Araweelo News Network

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Cali Salaan Jirde (Cali Shoonbe)

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Cali Salaan Jirde (Cali Shoonbe)

Dubai (ANN) Wefti ka kooban xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee u xilsaaran dhammaystirka heshiiska maalgelinta dekedda Berbera ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kula jirto shirkadda caalamiga ah ee DP World oo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan wadahadallada ugu dambeeya ee gunaanadka saxeexa heshiiska rasmiga ah.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Somaliland Md. Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe) oo ka mid ah weftiga wasiirrada ku sugan Dubai, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijo wadahadallo ay maalmihii u dambeeyey la yeesheen masuuliyiinta shirkadda DP World ee heshiiska lagula galay maalgelinta dekedda Berbera.
“Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa maanta oo taariikhdu tahay 03/09/2016 [shalay], in aannu beryahanba ku sugnayn Dubai, waxaanan warbixin idinka siinayaa halka ay noo marayso hawsha aannu u joognay dalka Imaaraadka Carabta, annagoo ah wefti ka kooban wasiirro, ahna guddidii dekedda Berbera ee la munaqashoonaysay shirkadda Dubai Port World. Waxaannu halkaas u joognay gebagebaynta heshiiskii baarlamankuna dhowaan ansixiyey, ujeeddada aannu halkan u joognaana waa heshiiskaas oo waa la isla wada ogolyahay, haddii ay tahay farsamo-yaqaannada, haddii ay tahay garyaqaannada kale ee caalamiga ah iyo haddii ay tahay la-taliyeyaashii kale ee aannu qabannay iyo garyaqaannadoodu faahfaahintii ku jireen, layslana meel dhigayey wixii la qorayey iyo sidii loo qori lahaa, heshiiskiina wuxuu noo marayaa marka xaqiiqda loo noqdo meel aad u qurux badan oo aad mooddo in aannu isla garanayno waxyaabo badan oo guul labada dhinacba ugu jirto.
Innaga [Somaliland] mabda’eenna guud wuxuu ahaa horumarka dalka iyo sidii aynu u abuuri lahayn shaqo, iyadoo aynu ilaalinayno sumcadda iyo magaca ummadda reer Somaliland. Heshiiska sida aad la socotaan wuxuu ahaa heshiis caalami ah, heshiiskii ugu weynaa ee wixii ka dambeeyey 1991kii markii Burco lagaga dhawaaqay goonni-isu-taagga Somaliland. Qodobkii labaad ee inoo soo xigay wuxuu ahaa heshiiska aynu Dubai World la galnay,” ayuu yidhi Wasiir Shoombe oo saxaafadda la hadlay.
“Ugu dambayn, waxan doonayaa in aan idinla socodsiiyo inuu gebegebo marayo, dhawaana aanu soo afjari doono, iyadoo aannu ku guulaysan doono In Sha Allaah in aannu saxeexno heshiiskii kama dambaysta ahaa waqtiyada dhow ee innagu soo haya foodda, ilaa iyo haddana wax carqalad ah oo naga horyimi aannu jirin, kooxdayadii wada socotayna [weftiga wasiirrada] aanaan kala faraaro lahayn (kala qaybsamin) oo sidii aannu idinkaga soo dhoofnay ee baarlamaanka hortiisa ku joognay aannu dad mida, mabda’ keliya leh, ujeeddo keliya leh, kuna socda qorshaha, dhaqaalaha iyo siyaasadda uu nagu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed (Silaanyo), waxaanan idiin rajaynayaa oo aan idiin ballanqaadayaa in dhawaan aad maqli doontaan war farxad leh oo aannu ku soo afmeerno heshiiskaas,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Somaliland oo aan si rasmi ah u caddayn maalinta iyo taariikhda labada dhinaca kala saxeexan doonaan heshiiska maalgashiga dekedda magaalada Berbera, balse uu tilmaamay in hawshaasla dhammaystiri doono dhawaan, haddii Ilaahay idmo.