Araweelo News Network

Israa’iil Mr. Benjamin Netanyahu

Israa’iil Mr. Benjamin Netanyahu

Washington(ANN)Dawladda Maraykanka, ayaa la ogaaday inay si joogto ah u dhegaysato, una basaasto xidhiidhka isgaadhsiineed ee uu leeyahay Ra’iisal-wasaaraha dalka Israa’iil Mr. Benjamin Netanyahu oo ay xulafo iyo saaxiibtinimo dhaw ka dhexayso.

Wargeyska Wall Street Journal ee ka soo baxay dalka Maraykanka , ayaa faafiyey shalay warbixin la xidhiidha in sirdoonka xukuumadda Washington ay caadaysteen dhegaysiga isgaadhsiinta uu adeegsado Ra’iisal-wasaaraha Yuhuuddu, kuwaasoo ka helay xogo kala duwan oo muhiim u ah dalka Maraykanka sida lagu shaaciyay Jamhuuriya oo soo xigtay Wall Street Jounal.

Madaxweynaha Maraykanka Mr. Barack Obama, ayaa caddeeyey bishii January ee sannadkii 2014 in aannu dalkiisu dhegaysan doonin, dabagalna ku samayn doonin telefoonnada iyo isgaadhsiinta waddamada ay saaxiibka dhaw yihiin, kadib markii sir-faafiyaha la yidhaah Mr. Edward Snowden ooh ore ugu shaqayn jiray Hay’adda Ammaanka Qaranka magaceeda loo soo gaabiyo NSA ee Maraykanka uu fashiliyey in la dhegaysto telefoonnada madax badan oo dalalka caalamka, taasoo mugdi xoogan gelisay siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka iyo xidhiidhka uu la leeyahay dalalka adduunka.

Hasayeeshee, sirdoonka Maraykanka, ayaa mar kale la fashiliyey inay dhegaysteen telefoonnada iyo isgaadhsiinta Ra’iisal-wasaraha Israa’iil Mr. Netanyahu, kadib markii la ogaaday in dalka Yuhuuddu si xoogan uga soo horjeedsaday heshiiskii dhinaca nugliyeerka ah ee waddamada waaweyn ee Maraykanku hormuudka u yahay la galeen dalka Iran horaantii sannadkan hadda dhammaadka ah ee 2015, iyadoo telefoonnada la dhegaystay laga helay macluumaad badan oo la xidhiidha in Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil olole ka dhex bilaabay mudanayaasha baarlamaanka Maraykanka, isagoo ku dhiirigeliyey in aanay ansixin heshiiska lala galay dalka Iran.

Waxa kaloo warbixinta soo baxday lagu sheegay in Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil si toos ah iyo si dadban xidhiidho ula sameeyey mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Maraykanka ka hor intii aanay ansixin heshiiska nukliyeerka Iran isla sannadkan 2015, iyadoo la sheegay in sirdoonka telefoonnada dhegaystay qabteen, burburiyeenna farriimo iyo macluumaad muhiim ah oo Ra’iisal-wasaaraha Yuhuuddu doonayey inuu u gudbiyo mudanayaasha baarlamaanka Maraykanka, kadib markii farrimahaas lagu qabtay xilli ay hawada ku jireen.

sidoo kale Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa arrintan fadeexadda ah wax ka weydiiyey afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Guriga Cad ee looga taliyo Maraykanka, waxaannu si kooban u ugu jawaabay; “Ma samayno wax la xidhiidha in aannu dhegaysano ama kormeerno hawlgalo sirdoon oo dibadda, ilaa aannu ogaanno wax gaar ah ama si cad u khuseeya amniga guud ee qaranka, taasoo lagu fulin karo, lana dhegaysan karo muwaaddiniinta caadiga ah iyo sidoo kale madaxda adduunka oo dhan.”

Dhinaca kale wakaaladda wararka ee AFP oo la xidhiidhay diblomaasiyiinta Israel ayaa ka gaabsaday, isla markaana diiday inay ka hadlaan arrinta ku saabsan in Maraykanku dhegaysto telefoonnada Ra’iisal-wasaaraha Yuhuudda.

Sirdoonka iyo Hay’adda Amniga Qaranka ee Maraykanka, ayaa hore loo ogaaday inay u dhegasteen isgaadhsiinta saddex Madaxweyne oo qabtay talada dalka Faransiiska, waxa kaloo ay dhegaysteen Haweenayda Ra’iisal-wasaaraha ka ah Jarmalka iyo haweenaydii madaxweynaha ka ahayd Brazil, arrintaasoo sababtay in mugdi weyn galo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee xukuumadda Washington la leedahay waddamadaas.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380