Araweelo News Network

Mudhiicu Raxmaan NidaamiDhaka(ANN)Xukuumadda Dalka Bangladesh ee ay hoggaamiso Haweenayda Sheikh Hasina, ayaa Xukun dal-dalaad ah waxay ku fuliyeen Hogaamiyihii Jamaacada islaamiga ah ee dalkaasi Mudhiicu Raxmaan Nidaami, kadib markii Maxkamad ku taalla dalkaasi ay ku ridday Xukun dil ah.

Wasiirka Garsoorka ee Dowladda Bangladesh ninka lagu magacaabo Aniis Al-Xaq ayaa sheegay in Mudhiicu Raxmaan oo 73 jir ahaa lagu fuliyay xukunkaa saqdii dhexe ee habeenkii xalay, iyadoona lagu dal dalay gudaha Xabsiga weyn ee magaalada Daka ee Caasimadda dalkaasi.

Hogaamiyaha Jamaacada islaamiga ah ee xukunka lagu fuliyay ayaa xilal kasoo qabtay Dalka Bangladesh isagoo noqday Wasiir iyo Xubin ka tirsan Baarlamaanka Dowladda waxaa xukunka dilka ah lagu riday todobaadkii hore, kadib markii Maxkamadda sare ee dalkaasi sheegtay in ay ku heshay eedo la xidhiidha inuu gacan siiyay Ciidamada Meliteriga Pakistan, islamarkaana uu geystay waxa loogu yeedhay Xasuuq wadareedyo xilligii uu socday dagaalkii dhacay 1971-kii, xiligaas oo Dowladda Bangladesh ay doonaysay inay ka go’do Wadanka Pakistan.

Ka hor intii aanu dhicin xukunka dal-dalaadda ah waxa magaalada Dhaka iyo magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi lasoo dhoobay Kumanaan ka tirsan Ciidamada Booliiska, si ay uga hortagaan isku soo baxyo laga cabsi qabay inay sameeyaan taageerada Mudhiicu Raxmaani Nidaami, balse lama soo sheegin wax dibadbaxyo ah oo taageerayaashiisu ay sameeyeen, waxaase jira warar sheegaya in lagu baaqay isu soo baxyo.

Hogaamiyihii Jamaacada islaamiga ah ee Wadanka Bangladesh ayaa ka hor inta aan xukunka dal-dalaadda ah lagu fulin waxa uu la kulmay xubnaha qoyskiisa si uu u sagootiyo, waxaana uu diiday in uu cafis weydiisto Haweenayda Sheikh Hasina ee raysal wasaaraha ka ah dalkaasi, si looga khafiifiyo xukunka dilka ah.

Dowladda Wadanka Bangladesh waxay sidan oo kale hore xukunno isugu jira dil iyo xadhig ugu fulusay hogaamiye-yaal iyo xubno ka tirsanaa Jamaacada islaamiga ah ee dalkaasi iyo siyaasiyiin mucaarad ah, waxaana ugu dambeeyay ku xigeenkii Jamaacadaasi Cabdul-qaadir Mulla , kaas oo dabayaaqadii sanadkii hore 2016, lagu fuliyay xukun dal dalaad ah sidan oo kale.