Araweelo News Network.

#Yemen: Xuutiyiint Jawaabta Laashay Rajada Baaqa Riyadh iyo Doorka Washington Ee Xabad Joojinta Dagaalka Lagu Riiqday

Warbixin: By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

 

Riyadh(ANN)-Dawlada Sucuudiga, ayaa ku baaqday in lasoo afjaro dagaalka tan iyo 2015, ka socday dalka Yemen, kadib markii ay meesha ka baxday dawladdii Cali Cabdalle Saalax.

Kooxda Xuutiyiinta, ayaa la wareegeen Magaalada Caasimada dalkaa ee Yemen, isla markaana xukuumaddii Madaxweyne Abdurabi Hadi Mansur ka carartay halkaa, taas oo ah xukuumadda ay Sacuudiga iyo xulufadiisu aqoonsan yihiin ee xarunta  ka dhigatay Magaalada Koonfurta dalkaa ee Cadan.

 

Xukuumadda Riyadh waxay sheegtay in xabad joojiinta iyo wadahadalka arrimaha ugu waaweyn ee lagaga hadlayaa ay ugu waaweyn yihiin, sidii dib loogu furi lahaa garoonka diyaaraddaha Sanca oo ay kooxda xuutiyiintu gacanta ku hayaan.

Garoonka ayaa xidhnaa dhawrkii sannadood ee u danbeeyay, balse ay xulufada Riyaad saartay xannibaad dhinaca hawada ah, iyagoo xilligan sheegay in xayiraada laga qaadi doono haddii kooxda Xuutiyuuntu  oo Sacuudigu ku eedeeyo in ay taageerto Iran ay oggolaadaan wada hadalka ay ku baaqeen.

 

Sidoo kale, waxay dawladda Sacuudugu sheegay in arrimaha laga wada hali doono ay ka mid tahay Dekedda Hodeidah oo ah Magaalada Afraad ee ugu weyn dalka Yemen, kana mid ah Dekeddaha ugu muhiimsan ee ku yaal Badda Cas, waxay Sacuudigu sheegeen in dakhliga ka soo xarooda lagu shubi doono akoon xisaabeed ay si wadajir ah u maamuli doonaan labada dhinaca.

Xukuumadda Riyadh iyo kooxda Xuutiyiinta ayaa marar hore wada galay heshiisyo la doonayay in lagu soo afjaro dagaalka saamaaynta xun ku yeeshay dalkaa, wallaw aannay dhinacayadu marna si buuxda u fulin tan iyo shirkii Stockholm ee sanadkii 2018, waxayse saraakiisha Riyadh sheegayaan in haddii ay isku afgartaan arrimaha farsamada ee horudhaca ah ay taas raaci doonto wada hadallada rasmiga ah oo dhinaca siyaasada laga yeesho.

“Wixiii xilligan ka dambeeya Xuutiyiinta ayay u taal inay danahooda hormariyaan ama kawa Iran” sidaa waxa yidhi, wasiirka arrimaha dibedda ee Sucuudiga Amin Faysal Bin Farhan Al-Saud oo u warramayay warbaahinta.

Dowladda Madaxweyne Hadi ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqistan, laakiin Xuutiyiinta oo xukuma ku dhowaad 70% dhulka Yemen ayaan aaminsanayn in rajo ka soo bixi karto.

“Xal ama dadaal kasta oo aan qirayn in Yemen si gardarro ah loogu soo weerraray milatari iyo in cunaqabateyn lagu hayay lixdii sano ee la soo dhaafay, taas oo sababtay dhibaatooyin bini’aadaminimo waa mid dhalanteed ah ” ayuu afhayeenka Xuutiyiinta Mohammed Abdulsalam ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Dhawaaqa xilligan ee Xukuumadda Riyad ku baaqday wada hadalka iyo xabad joojinta, ayaa kusoo beegmay, iyadoo toddobaadyadii kasoo dhaafay weerraro ay Ceelasha Saliida ee Sacuudiga ku qaadeen kooxda xuutiyiintu, kuwaas oo khasaare weyn geystay.

Sidoo kale, waxa soo jeedinta Sacuudiga ee kusoo beegantay iyadoo Maamulka Madaxweyne Joe Biden qaaday tallaabo laga filayay oo dhanka diblamaasiyada oo ku waajahan dalalka Khaliijka si loo soo afjaro dagaalka muddada dheer ee Yemen.

Waxaana loo xilsaaray arrintaa Timothy Lenderking, wakiilka khaaska ah ee Maraykanka u qaabilsan Yemen, kaas oo ah sarkaal sare oo aqoon durugsan u leh dalalka Khaliijka, wuxuuna dedaalo diblamaasiyaadeed u kala dab qaadayay dalalka Khaliijka February 22 ilaa March 3.2021.

Gantaalaha Iyo Duqaymaha Ku Waajahan Sacuudiga Oo Kordhay

Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay taageeri doonto wadaxaajoodka ay ku baaqday boqortooyda Sucuudiga, waxayna dhinaca kale cambaareysay weeraradii gantaalaha ahaa ee dhawaan Xuutiyiintu ay ku qaadeen magaalooyinka xuduuda labada dal, iyadoo weerradaasi khasaare gaadhsiiyeen goobaha ugu muhiimsan ee wersheddaha Saliida oo dalka Sacuudigu qani ku yahay.

Dagaallada Yemen oo socday in ka badan lix sano ayaa ku riixay dadka waddankaas saboolnimo, macluul iyo gaajo baahsa burburka dagaalka oo sababay dhimasho boqolaal qof oo u badan caruur iyo waayeel, ayaa sidoo kale abuuray dhibaatooyin caafimaad, isla markaana waxa duqaymaha Sucuudiga iyo xulufadiisa lagu bur-buriyay goobaha Caafimaadka, Adeegyada goobaha Waxbarasho, masaaniicda  iyo meelo taariikhi ah.

Kumaan qof ayaa ka qaxay dalka Yemen tan iyo 2015, waxayna Sacuudiga iyo xulufadiisu ka abuureen dalka Yemen dhibaato bina-aadamnimo.

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ka badan 24 milyan oo Yemeniyiin ah ay  u baahan yihiin gargaar bini’aadanimo, oo ay ku jiraan 10 milyan oo la ildaran heerar gaajo aad u daran.

Hay’adda Qaramada Midoobay iyo Hay’addaha kale ee arrimaha gargaarka ka shaqeeya waxay sidoo kale tilmaamayaan in xaaladda Yemen inay tahay dhibaatada adduunka ugu xun ee bani’aadamnimo,  balse waxay ku guuldaraysteen in ay xal u helaan si loo joojiyo dagaalka daba dheeraaday, isla markaana loo xakayn lahaa masiibada bini’aadanimo ee ka taagan dalka Yemen.

 

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Jaamac132@gmail.com