Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA), ayaa canbaareeyay qareeno ay sheegeen in waaran Maxkamadeed loo jaray si loo xidho.

Ururka Qareenada Somaliland oo maanta warbaahinta qaar kula hadlay xarunta xafiiskooda ee Magaalada Hargeysa, waxay ka digeen in qareenadaa oo u hadlayay dadweynaha ka cabanaya Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa in la xidho, waxayna ku tilmaameen talaabadaa mid aan meela kasoo gelin sharciga in waaran loo soo jaro qareeno u doodaya Bulshada.

Alt: Ururka Qraeenada Somaliland

Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA 15 Feb 2021, Image File Araweelo News Network.

Qaar ka mid ah Qareenada ayaa ku tilmaamay in isku dayga la doonayo in lagu xidho qareen Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tamaandho), oo doodaya dadka ka cabayana wakaaladda BIyaha ee Hargeysa in ay arrintaasi tusaale u tahay calaadda Somaliland iyo halka ay marayaan Maxkamaddihii dalku.

“Waxay arrintan muujinay in Maxkamaddaha Somaliland ee maanta ay ka miciin liitaan Maxkamaddii Badbaada ee xilligii xukuumaddii Milateriga, sababtoo ah waxay ka xishoon jirtay in qareen u doodaya Bulshada la xidho.” sidaa waxa yidhi, Xamse Maxamuud Xasan oo ka mid ah Qraeenada la hadlay warabaahinta.

Sidoo kale, Qareen Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mdi ah Qareenada ugu cad-cad ee mudada dheer kaga soo shaqaynayay mihnadiisa makamaddaha Somaliland, ayaa sheegay in haddii la xidho qareenada dadka u doodaya ay arrintaasi abuurayso fawdo iyo in dadku sharciga gacantooda ku fushadaan.

Dhowaan ayay ahayd markii Wakaaladda Biyaha Hargeysa soo saartay amar ay dadka ku amrayso in ay iska bedelaan Saacadaha Biyaha, isla markaana bedelka saacadaha oo $ 100 dollar ah ay wakaaladda Biyaha Hargeysa hayso, iyadoo wakaaladdu sheegtay in ciddii bedeli weyda saacada laga goynayo Biyaha oo aannay Biyo helayn.

Arrintaa ayaa keentay in dadweynaha Magaalada Hargeysa si weyn uga muujiyaan saluug, isla markaana la yaab ku noqotay, iyadoo xilligan duruufaha nolloshu ay ku adagtaahy in badan oo ka mid ah Bulshada ku nool magaalada hargeysa ee caasimadda Somaliland, kuwaas biyo la’aanta ay ka cawdaan inta badan ay ksuoo korodhay digniinta wakaaladda ee cusub, waxayna qaarkood tageen xafiiska Qareenada si ay arrintan dhinaca sharciga uga caawiyaan.