Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Ceel-Afweyn(ANN)-Xiisad colaadeed oo sababtay khasaare dhimasho Iyo dhaawac, ayaa kasoo cusboonaatay deegaanka Darar-Weyne ee ka tirsan Degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Kadib markii dagaal dhexmaray Kooxo kasoo Jeeda dadka deegaanka oo marar hore xiisado dagaal dhexmaray.

Ugu yaraan 10 qof, ayaa ku dhintay rabshada dagaalka maanta Ka dhacay deegaankaa, waxaana ku dhaawacmay Ilaa labaataneeyo kale  sida ay sheegayaan wararka Ka imanaya deegaanka, balse ciidamada Qaranka ee ku sugan jiidaa ayaa kala dhexgalay.

Dhinaca kale Madaxtooyadda Somaliland, ayaa si deg deg ah ugu Baaqday in la Joojiyo dagaalka oo Xaalada nabad lagu soo dabaalo.

Qoraalka Baaqa ah ee kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, ayaa u dhignaa sidan:-

 

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa baaqaasi ku yidhi “Waxa aan ugu baaqayaa bulshada ku dagaalamay degaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Darar-weyne inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda soo noq-noqonaysa ee dhex taalla labada dhinac ee walaalaha ah.

Mar labaad iyo mar saddexaadba waxaan idinku baaqayaa inaad colaadda damisaan oo aad Alle ka cabsataan, hoosna u eegtaan dhiiga bilaa micnaha aad u daadinaysaan ee aad agoomaha iyo goblanka kaga dhigaysaan hooyooyinka iyo caruurta, sideedaba dagaal wiil kuma dhasho ee wiilbaa ku dhinta. Dilka iyo dhiiga micno darada ku daadanayaana dadkeena kama go’o, ee wixii is maandhaaf ah ee jira waa in lagu dhammeeyaa is afgarad lanna tixgeliyaa nabadgelyada, is xaqdhawrka derisnimo ee wada noolaanshaha iyo degenaanshaha leh.

Sidoo kale waxaan madaxda dhaqanka ee labada dhinac ugu baaqayaa inay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-galaan daminta colaaddaasi, una hoggaansamaan ciidamada amniga ee ku hawlan arrintaasi garab buuxana ku siiyaan sidii dagaalkaasi loo joojin lahaa.

Ugu danbayn waxaan tacsi u dirayaa dhamaanba ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, inta dhaawaca ahna waxaan Alle uga baryayaa caafimaad taama inuu siiyo. Waxaanan ku celinayaa baaqaygaasi nabadgelyada ah in loo hoggaansamo lanna joojiyo colaadda, anigoo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka iyo cid kasta oo u faro dhuudhuuban arrintaasina faraya inay ka hawlgalaan sidii loo xakamayn lahaa colaaddaasi ee loo joojin lahaa sida ugu dhakhsaha badan.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.