Araweelo News Network

jirdeHargeysa (ANN) Xisbiga waddani ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu gebi ahaanba xilkii iyo xubinimadii Xisbiga WADDANI ka qaaday Guddoomiye ku-xigeenkii 1 aad ee Xisbiga WADDANI Axmed muumin Seed iyo guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee xisbiga WADDANI Faarax Maxamed Cabdile,sidaasna waxa war-baahinta u sheegay guddoomiyaha xisbiga WADDANI xildhibaan C/qaadir jirde oo shir-saxaafadeed ku qabtay xarunta guud ee xisbiga WADDANI ee magaalada Hargeysa,halkaasi oo ka akhriyey war-muriyeed dheer oo u dhigaan sidan:-

War-muriyeedka Uu Xisbiga WADDANI Xilalkii Iyo Xubinimadii Xisbiga kaga Qaaday Axmed Muumin Seed Iyo Faarax Maxamed Cabdile

Sida la wadda ogsoonyahay,mudane Axmed Muumin Seed wuxuu ugu horrayn si shacri ah uga qayb-galay shirkii golaha dhexe ee taariikhdisu 19 ilaa 20-kii bishii aktoobar,isagoo ku qanacsan siduu shirku u socdo, isla markaan wuxuu u codeeyey dhammaan go’aamadii shirka ay kamid ahayeen,Xeerka Xibiga,barmamijka siyaasiga ah ee Xisbiga,guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah,hoggaamiyaha Xisbiga iyo weliba musharax Madaxweyne ee Xisbiga,isagoo dhammaantood gacanta u taagay,balse wuxuu saluug ka muujiyey,isla markaana debada uga baxay shirkii golaha dhexe ee xisbiga, kadib markii loo codaynayey musharax Madaxweyne ku-xigeenka ee uu ku guuldaraystay in uu helo ergada aqlabiyada golaha dhexe,hase-yeeshii iyadoo la xeerinayo dhaqanka wadda haddalka iyo suluxa ee xisbigu kaga duwan yahay xisbiyada kale,waxa madaxda xisbigu isla goobtii ku go’aamiyeen in ergo ahaan loogu tago ,isla markaana lala gorfeeyo tabashooyinkiisa,ergooyinka is xil-qaamay ee gaar-gaarka ugu tegay waxa kamid ahaa,guddoomiyaha xisbiga hoggaamiyaha Xisbiga,xoghayaha guud ee xisbiga,xoghayaha cadaalada,Md. Maxamed Biixi Yoonis,iyo Md.Cali Axmed Cabdi “Cali Cantar”iyo masuuliyiin kale .

Sida laga war-qabo saddexda musharax ee buuxiyey shuruudihii musharaxnimo,waxay saxeexeen anshaxa musharanimo iyo anshaxa doorashada oo ay kamid ahayd, aqbalaada iyo u hoggaansanaanta natiijada doorashada,isagoo war-baahinta horteeda ka cadeeyey inuu u hoggaansamayo go’aamada shirka ka soo baxa.

Dhinaca kale Md.Faarax Maxamed Cabdile,wuxuu si cad ugu gacan-saydhay inuu la kulmo ergadii suluxa ee kala duwanayd .

Markii ay diideen waan-waantii ergada ,waxa guddoomiyaha xisbigu ka codsaday in ay ka soo qayb-galaan shirka hoggaanka Xisbiga,iyadoo loo diray war-qad ogaysiina,balse nasiib darro kamaysan soo qayb-gelin shirkaasi,Waxa kale Md.Axmed Muumin Seed iyo Md. Faarax Maxamed Cabdile ay ka dhego adaygeen yeedh-madii guddiga anshaxa ee Xisbiga .

Haddaba markii ay guddiga anshax marintu ku qanacday in Md.Axmed Muumin Seed ku gefay anshaxa doorashada ee uu horay u saxeexay,isla markaana ay guddigu ku qanacday in Axmed Muumin Seed iyo Faarax Maxamed Cabdile diideen ergadii suluxa ahayd iyo yeedhmadii guddiga anshaxa.

Guddiga anshuxu markii ay hubsatay inay si cad u jebiyeen qodobka 9aad farqadiisa 1aad, 5aad,7aad ,8aad iyo 9aad ee xeerka xisbiga WADDANI,waxa guddida u cadaatay in si aan gabasho lahayn ay ugu howlanyihiin ficilo waxyeelo ku ah sumcada iyo wadda jirka xisbiga,kana soo horjeeda xeerka xisbiga.

Haddaba guddiga anshax marintu markii ay ku qanacday in Md. Axmed Muumin Seed iyo Md. Faarax Maxamed Cabdile mutaysteen dhammaan asbaabihii lagu waayi lahaa xilalka guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo xubinimada iyo guddomiye ku-xigeenka 2aad iyo xubinimda,sida ku tilmaaman qodobka 37 farqadiisa 1aad xarafka”B”,waxay guddoomiyaha xisbigu ka codsadeen in uu si waafaqsan xeerka xisbig uu u gudbiyo guddiga fulinta xisbiga WADDANI.

Guddoomiyihu isagoo raacaya xeerka xisbiga wuxuu iskugu yeedha guddiga fulinta una gudbiyey soo jeedintii in la anshax mariyo labadaa masuul,kadib war-bixintii guddiga anshax marinta

Guddiga fulintu dood dheer kadib,waxay gacantaag ku ansixiyeen in labadaa masuul laga qaado xilkii iyo xubinimadii xisbiga ,waxaa shirka fadhiyey 43 xubnood oo guddiga fulinta ah,42 xubnood way u codeeyeen in xilka iyo xubinimada laga qaado labadaa masuul ee kala ah, Md. Axmed Muumin Seed Guddoomiye ku-xigeenkii 1aad iyo Md. Faarax Maxamed Cabdile guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ,guddoomiyuhuna muu codayn,halkaasi waxa ku ansaxay go’aankii guddiga fulinta.

Qoraalka khuseeya go’aanka guddiga fulinta ee xilka qaadita labadaa masuul ,waxa loo gudbin-doonaa hay’yaddaha qaranka ay khusayso iyo mudanayaasha xilka laga qadaay.

Dhammaad

Waaxda War-faafinta Xisbiga WADDANI

Hargeysa Somaliland