Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa iclaamisay waqti cusub loo qabtay shirkadaha leh telefoonnada lacagaha la isugu diro ee Telesom iyo Somtel inay adeegyadooda kaga saaraan isticmaalka wixii ka yar lacagta $100 dollar, kuna beddelaan shillinka Somaliland.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Md. Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale), ayaa sheegay in qiimayn iyo baadhitaanno ay guddi khubaro ahi ku sameeyeen hannaanka adeegyada ZAAD iyo E-dahab ee shirkadaha Telesom iyo Somtel ay ka soo baxday muddo cusub loo qabtay inay kaga saaraan nidaamkooda ku isticmaalka doollar ee lacagta ka yar $100, si loogu beddelo lacag shillinka Somaliland ah.

“Arrintaa waxaannu u saarnay guddi aqoonyahanno ka kooban saddex nin oo khabiiro ah, guddigii way isla soo eegeen, si fiicana way u soo dhaweeyeen shirkaduhu oo macluumaad fiicana way siiyee, sidaa darteed, waxay soo ogaadeen waqtiga lagu saarayo (la isku beddeli karo habka dollarka iyo shillinka), waanay ku soo celiyeen guddigii xukuumadda ee sicir-bararka, meesha waxa soo gashay gacan saddexaad oo aan uga jeedo dad khubaro ajnibe ah ayaa ku shaqo lahaa, markaa muddada lagu keenayo ee nidaamka (system) lagaga saarayaa waxay noqotay in waqti la helo, sidaasi darteed, muddo ayaa loo qabtay ah mid ka soo baxday farsamadii waxaanay gaadhaysaa 1-da July,” ayuu yidhi Guddoomiye Dhoobaale oo warbaahinta la hadlay kadib kulan isaga masuuliyiinta Bangiga Dhexe la yeesheen Guddiga Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu ka warbixiyey ujeeddada kulanka ay xarunta Baarlamanka kula yeesheen Guddiga ilaalinta hantida qaranka u qaabilsan Wakiillada oo uu sheegay inay warbixin ka siiyeen xaaladda Bangiga Dhexe iyo hawlihiisa shaqo oo ay warbixin ka siiyeen guddiga, isla markaana ay ka jawaabeen su’aalo ay halkaasi ku waydiiyeen xildhibaannadu.

“Xaaladda maanta lagu jirana waad ogtihiin ee abaarta taagan, sarrif-bararka, dhaqaale-xumada iyo dhoofkii xoolaheenna oo istaagay, waxyaabahaasi aafada ah Ilaahay ha innaga kor qaadee ee waddanka ka jira ayaa ah arrimaha aannu iska xog-waraysanay,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Md. Naasir Cali Shire, ayaa isna sheegay in ay madaxda Bangiga Dhexe ka waraysteen xaaladda sarrif-bararka doollarka ee ka taagan dalka iyo hoos u dhaca ku yimi qiimaha shillinka Somaliland, isagoo ka dayriyey heerka uu marayo ku tiirsanaanta lacagta doollarka iyo ka tagista lacagtii waddanka, waxaannu yidhi, “Waxa cajiib ah oo aan doonayaa in aan ummadda reer Somaliland xasuusiyo in aynu noqonay ummad waxaan ku tilmaamo aanan garayn oo kii baska fuushanaa uu dollar doonayo, kii dukaanka joogay doollar buu ku waydiinayaa, kii ardayga aad u dirtay ee haystay iskuulka ama jaamacadda doollar buu ku waydiinayaa, waa ummad dhan oo doollar wada raadinaysa oo qofna aannu ku waydiinayna shillin Somaliland, waxaan arkaa in aynu noqonay sidii gobol ka mid ah Maraykanka oo loo baahan yahay in caqligeennu ku soo noqdo in shillinka Somaliland waxna lagu iibsan karo, waxna lagaaga iibsan karo.”