Araweelo News Network

Xisbiyadu waa korayaan habka Kaanbaynka loo gelayo, ma noqonayno inaan abuurno cadaawad iyo xanaf lagu rafto umana baahnin,”Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse  Biixi Cabdi ayaa ka qeyb-galay Xafladda qalin-jebinta Jaamacada Hargeysa ee Dufcaddii 17aad oo lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Hargeysa maanta.

 

Munaasibadan oo ay kasoo qeyb-galeen Masuuliyiinta axsaabta qaranka Somaliland, Diblumaasiyiin, xubno kamida Baarlamaanka Somaliland, maamulka Jaamacada Hargeisa iyo Waalidiin tiro badan ayaa lagu sagootiyay 1,290 Arday  oo dhammaatood dhamaystay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

Waxaana hadalo ka jeediyay Madaxweynaha Somaliland, masuuliyiinta Mucaardka, Wasiiro xukuumadda ka tirsan iyo madaxda Jaamacadda, kuwaas ka jeediyay khudbado isugu jiray dar-daaran duco iyo hambalyo ku socdayArdayda maanta qalin-jebinaysay.

Gaadiidka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kusii jeeda munaasibadda Jaamacadda Hargeysa 13 September 2020, Araweelo News Network.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse  Biixi Cabdi oo munaasibadaa ka Jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa ugu horayn Hambalyo iyo duco  u diray Ardayda qalin-jebisay “Waxaan u hambalyeynayaa dhalinyarada maanta qalin jebinaysa, waxaanan ugu ducaynayaa in Noloshooda iyo mustaqbalkoodu noqdo mid Ifaya oo kheyr leh oo Barwaaqo iyo  bash-bash ku noolaadaan, waxaan hambalyeynayaa waalidkii ku tabcay, macalimiintii ku tacabtay Jaamacadda(Hargeisa Universty) iyo qofkasta oo gacan ka geystay sidii dhalinyaradeenu wax u baran lahayd, waa maalin weyn oo farxad leh oo kun iyo saddex boqol ku dhawaad (1290) dhalinyaro ah oo Cilmi ku Gashaaman kusoo kordheen Cudduda Shaqaalaha iyo Cudduda Difaaca dalka iyo Cudduda bahda Caafimaadka ee Cudurada la dagaalanta ee ay Jaamacada Hargeysa soo diyaarisayna waa Illaahay mahadii mar labaad baan ugu tahniyadaynayaa.

Masuuliyiinta ka qaybgalay munaasibada Jaamacadda Hargeysa 13 September 2020, Araweelo News Network.

Madaxweynaha ayaa bulshada kula dar-daarmay in loo baahanyahay in danta guud laga wada tashado si loo gaadho halka qaranku higsanaayo “Waxaynu u baahanahay inaan ka tashano danteena innaga oo is tilmaamayna, waxaa hubaala tacliinteenu halka aynu doonayno iyo meel u dhow midna inaanay joogin ayaa xaqiiqo ah, dhammaanteen waxaa looga baahan yahay sidee halkaa u gaadhsiinaa, maanta dalkeena inta Banii-Aadamku  raadinayo ayaa taalla Cadceedaa ugu wanaagsan oo adduunku kala badh oo badh Cadceed bay la’ayihiin, Ciid wanaagsan bay la’ayihiin, Roob bay la’yihiin intaaba Illaahay waa innagu manaystay, Allah wuxuu innagu manaystay in la hubiyey in dhulkeena Baatrool ka buuxo oo macdanta qaaliga ah iyo dahabku ugu horeeyaan, meel dhaw oo aan qodis badan lahayn ay ku jirto oo hubaala,  Shirkaddaha caalamka oo dalkasta oo adduunka kamida iyo shirkadkasta oo baatrool baadha iyo mid Macdan baadhaba waa ina dul taagan tahay”.

munaasibadda Jaamacadda Hargeysa 13 September 2020, Araweelo News Network.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa Bulshada reer Somaliland kala dardaarmay qabyaalada, waxaana uu xusay in loo baahan in la xoojiyo hannaanka Xisbiyada.

“Qabyaalada waxaan kaga bixi karnaa saddexdaa xisbi hadii nin waliba mid ku biiro oo aynu xisbi ahaan isu aamminno oo sidaa Xisbiyadu isu dhaliilayaan laysu dhaliilo oo runta loo sheego, shaqada Xisbiyada mucaaridka ah waa inay Dawladda marada ka qaadaan qaladkay gashaba waa shaqada loo diray oo waan soo dhaweynaynaa”.ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

munaasibadda Jaamacadda Hargeysa 13 September 2020, Araweelo News Network.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka iyo Waxbarashadda ku boggaadiyey dedaalkii ay ka galeen marxaladii Xannuunka COVID-19, waxaana uu dhankooda u mahadnaqay shirkadaha ganacsiga ee  gaarka loo leeyahay “Waxaan aad iyo aad u bogaadinayaa Jaamacada iyo Bahda Waxbarashada oo dhan siday uga dabaasheen Xannuunkii COVID-19 dhibaatadii timi, waxaan aad iyo aad u hambalyeynayaa Wasaaradaha Waxbarashadda iyo Caafimaadka arrintaa dedaalka ay labaduba ka galeen, mid Caafimaad u gurmatay mid ku dedaashay Ardaydii inaanay tacliinta seegin oo ay u mariyaan muuqaal”.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Wakhtigii Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Deeggaanku soo dhaw yahay loona baahan inay noqoto mid dadka u horseeda horumar iyo wanaag.

“Doorashadii lasoo qaaday wakhtigeedii waa soo socdaa, waxaan filayaa in doorashadaasi noqoto mid inoo keenta Horumar is jaceyl iyo midnimo, walaalo tartamay oo aan Colloobin, waynu koraynaa,  Xisbiyadu waa korayaan habka Kaanbaynka loo gelayo waa la korayaa, ma noqonayno inaan abuurno caddaawad iyo xanaf lagu rafto,  umana baahnin, mar labaad baan u mahad naqayaa Jaamacada  Ardayda qalin jabinaysa, waan Hambalyeynayaa, Horumar baan inoo rajaynayaa”. ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.