Araweelo News Network

XeerIlaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland oo ka hadlaya kulankaa

XeerIlaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland oo ka hadlaya kulankaa

Hargeysa(ANN)Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xasan Axmed Aadan, ayaa caddeeyey in falalka kufsigu kor u kaceen muddooyinkii u dambeeyey dalka, isagoo soo bandhigay qaabka loola dagaallami karo arrintaas.

Xeer-ilaaliye Xasan oo ka mid ah wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo kormeer ku maraya degaannada bariga Somaliland, isla markaana kulan la yeeshay bahda garsoorka iyo caddaaladda ee Gobolka Togdheer shalay, waxa uu tilmaamay in kufsigu noqday kiisaska ugu badan ee ay kula kulmeen degaannada ay mareen.

“Gobollada iyo meelaha aannu marnay oo dhan waxa na horyaalay kiisaska kufsiga ah, muddooyinkan u dambeeyeyna falalka kufsigu sare ayey u soo kaceen. Culimada ayaannu leenahay horta ummadda ka waaniya kufsiga, waxa kaloo aannu leenahay ha la fududeeyo guurka, waana waxyaabaha lagula dagaalami karo kufsiga, iyadoo sidoo kale aqoonyahanka iyo waxgaradka dadka looga baahan yahay inay ka qaybgalaan hawlaha lagula dagaalamayo falalka kufsiga ah,” ayuu yidhi Xeer-ilaaliyaha Guud.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed iyo weftiga uu hoggaaminayo oo kormeeray taliska booliska Gobolka Togdheer, saldhigga dhexe ee booliska, Jeelka weyn ee magaalada Burco iyo xarumaha maxkamadaha, ayaa u kuurgalay xaaladaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan bahda caddaaladda iyo garsoorka ee gobolkaas, waxa uu sheegay inay doonayaan sidii dib-u-habayn iyo isbeddel loogu samayn lahaa hannaanka garsoorka iyo caddaaladda.

“Ujeeddadu waxay ahayd in horta dadka shaqaynaya ee jooga gobollada fogfog aannu u tagno, garab istaagno, kana soo barbar shaqaynno, isla markaana ogaanno xaaladooda. Waxaannu marnay xabsiga oo aannu qof qof u dul istaagnay maxaabiista ku xidhan, annagoo weydiinnay inta sanno ee uu xidhan yahay, wuxuu ku xidhan yahay iyo xaaladiisaba, cidda soo xidhay, waxa kaloo aannu weydiinay inta gar-sugaha ah iyo kuwa xukuman, waxaannu aragnay dad caasi-waalidayn ah.

Waxa aannu doonaynaa tababarrada hoos u soo daadejino, waanna in tababarradu ahaadaan qaar kala duwan oo noocyo kala duwan ah, waanan soo gudbinaynaa tababarrada in la gaadhsiiyo gobolada ilaa degmooyinka dalka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Qaar ka mid ah masuuliyiinta hay’adaha garsoorka ee Togdheer oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in isbeddel weyn ka muuqdo hannaanka shaqo iyo qaabka loo qaado dacwadaha, waxayna tilmaameen in bulshada ku dhaqan gobolku dareemayso isbeddelka ka hirgalay dhinaca caddaaladda, iyagoo sidoo kale ballanqaaday inay diyaar u yihiin sidii looga midho-dhalin lahaa qorshaha dib-u-habaynta iyo isbeddelka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare doonayo in lagu sameeyo hannaanka garsoorka iyo caddaaladda guud ahaan degaannada kala duwan ee dalka.

Waxa kaloo masuuliyiinta garsoorka ee Gobolka Togdheer muujiyeen baahida loo qabo in si caddaalad ah loogu adeego bulshada, waxayna tibaaxeen in xukun kastoo garsoore rido uu ka dambeeyo xukunka Ilaahay (SWT), if iyo aakhirana lagala xisaabtami doono.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380