Araweelo News Nework


Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in xaalad abaareed oo baahsan markale ku dhufatay guud ahaan dalka.
Sidaa waxa shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Hay’adda u Diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Md. Faysal Cali Sheekh oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa , isagoo sheegay in abaar kulul oo baahsan ku habsatay degaannada kala duwan ee dalka Somaliland, gaar ahaan dhulka xeebaha ah.
Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay in abaarta cusub ee haatan dalka ku dhufatay saamaysay nolosha 1,755,000 qof oo degaanno kala duwan ku kala nool.
“Haddii aannu nahay Hay’adda u Diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka waxaannu si rasmi ah maanta [shalay] ugu dhawaaqaynaa in Jamhuuriyadda Somaliland abaar baahsan ka jirto, taas oo ka jirta dhammaan gobollada dalkaoo dhan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha oo tibaaxay in abaartan cusub saamaysay 47% dadka ku nool Somaliland.
Waxa kaloo uu soo bandhigay warbixin la xidhiidha tirada dadka ku kala nool gobollada Somaliland iyo mid walba inta ay abaartu ka saamaysay, waxaannu yidhi;
• Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Awdal waxa ay abaartu saamaysay 47%ay
• “Gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil, waxa ay saamaynta abaartu bilaw u tahay 275,000 (laba boqol iyo shan iyo toddobaatan kun) oo qof, taasoo ah 22%,
• Gobolka Togdheer waxa ay heerarka kala duwan ee abaartu saamaysay 46% oo ka mid ah bulshada gobolkaas.
• Dadweynaha ku dhaqan degaannada Gobolka Sanaag waxa ay abaartu saamayn ku yeelatay 64%
• Dhulka Hawdka Somaliland oo ah degaan ballaadhan oo dhinaca xuduudka ah, laga bilaabo degaanka Fara-weyne ee Gobolka Maroodi-jeex ilaa degaanka Saax-dheer oo gobolka Sool ah, waxa ay dadweynaha ku dhaqan gelayaan xaalad degdeg ah oo gurmad u baahan 50%.
Waxa kale oo uu sheegay inay jiraan dad badan oo ku barakacay gudaha degaannada Somaliland, kuwaas oo qaarkood abaarihii hore barakiciyeen.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Hay’adda u Diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranku, waxa uu ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka, ganacsatada iyo xukuumadda Somaliland in gurmad degdeg ah lala gaadho dadka iyo duunyada abaartu ku habsatay.
“Waxa aan ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland, Hay’adaha Qarammada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah, hay’adaha islaamiga ah, ganacsatada iyo dhammaan shacbiga reer Somaliland ee dibadaha ama qurbaha ku nool, waxa aannu ka codsanaynaa oo aanu leenahay dadweynihiinii dhibaatadaas ayaa haysata, u soo gurmada. Wax allaale iyo wixii la qaban karana ha loola soo dedaalo, gaar ahaana sida ay u kala daran yihiin meelaha aan soo sheegay gurmadka ha loogu degdego,” ayuu yidhi Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed.