Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka Seylici

Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka Seylici

Hargeysa (ANN)Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shaacisay inay abuurayso ciidan u gaar ah oo ka hortaga qulqulka tahriibka dhallinyarada dalka oo xadhkaha goostay labadii sannadood ee la soo dhaafay, kaas oo khasaarihii ay u dambaysay doontii ku degtay badweynta u dhexaysa Masar iyo Talyaaniga oo ay ku dhinteen dad tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 400 qof oo u badan Soomaali ay ku jiraan tiro aan sugnayn oo reer Somaliland ah.
Sidaa waxa ku dhawaaqay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da shalay, isagoo intaa ku daray in xukuumaddoodu gacan bir ah ku qaban doonto kooxaha ku shaqaysta tahriibinta dhallinyarada.
“Mukhallasiinta tallaabooyin badan baannu ka qaadnay, qaar badan waannu xidh-xidhnay imminkana waxa noo qorshaysan in aannu samayno ciidan boolis oo unug u gaar ah oo dabagala nimankaas dhallinyarada ka kaxeynaya magaalooyinka ee Soomaalidu u bixiyeen Magafayaasha oo aannu kaga hortagno in aanay arrintani dib u dhicin, laakiin horena waanu u samaynay oo in badani way noo xidh-xidhan yihiin, dadaal badana waanu galnay, balse ummad dhan oo dhaqaaqday oo mushkilad ku noqday dhallinyaradii oo aynu la mid nahay caalamka oo dhan Afrika iyo Eeshiya oo ku wada fikiraya uun Yurub baa la gaadhayaa waa dhibaato caalami ah ee maaha mid innaga gaar inoo ah maanta,” ayuu yidhi Md. Saylici.
Madaxweyne-ku-xigeenka oo la waydiiyey sida uu u arko eedaymaha ay xukuumadda u jeediyeen waalidka dhallinyaradii ku dhintay doontii u dambaysa ee ah inay ka gaabisay ka war-helidda iyo ka-hawlgalidda shilkaasi, waxa uu kaga jawaabay, “Somaliland kama aannu gaabin arrintaasi waa mid cid waliba yaaban tahay, dalalkii Yurub ama kuwii dhankooda innaga xigay ee Masar oo kale ay waqtigaa warka ogaadeen. Innagu sabab aynu u ogaan karayni may jirin ilaa ilmihii baxay uu warka isagu soo diro meeshii uu gaadhay, xataa warbaahintii caalamiga ahayd may ogaan oo ilaa imminka ayey ku wareersan yihiin dhacdadaas.
Tahriibtani maaha mid cid lagu eedayn karo dhammaan Afrika, Aasiya iyo dhammaan dalalkii innaga awood badnaa ee la ictiraafsanaa ayaa dadkoodii tahriibayaan. Sida aannu warka ku haynno doontii dadka lagu gurayey oo meel badwaynta dhexdeeda ah taagan ayaa intii aanay dhaqaaqin culays darteed degtay, kadibna ay nimankii mukhallasiinta ahaa qariyeen. Hore wacyigelinta tahriibtu way u socotay, imminka waannu sii xojinaynaa wacyigelinta sidii dadka loogu sheegi lahaa in aannu wax fiican ahayn tahriibka.”
Ugu dambayn, mar la su’aalay ballanqaadyadii xisbigooda KULMIYE ku galay ololaha doorashadii 2010 ee ay u adeegsan jireen erayo uu ka mid yahay ‘UDUB way tagaysaaye ha tahriibin walaal’ waxay ka hirgaliyeen, waxa uu yidhi, “Eraygaasi mid aannu ku ololaynaynay ama barmaamijkayaga ku qoran muu ahayn, wuxuu ahaa eray ka soo baxay shacabka, gaar ahaan reer Togdheer, laakiin mar walba waxaannu ku dadaalanay in aannu qorshe u samayno dhallinyarada, intii awooddayada ah qorshihii waanu samaynay, shaqo abuur wixii aannu samayn karaynay waannu samaynay.”
“Maanta caqabadda rasmiga ah ee inna haysaa waa dalka oo aan la ictiraafsanayn oo aynaan xidhiidho caalami ah dawladeed iyo hay’ado caalami ah oo ina maalgashanaya ayaan jirin, laakiin wixii dalkeenna yaallay awooddii ugu badnayd ayaannu samaynay, tallaabooyin badan baanu qaadnay, waxaad ogtihiin muddadaa lixda sanno ah ee aannu joognay in aannu xoog iskaga xilsaarnay dhallinyarada, in xataa aannu hoos u dhignay da’dii ay kaga qaybgalayeen siyaasadda, in aannu shaqaalaysiin badan samaynay oo aannu shaqaalaha dawladda oo aannu ugu nimi 7000 qof, maantana waxay marayaan 16,000 qof, markaa muddadaa aannu joognay 9000 qof baannu shaqaalaysiinay,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.