Araweelo News Network.

Madaxweyne Biixi, wuxuu Dalacsiiyay 6326 Saraakiil, Saraakiil Xigeen iyo Dablayaal Ciidanka Millateriga Somaliland Ka Tirsan

Hargeysa(ANN)-Munaasibad si weyn loo abbaabulay oo lagu xusayay sannad-guuradii 27aad ee kasoo wareegatay markii ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland la yagleelay.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa kala qaybgalay xuska dabbaaldega sannad-guurada 27aad, wasiirada wasaaraddaha Gaashaandhigga,, Cabdiqani Maxamuud Caateeye (fariid), arrimaha gudaha,, Maxamed Kaahin Axmed, warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta, Saleebaan Yuusuf Cali-koore, Ganacsiga, dalxiiska iyo wersheddaha, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), xannaanada xoollaha iyo horumarinta Kalluumaysiga,  Siciid Sulub Maxamed, taliyaha ciidanka qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Alt; Xuska sanad-uurada 27aad ee aasaaska ciidanka Qaranka

default

Sidoo kale waxa munaasibada ka qaybgalay dhammaanba taliyayaasha ciidamada kale ee dalka, xildhibaanno, siyaasiyiin, saraakiil iyo diblomaasiyiin ka socda dalalka deriska iyo waddamada kale ee Somaliland xidhiidhaka la leh, madax ka tirsan saddexda xisbi qaran ee Somaliland, KULMIYE, UCID iyo WADDANI iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Alt; Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xuska sanad-uurada 27aad ee aasaaska ciidanka Qaranka

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xuska sanad-uurada 27aad ee aasaaska ciidanka Qaranka, 2 Feb 2021, Araweelo News Network.

Kooxda fanka Gaashaan ee ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa  munaasibadda ku ibo-furay masraxiyad waddaniyadeed la magac baxday DAWLADNIMO WAA SHARAF, taasoo ka turjumaysay kaalinta miisaanka leh ee ay ciidanka qaranku kaga jiraan dhismaha dawladnimada, islamarkaana si weyn usoo jiidatay shucuurta madaxdii munaasibadda ku sugnayd.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidanka qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambayo qaran u diray dhammaanba ciidamada kala duwan ee millateriga, isagoo tilmamay inuu shacabku gaadhay heer uu naf-hurnimada, dal-jacaylka iyo waddaniyadda kaga daydeen ciidamada qaranka, taasoo uu ku macneeyay inay tahay abaalkii ciidanka qayb kamid ah soo celinayaan.

,“In badan waxa la isku raacaa ciidanka qaranku abaalka uu dalkiisa u galay cid gudi jirtaa ma jirto, waa dhab, waayo qof naftiisa huray waxa loogu abaalgudaa waa naf loo huro uun, laakiin abaalkooda kolba in baa la gudaa, maantana waxan leeyahay shacabka Somaliland dhammaantii in badan oo tallaabooyin horumar ah oo abaalkii aad u gasheen ah buu soo celiyey, abaalkuna ma aha lacag iyo Adduune waa wixii aad garateen ee isu xilsaarteen haddii aad ciidamada oo dhan tihiin ee ahaa qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ammaan ah oo nabad ah sidii loo heli lahaa, ayaanu nafta u huraynaa, qaranku maanta wuxuu qaatay inuu dhammaantii tallaabadiinnii qaato oo isaguna nafta huro.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xuska sanad-uurada 27aad ee aasaaska ciidanka Qaranka, 2 Feb 2021, Araweelo News Network.

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Xuska sanad-uurada 27aad ee aasaaska ciidanka Qaranka, 2 Feb 2021, Araweelo News Network.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu si mug leh u ammaanay midnimada iyo isku-duubnida shacabka Somaliland, xukuumad, mucaarid iyo muxaafidba, isagoo sheegay in ay meel uga soo wada jeedaan horumarka qarankooda iyo danahooda guud ahaaneed.

“Dalku wuxuu ku jiraa  sannadkan maanta ah iyo kii ka horreeyeyba Somaliland oo taladiiinii qaadatay oo khilaafkii dhammaysay oo dhammaan u midowday horumarinta iyo nabadda dalka. waxa kale oo guul labaad ah in dhammaan xisbiyadii iyo siyaasiyiintii ay u midoobeen horumarinta qaranka iyo nabadda oo ay wax siyaasadda ka saareen wixii xanaf, duul-duul iyo hadal qalloocan ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Gebagebadii madaxweynuhu waxa uu shacabka usoo jeediyey inay ilaashadaan nabaddooda iyo wada-jirkooda xilligan dalku doorashooyinka gelayo, kana dheeraadaan wax kasta oo dhexdooda khilaaf ku keeni kara, isaga oo dallacsiiyey 826 (Siddeed boqol iyo lix iyo labaatan) sarkaal,  iyo in ku dhaw shan kun iyo shan boqol isugu jira saraakiil-ku-xigeenno iyo askar caadi ah oo  katirsan ciidanka millateriga.