Hargeysa(ANN) Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed X. Aadan Cilmi, ayaa sheegay in wasaaraddaha iyo hay’addaha kala duwan ee dawladdu isticmaalan Astaanta Qaranka oo khaladan, taas oo aan waafaqsanayn qaabta Dastuurku u asteeyay Astaanta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 Astaanta  Qaranka ee saxda ah iyo ta khaldan ee wasiirku soo bandhigay, ayaa ku kala duwan midabka qaabka guud, wuxuu sidaa  sheegay mar uu warbixin la xidhiidha hawsha wasaaraddiisu qaranka u hayso siinayay Guddida Joogtada Ah ee Golaha Guurtida Somaliland.

 Maxamed X. Aadan Cilmi, wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, waxa uu sheegay inay xeer u samaynayaan Astaanta, Calanka iyo Af Soomaaliga oo uu tilmaamay in aanu jirin xeer lagu maamulo marka laga reebo qodobo Dastuurka ku jira oo si kooban u astaynaya.

“Waxaanu soo wadnaa xeerar baddan oo aad naga talo siin doontaan oo uu ka mid yahay xeerka Astaanta Qaranka, Astaanta Qaranku waa qodob laakiin, xeer ma laha, xeerka Calanka, xeerka Afka Soomaaliga oo imika meel walba wixii la doono lagu qorto, haddii aad eegtan boodhadhka dalkeena 80% waa English, 10% waxa laga yaabaa waa Carabi, 5% in ay Soomaali tahay ayaa laga yaaba sida aad ogtihiina dastuurkeenu wuxuu qorayaa Afka 1-aad waa Soomaaliga,  ka labaadna waa Carabi,” Sidaa ayuu yidhi wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed X. Aadan Cilmi

Waxa uu intaasi raaciyay “Markii aanu eegnay hay’addaha iyo wasaaraddaha Qaranka boqolkiiba todobaatan (70%) waxay isticmaalan Astaanta khaldan labada astaamoodna waxaanu gayn doona goleyaasha oo dhan iyo golaha wasiirradda.”ayuu yidhi, Maxamed X. Aadan.

Qodobka 7-aad ee Dastuurka Somaliland farqadiisa 2-aad ayaa sidan u tilmaamaysa Astaanta Qaranka “Astaanta Qaranku waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay “ALLAAHU AKBAR” oo Far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaana ka sarreeyo ay laba kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan. Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhaxaysa waxa ku qoran “Bisinka” oo Far Carabi ah.”