sheegay in baaqiisu ku wajahanyahay hay’addaha gargaarka, isagoo ugu baaqay in deg deg dadkaa iyo xoolahaba loogu gurmado oo loo gaadhsiiyo Biyo iyo cunto.
“Ilaahay ayay dadku gurmad ka sugayaan, waxaana dib u dhacay raxmaadkii Alle, markaa dadka iyo xooluhuba gurmad ayay u baahanyihiin, sababtoo ah dadka deegaanka waa lagu soo hayaamay Dayrtii, taas ayaa sababtay xaaluf aanay xamilin kaliisha kulul ee waqtigan, iyadoo aanay Xooluhuna iib lahayn, waana arrinta dadka deegaanka saamaynta ku yeelatay” ayuu yidhi Cabdirashiid Xiir.
Waxa uu sheegay in xaalada amaanka aanay jirin wax dhibaato ah, balse mushkilada keliya ee dadka deegaanka waqtigan haysaa tahay xaalada ay keentay kaliisha kulul oo dad iyo xoolaba saamayn ku yeelatay. Sidaa awgeed, wuxuu Hay’addaha gargaarka ugu baaqay dadkaa soo gaadhsiiyaan waxay cunaan, maadaama xoolihii ay ku noolayeen ee noloshooda laf-dhabarka u ahaa ay xaaladan soo waajahday.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp