Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wasiir ku xigeenka arrimaha dibadaa dalka Masar, Mr. Xamdi Sanad Luza oo booqasho ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxwnaha Somaliland Muuse Biixi, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadaa dalka Masar, Mr. Xamdi Sanad Luza, Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka Xannaanada Xoollaha iyo kaluumaysiga iyo masuuliyiin kale. May 7, 2019.
Madaxwnaha Somaliland Muuse Biixi, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadaa dalka Masar, Mr. Xamdi Sanad Luza, Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka Xannaanada Xoollaha iyo kaluumaysiga, wasiirka Caafimaadka iyo masuuliyiin kale. May 7, 2019.

Kulanka Madaxweynuhu maanta la yeeshay wefdiga uu hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka Masar, waxa markii dhamaaday qoraal kasoo baxay dhinaca Madaxtooyadda lagu sheegay in ujeedada kulankaasi lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Masar, taariikhda faca-weyn ee ay wadaagaan labada dal, arrimaha ganacsiga, xoolaha iyo kalluunka, waxbarashada iyo isdhex-galka xidhiidhka labada shacbi.

Wefdiga Masar ee la kulmay Madaxweynaha Somaliland, 7 May 2019.

Sidoo kale waxa qoraalkaa oo ahaa mid kooban lagu sheegay in madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Masar taageerada ay Jamhuuriyadda Somaliland ka siiso waxbarashada gaar ahaan dhinaca macalimiinta u hagarbaxday sidii ay ardayda Somaliland wax u bari lahaayeen.

Waxaana Kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada horumarinta caafimaadka, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhinaca weftigana waxa wasiir ku xigeenka ku wehelinaayey, safiirka dalka aynu jaarka nahay u fadhiya Masar, Amb. Maxamed Nasr iyo kaaliyaha wasiirka arrimaha geeska ee dalkaasi Masar, Amb. Mohamed Karim Sharif. Waxaanay weftigu dalka ku sugnaan doonaan maalmo kooban iyagoo booqan doona goobo kala duwan oo muhiima.