image(3)Hargeysa(ANN)Carwo Ganacsiga Somaliland ayaa maanta laga furay Huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, iyadoo ay waxyaabo kala duwan iyo adeegyada dhinaca ganacsiga ah kusoo bandhigeen shirkado waaweyn sida Dahabshiil Group, Teleson, Somcable, SPS iyo shirkado kale oo qaarkood adeegyo cusub soo kordhiyeen, sida Universal Money Express oo xawaalad xidhiidh la leh Bangi Caalami ah.

dahabshiilcarwada image(3) image(4) image(5) image(6)
Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim, ayaa xadhiga ka jaray Carwadaa oo shalay lagu war helay qabashadeeda, iyadoo ay ka muuqatay aanay muuqan shirkaddo waaweyn oo carwooyinka sidan oo kale ah ka muuqan jiray, balse waxa ka dhex muuqday ganacsato u dhashay dalalka Suuriya, Masar iyo Turkiga oo badeecado kala duwan oo ay soo saaraan, isla markaana la keeno suuqyada ganacsiga Somaliland kusoo bandhigay.

image(7) image(8) image(10) image(13)image(14)image(11)