Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Sat, Oct 31st, 2015

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Oo Uga Mahadceliyay Madaxweyne Silaanyo Xilka Loo Magcaabay

KeysarcabdullaahiUK-Bristol(ANN) Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo hore u ahaa Safiirka Wareegga ee Somaliland (Ambassador at Latge} ka hor intii aanu Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabin xilkaa todobaadkan, ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha xilka cusub ee loo magacaabay.

Qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay bogga ay bulshadu ku wada xidhiidho ee Facbook, wuxuu ku bilabay sidan:-
“Marka hore waxaa Mahad oo dhami ay u sugnaatay Allaha weyn ee Awwooda badan ee inaga dhigay Ummad Muslin ah oo Xor ah oo Dalkoodu Nabad iyo Dawladnimo Buuxda ay ka hanaqaaday oo iyaga oo aan Cidna Sacabada hoos dhigan Dalkoodii Hooyo ee Burburay dib u dhistay.
Waxaa kale oo aan u Mahad Celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ii magacaabay Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Jamhuuriyada Somaliland, Waxaan madaxweynaha ugu Mahadnaqayaa Kalsoonida uu igu Qabo ee uu iga dhex xushay Malaayiinka Qof ee Reer Somaliland oo in badan oo ka mid ahi ay iga Cilmi iyo waayo-aragnimo badan yihiin. Waana markii Labaad ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu Xil Qaran ii magacaabo. Aad iyo aad ayaan Madaxweynaha ugu Mahanaqayaa waxaanan Ballan qaadayaa inaan sida ugu wanaagsan ee awwoodayda ah iyo Daacadnimo aan ugu Adeegi doono Dalkayga Hooyo Insha Allah.
Waxaa kale oo aan u Mahadnaqayaa Kumanaanka Qof ee si guud iyo si gaarba iigu soo Duceeyay iiguna soo Hambalyeeyay Xilkan Cusub ee uu Madaxweynuhu uu ii Magacaabay waxaanan idiin soo gudbinayaa Mahadnaq waxaanan Allah ka baryayaa inuu Ducadiiina noo Aqbalo oo uu nagu Asturo Masuuliyada nala saaray.
Ugu danbayn Waxaan jecelahay inaan eray yar idhaahdo Saaxiibo badan oo ila soo xidhiidhay oo Tilmaamay in Xilkan Wasiir ku Xigeenka mid ka sarreeya ay ahayd in Madaxweynuhu ii magacaabo, Waxaan marka hore leeyahay Waad Mahadsan tihiin Kalsoonida aad igu qabtaan, waxaanan aaminsanahay in Xilalku ay yihiin jarran-jarrooyin isku xiga oo Maalinba mid la qaban doono Insha Allah, Kaysar ahaana waligay ma diidin mana diidi doono Xil kasta oo Qarankaygu u baahdo inaan ugu shaqeeyo.’ayuu ku yidhi qoraalkiisa, Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo ah Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga ee JSL

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp