Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shil Baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac, kaas oo ka dhacay maanta deegaanka Lafa-Ruug ee duleedka Magaalada Berbera.

Shilka ayaa dhacay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo kala ahaa Bas rakaab siday oo ay leedahay shirkadda Dalmar oo ka mid ah shirkaddaha dhowaan la sameeyay ee isaga goosha gobolada dalka iyo gaadhi weyn oo ahaa nooca loo yaqaano Candha-maydle.

Masiibada shilka, ayaa sababtay dhimashada 7 Qof, iyo Afar dhawac ah, waxaana masiibada shilkaa ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi oo dhanbaal tacsi ah u diray Ehelada iyo qoysaska dadkii ku dhintay shilkaa.

Sidoo kale Madaxweynuhu, wuxuu wax laga damqado ku tilmamay halista iyo khataraha soo noq-noqday ee shilalka gaadiidku sababeen oo khasaare naf iyo maalba leh u geystay muwaadinta Jamhuriyada Somaliland, isagoo fariin u diray wasaaradda gaadiidka iyo ciidanka nabadgelyada wadooyinka. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal isugu jira tacsi iyo fariimo oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda, kaas oo u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoysaska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee dhammaan Marxuumiinta ku geeriyooday shil baabuur oo sababay dhimashada todoba ruux (7 qof) kuna dhaawacmeen afar ruux, ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo kala ah Bas rakaab siday oo ay leedahay shirkadda Dalmar iyo gaadhi weyn oo ah nooca loo yaqaano candha-maydle. Shilkaas oo ka dhacay inta u dhaxaysa Lafa-ruug iyo xamaas ee gobolka saaxil maanta oo ay taariikhdu tahay 07-05-2019 .

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu ku adkaynayaa mulkiilayaasha gaadiidka, shirkadaha gaadiidka ee gobolada isaga goosha, iyo wadayaasha gaadiidku inay u hoggaansamaan shuruucda gaadiidka iyo waddo-marista muujiyaana masuuliyada nafaha  muwaadiniinta ay qaadan iyo ilaalinta maalka gaadiidka.

Madaxweynuhu wuxuu wax laga damqado ku tilmamay halista iyo khataraha soo noq-noqday ee shilalka gaadiidku sababeen oo khasaare naf iyo maalba leh u geystay muwaadinta Jamhuriyada Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu farayaa wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, taliyaha ciidanka Booliska iyo laanta nabad-gelyada wadooyinka inay fuliyaan awaamiirta iyo sharciga gaadiidka iyo wadidooda, isla markaana waajibaadkooda ka gutaan cid kasta oo baalmarsan shuruucda wadida gaadiidka  iyo masuuliyada saaran.

Madaxweynuhu wuxuu marxuumiintaas ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee ay ka baxaeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Inta dhaawaca ahna caafimaad sareecana siiyo.” Ayaa lagu yidhi, qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland. Maxamuud Warsame Jaamac.