#Araweelo_News_Network.

 

Sanca, Yemen (ANN)-Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, Abdul Malik al-Houthi, ayaa Khamiistii sheegay in howlgallada ay ciidamadooda Baddu wadaan, wixii hada ka danbeeya au  ku beegsanayaan maraakiibta ay sare u qaadi doonaan si looga hortago in maraakiibta xidhiidhka la leh Israa’iil ay maraan Badweynta Hindiya ee ku wajahan Cape of Good Hope.

“Dagaalkayaga ugu weyn waa inaan ka hortagno maraakiibta ku xidhan cadowga Israel inay maraan keliya maaha Badda Carabta, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, laakiin sidoo kale Badweynta Hindiya ee ku waajahan Cape of Good Hope. tani waa tallaabo weyn, waxaana bilownay inaan hirgelinno howlgalladayada la xidhiidha,” ayuu al-Xuuthi ku yidhi khudbad uu ka jeediyay Telefishinka dalka Yemen Khamiistii.

Dagaalyahanka  Xuutiyiinta oo  lala xidhiidhiyo innay taageerada ugu weyn ka helaan dawladda kacaanka islaamiga ah ee Iran,  ayaa tan iyo bishii November weerar ku qaadaysay maraakiibta doonaya innay ka gudbaan Badda Cas iyo gacanka cadmeed waxayna sabab uga dhigeen olole ay ku taageerayaan falastiiniyiinta intii uu socday dagaalkii Israel kula jirtay Xamaas ee Qaza, halkaas oo xasuuq baddan iyo go’doomin ay kula kacday shacabka Falastiin Israel oo taageero ka helay Maraykanka iyo Britain.

Tan iyo xilligaa ay bileebeen weerarada waxay ku guulaysteen innay afduubaan dhawr ka mid ah Maraakiibta, halka ay kuwa kalena khasaare kasoo gaadhay gantaalaha Xuutiyiinta iyo doonyaha ay ku weerarayeen sababeen innay degaan Maraakiib siday shixnado kala duwan iyo kuwo siday Shidaal oo ka gudbayay halkaa.

Sidoo kale, qaar ka mid ah shaqaalaha saarnaa Maraakiibta ayaa ku dhintay weerarada, iyadoo dhanka Xuutiyiinta weerarada fulinaya laga soo sheegayo in ku dhawaad ​​34 xubnood oo Xuuthiyiin ah la dilay tan iyo markii ay kooxdu bilaabeen weerarada, sida uu sheegay  aAbdul Malik al-Houthi.

Weerarrada Xuutiyiinta ee socday dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay, ayaa si dhab ah u carqaladeeyay maraakiibta caalamiga ah ee doonaya innay ka gudbaan Badda Cas iyo gacanka cadmeed, taas oo ku khasabtay shirkaddaha innay dib u maraan safarro dhaadheer oo qaali ah, kuwaas  oo ay ku maraan Koonfurta Afrika, waxayna  arrintan sii kicisay cabsida laga qabo in dagaalka Israel iyo Xamaas uu ku faafo  dunida, iyadoo xilligan laga dareemay dunida oo dhan, isla marakana uu ka hulaaqayo Bariga Dhexe si ballaadhan.

Qalalaasaha ka dhashay dagaalka Israa’iil ay kula jirto kooxda Islaamiga ah ee Falastiin ee Xamaas ayaa ilaa xad ku fiday qaybo kale oo ka tirsan Bariga Dhexe. Marka laga reebo weerarrada Xuutiyiinta ee marinnada muhiimka ah, kooxda Xisbullah ee ay Iiraan taageerto ee Lubnaan waxay Israa’iil ku ganacsan jirtay xadka u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan, malleeshiyada Ciraaq ee taageersan Iran ayaa weerartay saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidammada Maraykanka, kuwaas oo khasaare gaadhiiya mar walba, isla markaana doonaya innay Maraykanka tusaan in looga baahnayn gobolka.

Maraykanka iyo Britain ayaa duqeymo ka bilaabay bartilmaameedyada Xuuthiyiinta ee Yemen, waxayna laakiin ma jiraan astaamo muujinaya innay duqaymuhu wax u dhimeen weerarada Xuutiyiinta, waxayna u muuqdaan oo keliya kuwa kasii cadhaysiiyay oo sababay innay maraakiibta ka ugaadhsadaan Badweynta Hindiya, kuwaas oo kasoo wareegay Cape of Good Hope.

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com