Araweelo News Network.

#Somaliland: Xamaaliinta#Berbera Oo Ka Cabanaya Maamulka Guddida #Free@Zone Ee Xukuumadda

Maareeyaha Dekedda Berbera Oo Sheegay In Naqshadii Balaadhinta Dekedda Berbera Oo Wax Iska Bedeleen

Berbera(ANN)- Maareeyaha Dekedda Berbera, Siciid Xasan Cabdullaahi, ayaa sheegay in wax iska bedeleen qaabkii loo shaxeeyay Balaadhinta Dekedda ee naqshadii hore loo sameeyay.

Dhinaca kale,  wuxuu sheegay in uu soo gaadhay Markabkii Buuxin lahaa Dekedda Barxada Banaan, isla markaana ka qodaya dekedda Marinka ay soo marayaan Maraakiibtu marka ay soo gelayaan Dekedda.

Siciid Xasan Cabdullaahi

Hase yeeshee wuxuu xusay in qaabkii shaxdii hore wax iska bedeleen, isagoo yidhi, “ Shaqadii ayaa socota, waxaase wax iska bedeleen Naqshadii ( Design),  halkii markii hore aannu u qorshaynay inay Biyuhu ku jiraan hada waa laga saarayaa, waxaana socota buuxintii.” ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in ay ahayd in xilligan ay ku xidhaan saddexda Wiish, balse sida uu sheegay baahi loo qabo barxada ayaa sababtay in la horaysiiyo in la buuxiyo barxada Dekedda.

Dhinaca kale, cabashooyin ayaa kasoo yeedhaya xamaalinta geellayaasha Bekedda Berbera, kuwaas oo ka cabaya maamulka guddida dekedda Free Zone ee Berbera oo ay sheegeen in ay wadaan qorshayaal ay meesha kaga saarayaan iyaga, isla markaana waxay maamulka xamaaliintu u direen cabasho Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyagoo ugu baaqay inuu arrinmtooda wax ka qabto.