Araweelo News Network

muuqaalka iyo magacyada kooxda dawlada Kenya ku eedaysay argagixisada

muuqaalka iyo magacyada kooxda dawlada Kenya ku eedaysay argagixisada

Nairobi(ANN)Hay’addaha dhinaca amniga ee dalka Kenya, ayaa sooo bandhigay magacyada iyo sawirrada 11 nin  oo lagu eedeeyey inay maleegayeen weerarro argagixiso oo laga fuliyo gudaha dalka Kenya.

Kooxda dhalinyarada ah oo dawladda Kenya muuqaalladooda soo bandhigtay shalay, ayaa lagu sheegay inay yihiin qaar hubeysan oo khatar ku ah amniga dalka, sidoo kalena hore uga qaybqaatay weerar khasaare dhaliyey oo ka dhacay degaanka Mpeketoni oo ka tirsan gobolka xeebta ku yaal ee Jasiirada Lamu sannadkii hore.
Warbaahinta Kenya soo xiganayey saraakiisha ammaanka ayaa baahiyey inay raggani maleegayeen weerarro argagaxiso oo laga fuliyo gudaha dalkaas, gaar ahaan maalmaha u dambeeya sannadkan 2015 iyo horraanta sannadka soo socda ee 2016.
Dhanka kale, shacabka dalka Kenya ayaa loogu baaqay in laamaha ammaanka ku wargeliyaan haddii ay arkaan ragga magacyadooda iyo muuqaalladooda la shaaciyey oo tiradoodu tahay siddeed xubnood, macluumaad ka hayaan ama og-yihiin halka ay ku sugan yihiin.
Mr. Cabdifataax Abubakar Cabdi oo ka mid ah xubnaha magacyadooda iyo sawirradooda la soo bandhigay sida la sheegay waa Soomaali aan haysan dhalashada Kenya oo hore looga musaafuriyey dalkaas.
Ma aha markii ugu horreysay ee dawladda Kenya soo bandhigto magacyada iyo sawirrada rag ay sheegtay inay gudaha dalkeeda ka maleegayeen weerarro argagaxiso, balse dhowr jeer oo hore ayey hay’adaha ammaanku sidan oo kale u baahiyeen muuqaallada dad ku eedaysan arrimo argagixiso.

 

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380