Araweelo News Network

ibnuusamaWiil yar oo uu dhalay hoggaamihii aasaasay shabakadda Al-qaacida ee Osama Bin Laden, ayaa ku boorriyey kooxaha ku dagaallamaya gudaha dalka Suuriya in ay midoobaan, isagoo tilmaamay haddii lagu guulaysto dagaalka Suuriya inay taasi dariiqa u xaadhayso xornimo buuxda oo ka dhalata dhulka Falastiin.
“Ummadda Islaamka waa in ay jihaadka diiradda saaraan, gaar ahaan dhulka Sham (Suuriya), waana in mujaahidiinta dagaalka ku jiraa arrintaas u midoobaan. Ma jiro cudur- daar loo hayo kuwa weli ku adkaysanaya qaybsanaanta iyo muranka, waayo waqtigan dunida oo dhan muslimiinta ayey isu baahaysanayaan,” ayuu yidhi Xamse Osama Bin Landen oo ah 23 jir oo cajalad cod ah ku baahiyey internet-ka oo Jamhuuriya soo xigtay.
Cajaladan uu soo diray oo aan waqti ku qornayn waxa ay timmi, kadib markii hoggaamiyaha Al Qaacida Ayman Al-Zawahiri uu sidoo kale dagaalyahannada Suuriya ku dhiirrigeliyey in ay midnimo muujiyaan, isagoo haddana diiday in ISIS iyo Khaliifada uu ku dhawaaqay colaad ka dhexayso.
“Arrinta midawgu maanta waa nolol iyo geeri amma waydun midoobo si aad muslinimo ugu noolaataan sharaf leh amma waydun kala qobqobnaan oo mid mid baa la idiin ugaadhsan,” ayuu yidhi Al Zawahiri oo cajalad cusub soo saaray.
Kooxda Al-qaacida ka tirsan ee Al-Nusra oo ka dagaallanta jiidda hore ee gudaha Suuriya, waxa colaad xooggan ka dhaxaysaa ururka ISIS oo hoggaamiyahoodu yahay Abu Bakr Al Baghdad oo 2014 ku dhawaaqay Khaliifada Isalamka oo hadda ku sugan Ciraaq iyo Suuriya.
Haddaba, wiilkan yar ee Bin Laden dhalay ayaa sheegay in dagaalka Suuriya hormood ka noqon doono xornimo ay hesho magaalada barakaysan ee Qudus, waxaannu yidhi; “Dariiqa xornimada Falastiin loo marayey maanta aad buu u soo dhaw yahay marka loo eego markii hore ee Suuriya aannu kacdoonku ka curan.”
Sirdoonka dalalka reer galbeedka ayaa aaminsan in Hamsa Bin Laden uu yahay wiilka loo carbinayo inuu jagada aabbihii la wareego, isla markaana ah wiilka uu Osama ugu jeclaa carruurtiisa, aadna u soo dhawaysan jiray, xogtiisana ogaa inta badan.