“Marka la isu geeyo waa in la maalgeliyo lacag ka badan ilaa $400 milyan oo doollar (afar boqol oo milyan) muddo 30 sanno ah”
Wasiirka Khaarajiga Somaliland

Araweelo News Network
heshiisyoqalinkalaguduugaysliyoAEUHargeysa(ANN)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay in heshiiska maalgashiga dekedda Berbera la marin doono Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan, sidaasi darteedna aannu ahayn heshiis qarsoodi ah oo madmadow ku jiro.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Maxamed Cumar (Xoor-xoor) oo labadooduba ka mid ahaa wefti ka socda xukuumadda oo heshiis maalgashi dekedda Berbera ah la soo saxeexday shirkadda dawladda Imaaraadka u qaabilsan dekedaha ee magaceeda la yidhaa Dubai Port World (DP), ayaa saxaafadda u sheegay in heshiiskaasi yahay mid aan lagu dhaxal-wareejinayn dekedda Berbera, balse yahay mid maalgashi ah.
Wasiirka Khaarajiga Dr. Sacad Cali Shire oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Haregysa, kadib markii uu dalka ku soo laabtay shalay, waxa uu sheegay in heshiiskani yahay maalgashi ballaadhan oo faa’iido wayn u keeni doona guud ahaan Somaliland, iyadoo aanay meesha ka baxayn nidaamkii maamul ee Somaliland iyo shaqaalaha ka hawlgala oo sidooda loo qaadanayo.
“Waxaannu qabnaa in heshiiskaas oo imminka qaybtiisii hore aannu soo saxeexnay, qaybtiisa dambe ee weyna marka aannu saxeexno waxa uu mari doonaa Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka, waana wax cad oo aan qarsoodi ahayn amma arrin lagu gaadhayo qol madow aannu ahayn, waxaannu qabnaa inaannu arrinkaasi inoo keeni doono faa’iidooyin badan shaqo badana abuuri doono, innagu xidhi doono waddamo badan oo jaarkeena ah, gobolka oo dhana ka faa’iidaysan doono, waana arrin inoo soo kordhay Somaliland ahaan iyo gobolkaba,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Dekedda ma wada wareejinayno ee waxay yeelanaysaa laba hay’adood oo maamula oo mid waa hay’adda dekedaha Somaliland (Somaliland Berbera Port Authority) oo sideeda ayey u jiraysaa oo cidna la wadaagimayno, hawlihii la xidhiidhay maraakiibta soo xidhi-dooda, diristooda iyo hagi-dooda intaas oo dhan waxa gacan ku haysa hay’addaas, shaqaalihii u shaqayn jirayna sidii bay ugu shaqaynayaan, qaybta kale oo aynu wada yeelanayno waxa maamulaysa shirkad aynu wada yeelanayno, maaha mid ay gaar u leedahay Dubai World, shaqaalaha iminka ka shaqeeya sidooda ayaa loola wareegayaa.”
Mar wax laga waydiiyey muddada heshiiskani shaqaynayo waxa uu ku jawaabay, “Mashaariicda noocan oo kale ahina way badan yihiin caalamka oo dhan, sannadaha inta badan laysa siiyo ogolaanshuhuna waa isku mid, waa 30 sanno ilaa 50 sanno, dhawrkii shirkadood ee tan ka horreeyey ee inoo yimi muddadii ay qabsadeen ee ay soo jeediyeena waxay ahayd 30 sanno ilaa 50 sanno, shirkaddana waa 30 sannadood.”
Waxa kaloo Wasiir Sacad shaaciyey in lacag badan oo xaqul-qallin ah lagu siiyey Somaliland heshiiskan, waxaannu yidhi, “Way jirtaa lacag xaqul qalin ah, waa 15 milyan oo dollar, waana $5 milyan oo lagu soo iiban doono maraakiibtan (jiidayaal) soo xidhi doona maraakiibta iyo 10 milyan oo kaash ah, kuwaas oo toos u tegayaan wasaaradda maaliyadda iyo sanduuqa dawladda.”
Wasiir Sacad Cali Shirre oo sidoo kale la hadlay idaacadda VOA-da, ayaa sheegay in aannu dhismaha jidka isku xidhaya dekedda Berbera iyo dalka Itoobiya qayb ka ahayn heshiiska ay la saxeexdeen shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.
