Araweelo News Network

Donald Trump and Hillary Clinton

Donald Trump and Hillary Clinton

New York (ANN)Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Maraykanka Haweenayda Hillary Clinton iyo Bilandheerka Donald Trump, ayaa guulo waawayn ka gaadhay doorashadii ka dhacday Gobolka New York ee is reeb reebka tartanka loogu jiro wareega doorashada musharxiinta Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dumuqraadiga ee doorashada Madaxtinimada Maraynkak, taas oo sii dheeraysay hoggaamintooda tartanka madaxtinimada ee xisbiyadooda ka dhex socda.

Tartanka xisbiga Dimuqraadiga ee ka dhacay Gobolka New York, ayaa Hillary Clinton ku guulaysatay boqolkiiba 57%, halka Senator Bernie Sanders oo tartanka kula jiraa uu helay boqolkiiba 42% codadka la dhiibtay.

Clinton ayaa si aan dhib badnayn uga badisay Bernie Sanders oo la tartamayey, waxaanay u sheegtay taageerayaashiisa in ay jiraan wax badan oo midayn kara.
Dhinaca kale, xisbiga Jamhuuriga ayaa maalqabeen Trump waxa uu ku guulaystay boqolkiiba 60%, iyadoo John Kasich oo kaalinta labaad galay uu helay boqolkiiba 25%, halka Senator Ted Cruz uu kasbaday boqolkiiba 15%.

Musharaxiinta labada xisbi siyaasadeed ee Maraykanka, ayaa isku dayaya inay helaan tirada ugu badan wufuudda coddeynaysa marka kulamada xisbiyada ay dhacaan bisha July, si ay u noqdaan musharaxiinta xisbiyadooda u matalaya doorashada guud ee la qaban doono bisha November 2016.