Booqashada saraakiisha Xisbiga Shuuciga ee SACP, ku yimaadeen Somaliland, ayaan la ogayn waxay la xidhiidho iyo arrimaha ay ka wada hadleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana Madaxtooyadda ayaan wax war ah kasoo saarin ujeedada booqashada saraakiisha ee xilligan.
Hase yeeshee qoraal kooban oo lagu baahiyay bogga Madaxtooyadda ee shebekadda
Facebook, ayaa lagu sheegay kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha Somaliland oo aan wax faah-faahin ah laga bixin.
Qoralka ayaa lagu sheegay in kulanka ay la yeesheen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland saraakiisha xisbiga SACP, ay ku weheliyeen, miwasiirada Arrimaha dibeda, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere).
Sidoo kale, waxa magacyada saraakiisha ka socday Xisbiga Koonfur Afrika lagu sheegay inay kala ahaayeen Mr Abner Mosaase, Mr. Malose Ramashala iyo Mr Allen Magumbi, kuwaas oo aan la ogayn qorshaha safarkooda iyo mudada ay joogayaan Somaliland.
Xisbi shuuci ah oo ka jira Koonfur Afrika. Waxaana la aasaasay 1921, balse waxa sharci daro ku tilmaamay 1950kii xisbiga talada haya ee ANC, (
The African National Congress Party), kaas oo la aasaasay 1921,wuxuuna SACP, ka qeybqaatay halgankii lagu joojinayay nidaamkii midab kala sooca ee dalkaa ka jiray mudada dheer.
Balse labada Xisbi ayaa ah lammaane ku jira Isbahaysiga Saddex-geesoodka ah ee la leh Golaha Qaranka ee Afrika iyadoo Xisbiga ANC ee uu hoggaamiyaha ka ahaa mudada dheer halyaygii reer Koonfur Afrika ee Nelson Mandela ku guulaystay doorashooyinkii 1994, tan iyo waqtigaana wuxuu Xisbiga ANC, ahaa ka majaraha u haya siyaasada dalka, isagoo isbahaysi la leh xisbiyada kale ee siyaasada.
Xisbiga Shuuciga ah ee SACP, waxa lagu tilaamaa inuu door ka ciyaaray horumarinta Axdiga Xorriyadda iyada oo loo marayo kaadiriinta oo si furan uga dhex muuqday Isbahaysiga Koongaraska ee ANC, iyo urur hoosaadka Xisbiga.