“Heshiiska kama mid ahayn jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale, laakiin waannu kala hadalnay baahida ah in jidkaas la sameeyo si loo tayeeyo, loona isticmaalo dekedda, badeecaduna marka ay timaad dekedda waxay u baahan tahay in la qaado, waxaanan rajaynaynaa in badeecadaha ka soo dega ay in badan gasho dalka Itoobiya, si taas loo helana waxa loo baahan yahay in jidkaas la sameeyo, taasna waannu ka codsanayn ee heshiiska kuma jirto,” ayuu yidhi wasiirku.
Waxaannu intaas ku daray; “Marka la isu geeyo waa in la maalgeliyo lacag ka badan ilaa $400 milyan oo doollar (afar boqol oo milyan) muddo 30 sanno ah.”
Geesta kale, Maareeyaha guud ee Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) oo isna waraysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da, ayaa ku tilmaamay heshiiskan kii ugu mudnaa ee maalgashi ay hesho dekedda Berbera, “Heshiiskan in badan ayaanu ka shaqaynaynay meelihii aannu hiigsanaynay meelo ku dhaw ayuu soo gaadhay waa kii ugu fiicnaa 10 sanno ee aannu raadinaynay cid naga caawisa oo nala dhista dekedda Berbera, maanta waxay soo saarto labaatan laabkeed ayaanu doonaynaa inay soo saarto, waxaannu doonaynaa fa’iidada ay maanta leedahay inay soddan laabkeed yeelato, waxaannu doonaynaa in Somaliland soo gaadhsiino meel sare oo dadka Geeska Afrika ka dukaamaystaan ay noqoto.”
“Heshiiskan waa hordhac oo weli waa qabyo, qodobo badan oo aad muhiim u ah waanu ka heshiinay, heshiiskii guud ee ballaadhnaana wuu noo hadhsan yahay, waxaannu isleeyahay fursaddaas shacabka, da’yarta iyo reer Berbera uga faa’iideeya,” ayuu yidhi Maareeye Xoorxoor.
Waxa kaloo Maareeyaha Dekedda Berbera uu faahfaahin ka bixiyey qodobada heshiiskani ka kooban yahay, waxaannu yidhi, “Qodobada waxa ka mid ah deked cusub bay dhisayaan oo marka heshiiska sidaa loo saxeexo birta iyo dhagaxa waa la bilaabayaa (lagu dhisayo) sida heshiiska ku cad, waxa ka mid ah in guud ahaanba labada dekedoodba la wada yeesho, lana wada maamulo, Somaliland-na cashuur wanaagsan ka qaadato, sidaana hawsha loo wada galo oo aannu dhisme iyo lacagba ka helno, waxa ka mid ah shaqaalaha dekedda wax ku soo kordha mooyee in aanay waxba ka tagin. Waxa kaloo heshiiska ku jira in aanay hawl dawladdu aanay ogayn ha ahaato ta joogta amma kuwa maqane in aanay waxba ka qaban karin, waxa ku jira in tacriifadaha laga wada-tashado, waxa ka mid ah horumarka kolba tii soo baxda waddanka horumarkiisa laga shaqeeyo, waxa qayb ka ah inay kaalmo aad u wayn ka gaystaan waddada Berbera ilaa Itoobiya (Berbera Coridor).
Mar su’aalay shakiga iyo guuxa badan ee ka dhex jira bulshada ee ku saabsan heshiiskan waxa uu kaga jawaabay, “Maya, waa inay ka sii badato hadday ka sii badanwaydo heshiiskay ka mid tahay halka ugu hoosaysa ee ay wax ka bilaabi karaan, waaniga ku leh toban laab iyo labaatan laab weeye hiigsigayagu.”
Dhinaca kale, Wasiirka iyo Maareeyuhuba waxay beeniyeen oo meesha ka saareen in heshiiskan uu ku lug lahaa ganacsadaha la yidhaa Cabdiraxmaan Boorre oo mucaarad ku ah dawladda Jabuuti.
“DP Dubai World baanu heshiis la soo galnay ama aannu heshiis la wadnaa, annagu Cabdiraxmaan Boorre meel heshiis lagula galay, meel dawladda uu kula shiray iyo meel uu noogu yimi midna ma jirto.” Sidaa waxa yidhi Eng. Cali Xoor-xoor.