Araweelo News Network

awilaliducaleHargeysa (ANN)- Shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGAL JET, ayaa si rasmi ah ugu soo bandhigtay magaalada Hargeysa buug la magac baxay Raad-raaca Taariikhda Soomaaliyeed oo uu qoray Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil).
Xaflad ballaadhan oo gardaadinta buugga cusub loogu sameeyey hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa habeennimadii Sabtida, waxa ka qaybgalay masuuliyiin badan oo isugu jira madaxda axsaabta siyaasadda, wasiirro, siyaasiyiin, abwaanno, qorayaal, aqoonyahanno, bahda dhallinyarada ee akhriska iyo qoraalka iyo dadweyne tiro badan.
Martida tirada badan ee ka qaybgalay gardaadinta diiwaanka buugga uu qoray Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ah mid xiiso weyn xambaarsan, ayaa si wayn loogu iibsaday madasha lagu soo bandhigay buugga Raad-raaca Taariikhda Soomaaliyeed oo ay daabacday shirkadda daabacaadda ee SAGAL JET.
Madaxa Suuq-geynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee SAGAL JET Mr. Sacad Cabdi Daahir oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qiimaha xogta buuggan ku duugan iyo waliba sida da’yarta looga baahan yahay inay doorkooda ka qaataan horumarinta dalkooda.
“Buuggani waa buug qiimo weyn leh oo aynu wax badan ka faa’iidayno, waana farriin dhallinyada ku socota si ay u ogaadaan wixii dalkan loo soo maray. Dhallinyaroow Cawil iyo raggii la midka ahaa waxa halganka galeen oo naftooda hureen iyaga oo da’deenna ah, maanta inaynu dalkeenna ka tahriibnaa iyagana calool-xumo ayey ku tahay, innagana waa inagu ceeb,” ayuu yidhi Mr. Sacad.

kaqaybgalayaashabuuga
Isagoo ka hadlayey doorka shirkaddooda SAGAL JET ka qaadatay soo-saarista iyo daabacaadda buuggan, waxa uu intaa ku daray, “Shirkadda SAGAL JET waxay u taagan tahay gaadhsiinta bulshada qoraallada muhiimka ah iyo daabacaadda wax kastoo bulshada faa’iido u leh, waxaanay meesha ka saartay dhibkii dadku ku qabeen daabacaadda qoraallada muhiimka ah ee ay gacanta ku hayaan.”
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo buuggan soo akhriyey, ayaa ka qaybgalayaasha xafladda la wadaagay macluumaad dhegahooda dhif iyo naadir ku ah oo buugga ku jira, isagoo dul is-taagay dhacdooyin xiiso badan ku duugan.
Madaxa xarunta dhaqanka ee Redsea Cultural Mr. Jaamac Muuse Jaamac, ayaa isaguna sharraxaad kooban ka bixiyey sida diiwaanka uu allifay ambassador Cawil ee lagu magacaabo Raad-raaca Taariikh Soomaaliyeed uu kor ugu qaadayo aqoonta da’yarta, isla markaana maskaxdooda u korinayo, waxaannu si gaar ah ugu mahadnaqay shirkadda buugga daabacday ee SAGAL JET.

Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis Dr. Siciid Axmed Xasan, ayaa ka warramay maclmuudka diiwaankani xambaarsan yahay, isagoo xusay inta badan waxyaabaha buugga ku qoran yihiin qaar uu goob-joog u ahaa qoruhu oo si lexejeclo ku jirto ula jeclaaday da’yarta maanta ee intii aan dhacdooyinkaas maqliniba inay maanta wax ka korodhsadaan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo isaguna madashaas ka hadlay, ayaa tafaasiil ka bixiyey faa’iidooyinka ku jira buuggan, “Buuggan dalka oo dhan baa laga xiisaynayaa, waxaan aan arkay madaxweynaha Somaliland oo hore loogu keenay oo dhawr jeer si weyn u akhriyaya, sababtuna wax kale maaha ee buuggani waxa uu xambaarsan yahay taariikh mug leh,” ayuu yidhi Wasiir Caddaani.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku bogaadiyey qoraaga buugga Ambassador Cawil Cali Ducaale inuu taariikh ballaadhan oo loo baahnaa u soo bandhigo dadka, “Ambassador Xuseen Cali Ducaale waa diblomaasi ruug caddaa ah oo buugaag horena qoray, waa siyaasi, waanan uga mahadnaqaynaa in wax aynu u baahnayn waqti aynu baahnayn inoo keenay aad iyo aadna waan ugu mahadnaqayaa, cid kasta oo gacan ku siisay oo ay SAGAL JET ugu horraysana waan u mahadnaqayaa,” ayuu yidhi Cirro.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna ka sheekeeyey waayo taariikheed oo ay soo wada mareen qoraaga buuggan Ambassador Cawil “Cawil in badan baan kulannay oo wada fadhiisanay, intii la shaqaysay iyo intii taataabatayba waa mahadsan yihiin, buuggan laba meelood baan ka caashaqay oo kala ah; sidii ay Hargeysa ahaan jirtay iyo ta labaad oo ah inuu ii sheegay inuu adduunyada soo maray madaxweyne siddeed ama sagaal sanno dal xukumi jirey oo aan weligii diyaarad raacin oo aan dalkiisa ka bixin isagoo gaadhi wata mooyaane, taasina mucjisay igu noqotay,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Qoraaga buugga Raad-raaca Taariikhda Soomaaliyeed Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa ka sheekeeyey muhiimadda ay taariikhdu leedahay iyo sida loogu baahanyahay in wixii la soo dhaafay maanka lagu hayo.
“Taariikhdu waa alxan, waxaanay ku xasuusisaa waxaad soo martay iyo halka aad maanta marayso, waxay ku illowsiisaa waxyaabaha yaryar ee maanta ku hortaagan ee aan qiimaha ku fadhiyin, markaad dib u raacdana waxa aad illaabaysaa waxa siyaasad-maalmeedka ah. Waxa la innooga baahan yahay inaynu xasuusnaanno dariiqii aynu soo barnay. Ummaddani haddii aanay shalay lahayn ma raagto, mar walbana waa inaynu maskaxda ku haynaa waxa aynu maanta haysanno ee dawladnimada iyo calanka ah,” ayuu yidhi Ambassador Cawil.
Waxa kaloo xafladdaas ka hadlay xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, siyaasiyiinta Siciid Sulub Maxamed, Maxamed Nuur Carraale (Duur), Xoghayaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Shabeel, Nada Yuusuf Cumar oo magaca Bahda Hiil Qalin iyo xubno kale, kuwaas oo dhammaantood si isku mid ah u qiray qiimaha qiimaha xogaha buuggani xambaarsan yahay, iyagoo dhinaca kalena si weyn ugu mahad-celiyey shirkadda SAGAL JET ee daabacday.
Ugu dambayn, hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran, shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM iyo Wasaaradda Warfaafinta, ayaa madashaas ka iibsaday min boqol nuqul oo ka mid ah buugga diiwaanka Raad-raaca Taariikh Soomaaliyeed, sidoo kalena masuuliyiinta jilayaasha aan dawliga ahayn ee SONSAF iibsadeen konton buug, waxana halka boqollaal qof oo martida ka mid ahna si mug leh u iibsadeen buugga Ambassador Cawil oo noqday kii ugu iibka badnaa ee ay daabacdo shirkadda SAGAL JET.