Araweelo News Network

muse biixiHargeysa (ANN) Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa baaqyo culus ka soo saaray dhiilada colaadeed ee ka taagan degaannada degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag iyo waliba muranka ka taagan diiwaangelinta la doonayo in laga hirgeliyo lixda goobood ee xeebta galbeed ee Somaliland ee muranku ka taagan tahay.
Guddoomiye Biixi oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa shalay, ayaa wax laga naxo ku tilmaamay colaadda laba beelood oo walaalo ah ku dhexmaraysa degaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, isagoo ugu baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalkaas, isla markaana waxa uu tacsi u diray ehelada dadkoodu ku geeriyoodeen halkaasi, kuwa dhaawacmayna Alle uga baryey inuu caafimaad sareecan ah siiyo.
“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaanba ehelka iyo qoysaska ay ka dhinteen dadka tirada badan ee dhintay oo saddex iyo toban kor u dhaafaya oo maanta wax macquul ah oo ay ku dhinteen oo weyni aanay jirin ee ay tahay geeri naxdin leh oo ah kaa dhimay oo kugu dhimay, dhaawacuna waxa uu gaadhayaa dhawr iyo labaatan, waana mashaqo weyn, Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa inuu dagaalkaas innaga qaboojiyo ummadda qalbigeedana isu-soo-jeediyo,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Waxaannu intaas ku daray, “Aniga oo magacayga iyo ka xisbigaba ku hadlaya waxaan codsanayaa in la joojiyo colaadda, gaar ahaan cidda maanta dhimashada badani ku dhacday waxaan ka codsanayaa dadkaas maanta dhintay soo noolaan maayaan, aargoosina dad innoogu kordhi maayaan wax innaga dhinta mooyaane, weynu naqaannaa aanada Soomaalida iyo aargoosigu wiilka wiilkiisa ayey gaadhaa, dadkuun baana ku dhammaada, baro-kac baa ka dhasha oo caydh iyo saboolnimo iyo qaxooti baynu ka qaadnaa, dadka lagu muusanaabayo ee la leeyahay rag badan baa la innaga laayey oo laga yaabo inay taas gurmad ku galaan waxaan leeyahay walaal joojiya colaadda.”
“Maanta uma baahnin col la abaabulo, uma baahnin beelaha oo isu soo gurmada ee labada dhinacba waxaan si toos ah uga codsanayaa inay arrintaas abaabulka ah joojiyaan oo caqligu shaqeeyo oo khasaare intaasaa innoogu filane aynu dhimasho dambe ilaalinno.
Walaalayaal, waxaad u badan tihiin dadkii waddankan u soo halgamay, waxaanad ogtihiin wixii idinkaga dhintaye’ maanta shaydaankaa idinka dhex kacay wixii caqli leh ha qabtaan oo ha la joojiyo gurmadka, tollo’ayda iyo gurmadka isu soo ururaya, waxaana la idinka doonayaa in dadku ceelashii ka wada cabbaan oo dumarka qaxootiga, orodka iyo silica laga daayo, waxaynu u baahanay inaynu dhaawaceenna wada dhayanno oo agoomaha laga dhintay aynu wada taban-taabinno.”
Dhinaca kalena, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ka hadlay doodda ka taagan diiwaangleinta ay xukuumadda iyo Komishanku dhawaan iclaamiyeen in laga qaban doono lixda degaan ee xeebta galbeed ee dalka, waxaannu masuuliyiinta, qaranka iyo kuwa dhaqankaba ugu baaqay inay si xilksanimo ah arrintaas uga hadlaan oo aanay lumin milgaha ay xambaarsan yihiin.
“Waxaan codsanayaa in masuuliyiinta golayaasha qaranku ay golayaashooda ku doodaan oo aanay warbaahinta iskaga jawaabin, taasina waa fool-xumo, ninka Baarlamaan ah ama Guurti ah amma wasiir ah ha ka hadlo golihiisa dadka oo dhan buu hoggaamiyaaye, waxaynu u baahanahay in wixii khaldan aynu nabadgelyo ku wada dhammaysanno, waxa la yidhi go’aan codka in laga qaado degaannadaas ah baa jira, haddii la leeyahay dhibaataa ka jirta sow kama wadahadli karno, waa in aynu isweydiinaynaa inay suurtogal tahay iyo in kale, dadkuna way isu yimaadaan oo wixii macquul ah baa lagu wadahadlaa.”
Guddoomiyuhu waxa uu mar kale caddeeyey in xuduudaha gobollada iyo degmooyinka dalku ku salaysanyihiin nidaamkii uu dhigay gumaystihii Ingiriisku, “Waxaan leeyahay arrinta xuduuduhu way caddahay oo distoorkaa loo raacayaa oo waa xadkii uu Ingiriisku ka tagey, labada dhinacna marka aad dhegaysato taasay oggol yihiin oo la iskuma diidana, meeshana ma taallo wax dadka fino looga dhex abuuraa, qof baana qaldami kara’e waa in laga dow-mariyaa haddii cid gadarro ku dhacday, qarankuna waa inuu ciddii dambi ku dhacday uu qabtaa, labadaas tallaabana waa caddaan oo weynu qaadaynaa wixii is-afgaranwaaahna waxa aynu ku dhammaynaynaa wadahadal.”
Waxa kaloo uu soo jeediyey in la isu caqli celiyo, isla markaana la is qanciyo, lagana dheeraado fidno-abuurka, “Ninka diiddan in lixda goobood cod laga qaado waa ra’yiye waa in laga dhegaystaa oo uu qanciyaa ka kale, ka leh ha laga qaado diiwaangelintana waa ra’yiye waa la dhegaystaa oo ay is qanciyaan ee isku dili mayno cod ha la qaado, arrin weyn oo dalka khalkhal loo geliyo oo gobollada fidno looga dhex abuuro oo cidi cid wax jiidhsiinayso maaha.”
“Wixii aynu heshiis ku nahay ayuun baa la kala yeeli wixii gar ahna waa la kala qaadan, cid cid kale qasbaysa oo ciidan amma dawladnimo amma xoog ku qasbaysaana ma jirto ee walaaltino, talo, qaran iyo inaynu wax wada wadaagnaa la doonayaa, waxaanan rajaynayaa in aynu arrinteena wadahadal ku dhammayn doonno wixii aynu ku heshiinno ee macquul ahna keeno oo waliba la isu dul qaato,” ayuu yidhi Guddoomiye Biixi.